UBIXII REJADA

[Sheeko Gaaban oo male-awaal Ah, salkna ku haysa dhacdo nololeed oo xaqiiq ah]

Magacaygu waa Ubax. Da’daydu waxay madaxa la gelaysaa 15 gu’. Ma lihi magac labaad, saddexaad ama abtirsiimo isir midna. Ma lihi qabiil, qolo iyo qaran toonna. Diin iyo ma aqaanno waxba. Waa ani iyo duni iyo keli! Maan doorannin laakiin waxaan is arkay uun anigoo nolosha ifka dhex jooga, manay ahay goob iyo goor layga soo dhoweeyay.

Markii aan uurka hooyaday gelayay, aabbahay kamuu raalli ahayn. Sidaas darteed, wuu iga dhaartay markii uu maqlay warkii bushaaradayda, waxaanu wacad ku maray in haddii ay hooyaday sheegato uu na wada dili doono. Inkasta oo aan guriga ayeyday ku dhashay, malaha kama aan qiime badnayn dheg ubax ah oo ku dul curatay xayaabkii wejhadda gurigaas ku yaallay. Malaa waa sababta magaca Ubax la iigu bixiyay. Continue reading

Abqaal

Bulsho waxay liibaanta marka waayeelkeedu beero geed uu ogyahay midhahiisa inaanu calfan doonin, waayo marka uu sadqayntaas falaayo wuxuu maskaxda ku hayaa da’aad yaryar oo soo kacaysa, inuu masuuliyad iyo waajib gudasho u sii falo wax noloshooda barbilowgeeda madhax iyo aayo u noqda.

noloshu waa sida oradka qori isku dhiibka ah, ama shubaaliska ceelka walwaaleed kolka geeljirku maalinta ceel gaawaha isku waydhaafinayo, midbana ka kale isaga oon ka gaabin kana dheeray ku sumaya,

“Wiiloow gaawuhu
kaama gaabnee
garbahaagiyo
Gadhka ka ag dayo”

Hadii aanay bulshana ubaxa u dillaacaya u madhxin arrin iyo adduun mid si ay geediga nololeed ee jiilba jiilka ka danbeeya ka reebo iyaguna waa dhaqasho seegaan, aarankuna way dhaqan suulaan.

“Intay gabanadu
gaamuraayaan
waaaba laba gu’ye
Maan anba u galo”

MA NOOLE AAN DHIMAN! (sheeko gaaban)

“Marba xaaladdaad ku jirto meel ka door roon haddaad doonto, oo u dedaasho, waad nooshahay. Waad qurux badan tahay. ‘Wax dhintey ma qurxoona” -Jamac muuse jaamac

Saacadahan oo kale waa farxaan, qofkii la kulmaaba wuxuu la dhacayaa bashaashnimadiisa iyo marxabbadiisa xad dhaafka ah, qosol, salaan, iyo bulshaawinimo aan caadi dhaqankiisa ka ahayn ayaa ku soo biira, dadka xaaladdan aan ka warqabini waxay ugu duceeyaan inuu Eebbe dabeecad wanaaga u siyaadiyo. waa xilli duhura, dhalada ayay ka haysaa cadeed aan fallaadho kulul lahayni, timaha badan iyo dhakada basaastay ee saalaxyadu galeen, dhabana godmay, margiyadiisa sida jillaabta u soo laabmay iyo  bacda madow uu gacanta ku wadhfinayaa waxay daliil u yahiin inuu nin ­­balwadeed yahay, isagana waxay ugu dhantahay laamaha qaadka ah markuu gacanta ku dhigo, markaas ayuu naf aanu lahayni gashaa, sida faraska ayuu u durduriyaa. wadadii waynayd uu sida sarkaalka u socday ayuu bidix u qabsaday, luuq yar oo xashiish badan ayuu la laabay, gidaarada wasakhda madaw saarantahay iyo waddada googo’an ee bulaacadahu ku furanyahiin waxa kaga wayn  qaadka bacda madaw ku jirt iyo qorshihii uu maanta wakhtiga isku dhaafin lahaa, saacadahan wax walba way la qurux badan yahiin, intuu isla baxsanaaba wuxuu soo gaadhay maqaaxiduu u socday, haraaq afaafka sudhan intuu dhan iska qabtay ayuu foorarsi  ku haluushay cooshad madaw oo u eg buul habar basari ahi bari ay noolayd dhistay!. Wuxuu ku yar hakaday afaafkii si uu madawga indhahiisu ula qabsadaan, markii uu wax arkayna salaan ayuu ku boobay rag meeshu maalin walba kulmiso.
“waar maxaa la sheegay? Continue reading

GAR-WARAABE (gabay)

Markii ugu horaysay een warkan maqlo oo Ramadantii ahayd, waxa aad ii xiisa galiyay warka sheegaya in qayb ka mid ah dhulka soomaalida –Kismaanyo-  lagu afuro saanbuuse hilib waraabe duqad looga dhigay, Waxay igu noqotay dhacdo ugub ah, si walba xaal ha u jiree, waxa bilaabantay fadhi ku dirirnimadii dadku caadada u lahaa, qolo cid gaar ah ku ceebaysa, qolo dacaayado shaqsi ku faafiya iyo qolo kale oo doodahoodii ku sii xoojista iyo dhaleecaynta wadarta (group judgments). Aniga waxay tusaale buuxa iigu noqotay heerka dhalangaddiska ee qiyamta iyo si-araga shaqsiga soomaaliga ah iyo jihada uu u socdo, kaasoo tobaneeyayalkii sano ee soo gudbay xardhayay qaab nololeedkii bulshe iyo qiyamteedii (social values & social beliefs), taasise ma ahan mawduuc aan hadda ku jirno faaladiisa.

Qadiyada waraaba cunista iyo xukunkeeda diiniga ah –xaaraan iyo xalaalnimadiisu- waa mid aan uga hadhayo xeeldheerayaasha cilmiga fahanka diinta iyo xeerarkeeda fiqhiga.  Waxase waysiinta wayni tahay, sababaha dhaliyay ku dhiirashadaas, jeer soomaalida iyo u baahashada hilabka waraabaha ay uga sokayso meesiyo badan oo xoolo ah, iyo xeebo kalluun badan. –in kastoo xaaladaha gaar ahi jiraan-. Wax walba oo simay hilibka geela iyo ka horarkii laga ilaashan jiray ee waraabahu marna xaalad caadi ah ma ahan. Wakhti ay jirtay in ninka geella lahi uu yasi jiray ka dhaqda lo’da, adhiga, kaluumaysiga, dhul faladka, ama dabashada duurjoogta, xilli uu geeljir hanwayni ku heesi jiray:-

“Anoo soof iyo
soobir maalaan
seexan waayee
sac nin haystiyo
sakaaraystiyo
sabool adhi lihi
sabaankii dheer
saa u noolyahay!!” Continue reading

Murida Maanta: Gaarriye

http://www.facebook.com/photo.php?fbid=278388565583823&set=a.273715739384439.63844.270074943081852&type=3&theater

Maansada “Ergo

Abwaan iyo Macallin Gaarriye wuxuu ka mid yahay foolaadka calanka u sida maansada wakhtigan, maansadiisa ergo waxay dhalatay 30/4/1992, wakhti xanuun badan, waa markii uu socday dagaaladii sokeeye ee umadiisa ka dhex dhacay, erayadi waa kuwa ka mid ah maansadaas, wuxuuna ku cabbirayaa xornimada fikirkiisa iyo ujeedadiisu inay ka sarrayso qabiil, xad, midab iyo gobol.

QABATINKA SHAR-KA-FILASHADA.

Waa mid ka mid ah dabeecadaha Aadanahu leeyahay dhammaantii, in dhanka xun wax laga eegona waa arrin iska caadi ah oo nooluhu wadaago, taas qabatinkeedunu waa in la sharaysto wax kasta, iyada oo aan la saarin miisaan sax ah oo kala miidha xumaanta iyo wanaagga wax yeelan karo ama aanu yeelan karin. Shar ka filashaduna waxay ku timaaddaa sababo laba ah midkood; baqasho xoog badan ama isla weyni xad dhaaf ah.

Hubaashii aadanahu wuxuu u collaystaa wax kasta oo noloshooda ku cusub labadaa sababood midkood. Wuxuu necbaystaa sancooyinka casriga ee meelaha kale kaga yimaadda sida dadkeennii hore ee dhagxin jiray kolkay arkaan gawaadhi soconaysa oo iyaga ula muuqanaysay mucjiso iyo duni aakhir sabaan. Sidoo kale afkaarta iyo dhaqannada cusub dadku way ka biyo-diidaan sidii dadkeennuba uga hor yimid bilowgii aqoonta casriga ah ee dugsiyada. Continue reading

SAFAR AAN MAQNAYN!

Sida lafa-gurayaasha sooyaalka Aadanahu isku raacsanyahiin, waayo-aragnimada Ina-Aadan -bilowgii ilaa maanta- waa shinan isku wada mida ama iskuba dhawdhow, mahadhooyinka qormaya maantuna waa isla werenwaryooyin hore oo gaboobay misana leh cinwaano cuscusub iyo dawaado qoyyan. Kala duwaanshiyahuba waa goobaha, gooraha iyo cidda hadba joogta, dhaaxaba aad akhridid aayado Qur’aanka ka mid ah, wuxuunbaad sii rumaysan isku ekaanshiyaha wacaalaha, isa suura ekaantoodana waxaabad malayn in agahaaga lagaaga waxyoon.

Waagii baryaana waayo lehe, waxaan la kulmay sheeko gubtanyo igu beertay oo ku saabsan Gabadh yar soomaaliyeed, 14 jir la kawsatay dhiig iyo reero ba’ay, waxay ka soo firxatay soomaaliya oradna ku timid xero qaxoonto oo ku taal Uganda, Nikifali, ooy ku noolyahiin boqollaale soomaali ahi, gabadhan yar waxay cid walba ku wayday dagaalkaas, waa duni iyo kaligeed; waxayna la kulantay wajiyo badan ooy foolxumadu leedahay, waxay soo martay kufsi, jidhdil, bahdil iyo duni dhiilloon, lurka saaran waax kasta oo jiidhkeeda ku yaal wuxuu salka ku hayyaa xusuuso qadhaadh iyo boogo ma dhaymaan ah oo geediga nolosheeda ka dabqaata, haddiibana su’aal loogula noqon lahaa waxa ay u dhimatay, ma hesheen jawaabta hale eray oo ku qumman. Continue reading