GUURKA IYO GABAYDA SOOMAALIDA

Gabayo ku saabsan guurka, iyagoo isagu jira qaar ka hadlaya dhiilrigalintiisa, qaar dardaaran u ah dhalin guurdoon ah iyo waliba qaarkale oo ka hadlaaya xaalada ka danbaysa aqalgalka, waxaynu soo qaadan qaar ka mid ah gabayda ugu aansan gayiga soomaalida misana ay tiriyeen kuwa ka mid ah foolaadkii suugaantii hore ee somalida.

GUUR AAN KA LA’AADO (1922):

Gabaygan waxa tiriyay Aw Yuusuf Maxamed Xirsi (AHN), wuxuu ku noolaan jiray jiidaha Qorraxay ee soomaali galbeed, waxuu gabaygan kula talinayaa niman dhalinyaro ah guurdoon ahaa, wuxuu timaamyaa dardaaran waayeelnimo, gabdhaha midda wacan iyo sillan, dookhiisa, damaciisa iyo dareenkiisaba gabaygan ayuu ku soo koobayaa,waxuu yidhi:

Gurey iyo Daroorow arini, waygu gabileeye
Wax i galayba waan uun galgalan, gu iyo jiilaale
Galbi-dhabadka waxa iigu wacan, hal igu gaarnaaye
Garanna wayde meeshaan qalbiga, uga gufaacoone
Guddigayga caawaba maqloo, geliya laabtiina
Oo wada guntada xaajadaa, odaygu soo guurshay
Gaashgaashka waa lagu lumaa, gole ka fuulka ahe
Ha gudoonsan waa kii caqligu, gaan kugu ahaaye
Gurri-billa ninkii doonayee, nacaya goonbaarta
Ee guur ujeedoow i maqal, waan ku garansiine
Guduud looma raacoo haween, gabalba waa cayne
Bidhaan gebi ka laalaada waa, lagu gulaalmaaye
Isu gaadhay gabadhaad tidhaa, meel unbaa go’ane
Gaboodleyda gaashidu kutaal, labada goonyoodba
Ee maradu geyngeyman tahay, guur aan ka la’aado

Ganbadh lagu fadhiistiyo midaan, gaadha fidineynin
Ganuunka iyo xeedhyaha middaan, goor Allaba dhiibin
Gadh-cadaayadii reer tolkey taan, u gogol haynin
Een geedka laga naadinayn, guur aan ka la’aado

Gaadhgaadhka awrtiyo nirgaha, geela laga reebay
Gurijoogta xoolaha midaan, goosanka u diidin
Een garanin soo dheelan ee, guriga uun joogta
Gudbantaan halkayguba galayn, guur aan ka la’aado

Allow garawo giirka iyo afka iyo, ganafka uun taageysa
Oo qoolka uun kula galdi’i, magac waxay gaadho
Gandihii miduu wada nacee, gacalka fiigaysay
Gool boodadii laga samree, goysay ubadkeeda
Intay dhiig isoo galin lahayd, guur aan ka la’aado

Geediga hayaanka ah midaan, gaadhin waligeedba
Ee gabanta loo sido sidii, goodir noo curatay
Waa geeri naagtaan ritiga, kuu gadh qabanayne
Reerkoo gawaan degay dadkoo, gibbiladii waabtay
Anoo galangalciyo oon la tuban, furayna gaadiidka
Geedaha hadii lala dhexgalo, gudimo oodeedda
Galoon badhaxa uma dhaamin karo, geedantada jaane
Guul iyo cidlay igu waddaa, goox aan yuurure’ee
Gosha laga cabsooniyo xidhkay, gooshu ka adeegi
Gaade iyo intay bahal isiin, guur aan ka la’aado

Midda gaaban ee garabkiyo, guudku wada joogo
Ee socodka uma gaatisee, gididiflaynaysa
Ee gura ma laacdee ritiga juu, ku ganacgoysa
Janbal gibin ah een golos ahayn, guur aan ka la’aado

Carmal jeer hortay guursatoo, geeda soo shidatay
0o iga gu’ wayn oo taqaan, gaadmo iyo dhuudmo
Waxay gogosha ii saxartirtoo, illaxidh goysaaba
Dhowr habayn markii lala golyoo, gaax lakala maalo
Gadaal bay lasoo bixi dabbaro, hor ugu gaarnaaye
Intay galab i aynabi lahayd, guur aan ka la’aado

Middaan cowska soo guran aqoon, garab ku boodhlayda
Galgalin jiifta bacadka uun galgalan, gu’ iyo jiilaalba
Oo golaha qoyska iyo ninkaba, leexadu is goysay
Ee giiryar baa cunay i odhan, guur aan ka la’aado

Galbashada dharaartii middaan, gaadhka iga haynin
Een garanin goortii wakhtiga, aanan gafayn reerka
Een guurahaygii milshiyin, aar gudaan ahaye
Anoo luga gorgoray taagnidii, gogosha oo laaban
Intaan ciil la gow odhan lahaa, gaada iga haysa
Amaan goor xun daydayan lahaa, guur aan ka la’aado

Maradaan u gaday khayligaan, gugakan soo iibshay
Garbasaar hadaan ugu darriyo, boqoro giirgiiran
Wal maxidhato ganaca uun banayn, guur aan ka la’aado

Galoolka iyo cowskay badhkood, guna ka gooyaane
Garba duubantaan laga dayeyn, gala in ay laabto
Waxay hooyadeed garab degtoo, la i gargaaraaba
Mar haddaan ka guurana hadday, biidna garan waydo
Gabbaad kob aan lahayn kuma gam’ee, guur aan ka la’aado

Dumaal gaban leh gaayaa tufley, waa mas geed galaye
Haddaan wiilka guulguulo, way igu guhaadoone
Waa gool dhashii haysatee, guur aan ka la’aado

Gabdhahoo ciyaar tuman raggoo, yara dul goocaaca
Golostay ujeedeen haday, guluca soo saarto
Waxay guuntu boodoo ciyaar, daba gablaysaaba
Goobtii midii lagula hadhay, geedka dhiniciisa
Garaclayda geelada irmaan, guur aan ka la’aado

Gool weyn middii loo qaliyo, gogol lasoo dhoobay
Gab hadday tidhaahdoo martidu, igu dul gowriirto
Weelkeedu tuu gorof yaheen, laguba gaaraynin
Nin guraar minkii loodhigeey, gobbi la yaabtaaye
Intaan ciil la gow odhan lahaa, guur aan ka la’aado

Talaabada midaan gaw kasiin, gooray soconayso
Oon gola baxayn oon xarago, gacanta saydhaynin
Een dumarka gaasirin giddigii, guur aan ka la’aado

Allow gaaridii loo xishiyo, gabadha loo aayo
Raaliyo garaad badan midaan, iga guhaadaynin
Adaan gacanta kuu hoorsadaye, ha i gafsiin caawa.

TALO GUUR DOON

gabaygay waxa tirshay Abwaan Maxamed Fadhin, wuxuu kaga faalloon guurka iyo qiimigiisa, wuxuu murtiyaynayaa sababaha iyo ujeediyo, wuxuuna raacraacinayaa talooyin iyo tusaalayaa,
Wuxuu yidhi

Ga’da gabayga guuroowga iyo tirinta geeraarka
Ma gorfeyninoo waayahaan waan ka gaabsadaye
Ma dhex galininoo guud ahaan gooyayoo nacaye
Ha yeeshee gibbaan maahi aan garasha dheereyne
Gal xareed sidii baan ahoon go’id ka yaabeynoo
Ga’da gabay gugeygoo yarbuu guulle ii furaye.

Galabtana waxaan doonayaa in aan ku geeraaro
Ama guurka aan kala talshaa wiilka geelle ahe.

Haddii aad go’aan qaadatoo guurba aad damacdo
Inta aadan galinbaa gudboon inaad gorfeysaaye
Ood gunteeda baartaa waxaad damacday geeloowe
Ninkii kaa gu’ weyn iyo ninkii garasha kaa dheer leh
Iyo geedka kii tagi jiriyo goobihii kulanka
Iyo kii hortaa guursadaa qeyb la galiyaaye
Oo go’aanka aad damacsantahay lala gorfeeyaaye

Anna galabtabaan soo gudbiyi garashadeydiiye
Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah

Gabar dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede
Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
Midna magaca qooskey gashey guur ku mudataaye
Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace
Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede
Geelow si gaara u ogaw tan u gadaaleysa

Gurigaaga yey galin haddeey gabari diin beesho
Gayaankaaga maahee ka durug gabi ahaanteeda
Gaduudkeeda how arag iney guur ku mudaneyso
Garaaryihiyo laafyaha hadayin galab caraawgeeda
Codka leysku suuq galinayaa ha u galiilyoonin
Tolkeedaa ahaa geesiyaal yeyna kugu gaadin
Gammaan farasyo geelbey qabaan gariyo giir toona
Yaan lagugu soo galin haddey garasho diin weeydo

Gani lacagyo gunud howgu xilan qiimo gaar malehe
Haddey galab kastaa wiil dhashiyo gabar midkaad doonto
Misna guulle diintuu nafaray garab martoo diiddo
Marna guri qabow iyo inaad sama ku gaareyso
Geellow hasugin taa horaa looga uur go’aye

Haddaad diini guri raaxaloo aan dhib kugu gaarin
Iyo guur wanaagiisa iyo gogol macaankeeda
Iyo gibil asturan oon rag kale gaarin aragiisu
Iyo hadalka oo gaabanoon dariska gaareynin
Iyo guud wixii aad fartaba gabar adeeceysa
Oon dibada gaareyninoo joogi gurigeeda
Oo goorti aad fiirisaba garan muraadkaaga
oo gacan ku siinee haddii dhibi ku soo gaaro
Oo guulahey kaaga barin in uu ku guuleeyo
Oo aan maseyr galin haddii guurka aad badiso
Oo goor walbaba raali ku ah guulle wuxuu keeno
Oo aan ganbiyo kala jecleyn gani midkaad siiso
Oon biilki wuu go’ay laheyn amase wuu gaabtay
Oo guriga gole diin ka dhigi gibi ahaantiisa
Ku gardaadin guud ubadka oo diinta garansiini
Geellow waxaa laga helaa gabar taqaan diine
Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah

Guri wacan gabdhiyo wiilal badan diinta garanaaya
Oo guulle tii uu nafaray goor walba u taagan
Oo goorta leylkii saqdhexe sama ku gaaraaya
Oon gama’ hameenkii aqoon gabal yar mooyaane
Oo kheyr ku guda jira iyagu goor walbood aragto
Oo maalka gacantooda galay aan gadaal marinin
Ee goobuhuu faray sharcigu ugu gargaaraaya
Oo guud qaraabada xafida oon midnaba gooynin
Oo aan macaasida dhex galin garabna aan siinin
Oo quraanka garan gabarya wiil oon ku kala gaabin
Oo heer ka gaaroo sunada goor walba ilaalsha
Oon gadanin diintoodi oon gaala raac noqonin
Oon goobti uu kheeyr ka jiro goorna laga waayin
Geellow waxaa laga helaa gabar taqaan diine
Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah

Tusaalooyin gaagaabanbaan soo gudbinayaaye
Nuxurkooda garo geelle waad garasha dheereede

Waxaa badan gaduud miro ah oon timirta gaareyne
Gabalkooda badanina sun yahay bari ma gaartaaye
Oo aan dadkuna garan kareyn gabal yar mooyaane

Waxaa badan sun gibilkeeda sare malabka giirkiis leh
Oo gooyn naftoo idil markaad gacan la aadaaye

Waxaa badan mas iyo good markaad giirka sare eegto
Ul garuuna loo moodo iyo geel kaxeys wacane
Markaad gacan u qaadana khatari kula gudboonaane

Waxaa badan gawaan aad is oran waa xareed galahe
Markaad goobti gaartana hadhoow waa galaangaline

Waxaa badan gammaan faras ahoo guri markaad joogto
Galeyrka iyo haadda u dhigmoon cidina gaareyne
Goortii xaqiiq loo gudbiyo cadawga goobtiina
Gidaadaaya oon gara riyeed qiimaheed galine

Waxaa badan nin aad gacal u qabi gaalna kaa necebe
Oo godkaadi soo qoday misana gowrac kuu raba’e

Hashii boowdo ey kala go’dee golaha aan dhaafin
Geeley ka tahay kow markey gaarto fiidnimo’e
Subaxdiina golahey ku hari geeli oo tagaye

Libaax oo lawada garan qawida guulle ugu deeqay
Iyo guluf dawaco goorti aad sheeka soo galiso
Duur joog guruubkeeda bey wada galaayaane
Mid waliba wuxuu galena waad garan kareysaaye

Waxba hadalku yuu ila gudbine waan gunaanadiye
Tusaalooyinkaa soo gudbaye gaarya maqalkaaga
Iyo kuwaan kasoo gaabsadee aanan wali gaarin
Waxaan uga golleyahay kolley garatay geellowe
Gabar dumarna saa weeye oo gabalba waa ceyne
Nin walibana geedkuu fashuu goosan mirihiise
Inta aadan gabi dheer ka dhicin gaararka u fiirso
Oo midab inaad goobto yuu noqon go’aankaagu
Oo garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah.

HADUU GUUR QALBIGA KAAGA DHACO:

Waa erayadii abwaankii waynaa ee Maxammed Nuur Fadal, mid ka mid dhidabyadii calanka u siday maansada soomaalida qarnigii hore, gabaygan oo isna bulsha waynta caan ka dhex ah wuxuu ka dhashay jacayl dhalinyaranimadiisii ku habsaday, iyo wacaashii fallaadihiisa, ugu danbayna hilaadinta naalada guurka ee mida uu qalbigiisu raacay, wuxuu yidhi:-

Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso
hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye
dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye

dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise
hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane
meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay

dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay
dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda
dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo

dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso
cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda
dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile’e

saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda
sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay
waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay

dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho
ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto
dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso
kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo
dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe
dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade

inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye
dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye
dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde

sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere
inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya
dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa
dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya.

WAA INAY:

Gabaygan waxa tirshay Axmed Maxammed Cabdalle, wuxuu ku laqimayaa astaamaha gabadha habboon ee guur loola hollan karo, dhana waa amaan ku aadan gabdhaha soomaaliyeed , wuxuu yidhi:

Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane
Waa inaanay da’weynayn middaad guur u dayataaye
Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye
Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye
Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye
Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne
Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe
Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye
Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane
Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine
Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye
Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye
Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone
Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye
Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye
Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye
Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye
Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye
Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye
Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne
Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye
Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye
Waa inuu ku daaraa udgoon deyrka ka horowe’
Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye
Dar ilaahay waa inaad qalbiga uga ducaysaaye.

CIDLO LAGAMA BEERMEEN:

Boqorkii jacaylka soomaaliyeed, Cilmi Ismaaciil Maxammed (Boodhari)oo isaga iyo sheekada jacaylkiisii karkaar-jabiska ahaa bulshada si wayn ugu caanbaxeen, aya wax la wariyay in labadiisii saaxiib ee ugu dhawaa ku canaanteen xaalada uu ku jiro, waxay ku tiigaaleen in waxiisu xeerarka raganimada ka baxsanyahiin liidnimo iyo nacasnimana way ku dhaliileen, waxa la kala odhan jiray Muuse iyo Tabaase, isaga oo caddaynaya yoolkiisa kama danbaysta ah wuxuu ku taagsanayaa dumarka iyo guurka isaguna aanu ladayn ilaa aqalgalkiisa. Wuxuu yidhi:

Caashaq haween waa hora Caadil soo rogaye
Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye
Caruurtay sideen meesha iyo ciise nabigiiye
Cidla lagama Beermeen dadkoo cuuddi waaxida e
Waxa qaarba cayn looga dhigay hays cajabiyeene
Soomaalida caado xune iguma caydeene
Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye
Kuwii ii calaacalayey baan camal tusaalayne
Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya
Curuuqdiyo maxa kale dhex geli cadaha hoostooda
Ma cidaamkanaan jabinayaa cunaya dhuuxooda
Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho lay diidye
Caqliga yaa ka biin tuu Illaah ku cir-cadeeyey
Cimrigayga oon jirin intii lagu cirroobaayey
Mugga inaan caddaadaan ka biqi canab daraadede
Cududuhu ma naaxaan qofkay talo ku ciirtaaye
Casharkay wadaadu qoreen cudurkan goyn waaye
Cilmi iyo daawaba doontay oo waayey cilinkiiye
Jeeroonse canabeey ku helo caafimaad dhimaye
Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
Illayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay.

ASLI MIDABKII LEEY:

Qisadan oo lagu baran jiray dugsiga sare ee manhajkii soomaalia waxay dhex martay abwaankii waynaa ee Saahid qamaan iyo Faatin, waa sarbeebtii ku saabsanayd gabadhii soo ag martay Saahid iyo faatin iyagoo shaxaya ayuu uidhi saahid:

Gamaankiina badan Feetinoow, gabalba waa cayne
Qaarbaan garmaamada la barin, gaalibna aqoone
Qaarbaan kagoor iyo kagoor, godalka daynayne
Gabxa lagu shakaalyoow sanguhu, gaabi oradkiiye
Gacalnimo haddaad naga rabtaan, go’aha noo doorsha .
Markaas ayuu faatina godkiisii dagay, dabadeedna gabaygii qaatay isagoon ka bixin xeerkii sarbeebta ee u yaalay, wuxuu yudhi:

Hal garawsho leey Saahidoow, gobi la yeedhaaye
Waa gu’ iyo laba deyr jiroo, neefku waa gibinee
Nin gamaan yaqaanaa dhal waa, gaaso bixiyaaye
Haddii nadigu gubo neef yar, waa jaro gariiraaye
Maxaad nagu galaysaa haddaad, fuulmo garan weydey?

Halkaas waxa looga gar helay ninkii Saahid, dabadeedna Saahid waa guddoomay waxna go’aansaday inuu gabaykale u tiriyo afadii uu qabay (tii uu ka cawday) wuxuu gabaygan ugu sheegayaa dhaliilaheeda, wuxuu ku hoga-tusaalaynayaa dhaqammada ku haboon lamaanaha iyo dhaqashadooda, iyo sida guurka la iska qabtaa u dhismo.
Waxa la wariyaa in gabaygani caan ka noqday gayigii Hawd (ogaadeeniya) ee uu Saahid ku noolaa, gabdh kastaa oo gayigaas guur tanaadayna way xifdisay si ay ugu dhaqanto, waxaabu noqday gabay iyo xeerar ay ku dhaqmaan gabdhaha rab in gurigoodo guryaha kale ka billaado, waa kan gabaygii:

Afka Adari reer Ugunji iyo, nimanka Eedoole
Isahaaq irdaha Maalinguur, Edega Ceel Dhiinle
Ilig iyo Awaare iyo Jeed, aradka Buuhoodle
Oodweyne reeraha ku jira, nimanka Iidoor ah
Afarta beynujaho uumiyaha yaal, odayga Daarood ah
Intaasaan ilaalo u dhexmaray, dumarna eegaayey

Asli midabkii leeyeey haddaan, adiga kaa doortay
Oon wada anfiyey naago kale, odayna kuuraacay
Arday iyo siddii macallin baan, kuu af-barayaaye
Naahooy aan eray kuu dhigee, qaado odhaahdayda

Ma udgoona naag ina-gumeed, uudna shidan mayne
Kol haddii ay ubad yeelatana, lagaba aanyuus ye
Afka iyo ilkaha cadayga mari, oo indha kuulo
Usgag naag leh waan necebnahaye, yuusan kugu oolin

Haddii aro la guursado tolkay, waw abtiriyaaye
Abjad iyo waxay kuula iman, agabo naagoode
Afarta inqadood iyo murriyad, aqalka kuu taala
Aradbaxa asliga kuusha iyo, xidho alaabtaada
Adigoon ilwaad quruxsanayn, yaanay kuu imanin

Amin galab ah aaskoo dam’ yidhi, niman aguugaaya
Adduunyadu halkay soo martiyo, adhiga raadkiisa
Arwaaxooda way uga ba’aan, Reer Ugaas Magane
U tag oo il garo inay yihiin, awrta Bah Xawaadle
Dadka uma ekee yaan la odhan, lama aqoonaynin

Anoo maqan islaan idin martiyey, niman i aanaystay
Ha ku odhan Ilaah baa jiroo, aabahood ma hayo
Anigoon ogayn yey anfaco, igaga eed sheegan

Ul haddii aan kula dhaco adigoo, meelo ka ilduufay
Hana ooyin aaboow ha odhan, hana ugaadhoobin
Adoo uubatayn reero kale, yaanay ku ogaanin

Haddii Eebaheey kugu anfici, waa kitaab idile
Haddii aadan aqbalin waanadaa, lagu ogaysiiyey
Midkaloo Ilaah kuu idmaba, kalaba eedoownay.

INAAD GUURSATAA:

Gabaygan waxa la yidhaa maan galool, waxa tiriyay abwaankii Cabdilaahi Suldaan Timacade. Wuxuu yidhi:

Inaad guursataa maalintay kula gudboonaato,
Goortiyo alleylkii hadaad guuro bahallayso,
Sidii gaal ugaadhsiya waxaad gelida meertaaba,
Hadaad mid aan gu`geeduba badneyn garato soofkeeda,
Oo haasaawiyo kala geysataan hadalladii guurka,
Ninkii kaa gu` weyn xaajo waalagu gargaaraaye,
Waa inay guddida reer tolkaa golaha joogaane,
Waa inuu gabbaatigu baxaa xaal gobeednimo e,
Waxaad gaadhka haysaba haddii dadab laguu gooyo,
Galabtaa haduu qaaddigii meher ku gawsiiyo,
Adigoo gayaan quruxsan aroos ku soo gaadhey,
Gelbiskii waxay culimadii socodka gaabshaanba,
Guriga markaad soo gashaan bay indhaha galac ka siisaaye,
Markaad gooni noqotaan yartaad giniga moodeysay,
Ee ay gogosha kuu soo dhigtee joogto garabkaaga,
Ee aad marada gees uuga rogtee gelin ciyaarsiiso,
Wixii guunyo hore kaaga baxay waad ka gama`daaye.

HABLAHA GEESKA AFRIKA:

Maansadan caanka ah ee Hadraawi qaybo ka mid ahi dul istaagayaan muhiimada gabadha iyo guurku nolosha aadanaha ku leedahay iyo guulaha ay xanbaarsanyahiin.

Haddaan guudka laga jarin
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin
Marwo dumar garka u xidhan
Illayn guri dugsoon ma leh.
Gaadaha habeenkii
Kelidaa galgalashiyo
Ged-geddoonka dhalisoo
Adigiyo go´aagaa
Hadba dhinac u guuroo
Barkintaad gabbood iyo
Gaashaan ka dhigataa
Haddaan guud haldhaaley
Kolba gacan la saareyn
Illayn gogoshu wehel ma leh.
Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illaa noloshu guul ma leh.

QAYBTA NOLOSHA (1988):

Abwaanad Canab Guuleed Maxamed, waa gabdhaha doorkan gabya, sanadkii 1988 ayaa nin gayaankeeda ahaa haasaawe u bilaabay, guur iyo gaabsi kuu rabayba Canab waxay ahayd gabadh u foojigoon oo u dhug leh damaca inan rag. Dabadeedna waxay tirisay gabay la siiqad ah ama shabaha gabaygii Aw Yuusuf Barre (Guur aan ka la’aado, 1922), waxay dhowr qaybood u kala qaadaysaa inan rag falaadkiisa iyo dabciyadiisa kala duwan, qaar badan ragas ayay ka ducaysanayaa, midna way ku ducaysanaysaa. Waxay tidhi:

Adduun waa qisiyo yaab, quusayoon gudhine
Marna waa qaflado iyo naxdino, qaawan abidkoode
Qorraxdii dhacdiyo waagu, way kala qalloocdaane
Qosolka iyo farxadeheedu wa, qaaban soconayne
Marna waa qabow iyo nimcado, laysku qoofalaye
Qof waliba wixii loo qoruu, qayb u helayaaye
Qiimo ma laha barashadu haddaan, lays qaddarinayne
Qalbigaan la dhawreyni dhaqsuu, qanac u gaadhaaye
Qayrkaa haddaan kuu jeclaa, waan ku qoonsadaye
Ka qawedeyna qoyskaan lahaa, aysla qabataane
Qormadaan yagleelaayey oo, qiimo gelinaayey
Qaban qaabadii aan watiyo, qaradkii beenoowye

Qosolkiyo sasabadaad waddaa, ka qoto dheer xaale
Qof liita illayn lagu hodaa, qaladkan ii dhaafe
Haddaad qaafil ii haystana, dhowr qarnaan jiraye
Sharaftaydii anigoo qabaan, qooni igu oollin
Oo aan qal qaalina u socon, qubinna diintayda
Naftoon qisaasaa waa midaan, meesha qabanayne

Allahayow adaa qaaddiroo, qaybshay dunidaase
Adigaa quruumaha ku nool, quudshey keligaaye
Qalbiyada adaa daalacdoon, qodob ku seegayne
Geesi qiimo weyn lagu ogyoo, qayrkiba u haysta
Soddonkii quraankiina ay, qabatay laabtiisu
Oon qallayn salaadana siduu, Caadil ugu qeexay
Qaxar iyo dhibaatiyo midaan, qaladba ii geysan
Qarki aad ka eegtaba midaan, meela laga qoonsan
Kaasuu qalbigu doortay oon, qaadan kari laaye
Qaaddirow Allaahow isii ways, qaddarin layne.

DHAMMAD

HAL MUCEEDYADII TIMACADDE:

HAL MUCEEDYADII TIMACADDE:

 Midh la baxa Maansada dawladnimada, Midnimada iyo qabyaalad-diidka.

                                                                          Image(sawirka:  C. S. M. Timacadde)

 

 

Haddiiba dib loo milicsado qaab-nololeedkii bulsho ee soomaalida qarniyo yar ka hor, wuxuu si walba uga duwanaa kan maanta ee badi magaaloobay. Beeshii raacatadu waxay lahyd qiimaynteeda iyo qadirinteeda waxyaalaha u gaarka ah. Doorka gabayga iyo gabyaagu ka ciyaari jireenna waxay ahayd mid aad iyo laxaad leh oo ka saamayn badan ta maanta. Abwaanku ma ahayn curiye maanso kaliya, waxse uu ahaa ‘xoghayyaha warfaafinta’ iyo warbaahinta (radio) kaliya ee jirtay. Dhanka kale, Sida uu qabo Hadraawi wax kaluu ahaa “Abkii waanada” tanoo u dhigmaysa awaale-warranka, hilaadinta timaadada, allabba sheegga iyo tilmaamidda. Sida uu isna ku qeexayo Xuseen Cabdi Xalane dhiganahiisa Farguri; “abwaan waa nin lagu qaddariyo xirib-dheerida, xarakaynta hadalka iyo xulashada xalka habboon”. Kolka, waxaynu halkan ka dhiraandhirsan karnaa macne ah, hal-abuur kastaa abwaan maaha, abwaan kastaana hal-abuur maaha.

Kanna, Dunta qofnimo ee laga aslayba waxay ahayd mid si walba uga duwan tan soomaali badan, waa taallo iigu suntan soomaalinimo, midnimo, qaranimo, iyo wadaninimo karkaarro-jabis ah. Waa shaqsiyad buuxinaya doorka gabyaanimo iyo ka abwaannimo, jeerka si dhuux ah loo eego suugaantiisa, noloshiisa iyo taariikhdiisa. Wuxuu ku caanbaxay waaninta iyo waxsheega soomaalida ka diimoon danahooda, dawladnimadooda, midnimadooda, iyo qaranimadooda. Wuxuu ku caanomaalay hal-adaygnimada iyo ku-dhacca uu u lahaa qadiyadahaas uu rumaysanaa, iyo sida aanu habeenna uga gam’in ilaa intuu ka god galay. Wuxuu magaciisu u shaacay sida gabaygiisaba loo wada bartay. Waana abwaan Cabdilaahi Suldaan Maxamed “Timacadde”.

Abbaarahii 2005, aniga oo dugsiga dhexe ku jira, ayaan helooday buug duug ah, oo baalashiisu luufluufmeen wuxuu ahaa (Diiwaanka Maansada Cabdillaahi Suldaan Maxamed “Timacadde”, Boobe Yuusuf Ducaale, Daabacaaddii 1aad, 1983, Stamperia Nazionale, Muqdisho ) waxaanan gallad ugu hayaa qoraagu dadaalka uu dhaxalreebkaas u galay.

 In kasta oo garaadka wiil 15 ah, iyo adduun-aragga, ama mabaadi’da maansada Timacadde ay aad u kala gudawaynyahiin, haddana waxay igu yeelatay saamayn ballaaran, teeryo maanta oon gankii hore ka koray, garaadkayguna ka kobcay, oo waxbarasho jamacadeed ku hawlan. Jeerkastaba, waa naq doog leh, oon u iishado xildhibaanimo, kaalinqaadnimo, iyo han shisheeya.

Waa mid ka mida sababta aan u jeclaystay inaan qormadan kooban uga sameeyo suugaantii Timacadde anigoo kaaga cawsguri doona buugaa qiimaha badan ee uu Boobe Yuusuf Ducaale maansada abwaanka ku kaydiyay iyo faalo aan raacraacin doono. Mar waa iga xasuusta abwaan timacadde, marna waa iga xasuusin bulshada wax uu isba u xiiqay sabaanno badan hortii.

Wakhti badan kaaga cuni maayo taariikh nololeedka abwaanka, waxa taa u hagarbaxay qoraaga (Diiwaanka Maansada Cabdillahi Suldaan Maxamed, daabaadii 2aad, 2006, Flamingo Printing Press, Addis-Ababa), Waxaan mooggan ku koobasan maansadiisa la xidhiidha qabyaald-diidka, dawladnimada iyo midnimada. Saddexdaas abbaarood oo baadi-sooc u ahaa maansadii abwaankan, ayaan jeclahay inaan mid walba docduu ka taagnaa ilays ku daarno, si aan sooyaalkeena ugaga irdabaxsanno taloxumo jirta ama imankarta.

Hooyo Xabiiba Seed Guuleed iyo Aabe Suldaan Maxamed ayaa hilaada dayrtii 1920kii wiil ugu dhashay galoolley, ee dagmada Gabilay,  Cabdilaahi ayaa loogu wanqalay, wiilkan oo ka dhashay qoys beerfalto ah, isla halkaas ayuu ku kacaamay, quraankana ku bartay. Wuxuu noloshiisa ku qaatay magaalooyin kala gadgadisan, Adari, Diridhawa, Jabuuti, Hargaysa iyo Gabaliyba waxbuu waayihiisii kaga noolaa, gadaalkiina wuxuu ku godgalay Gabiley, isagoo 53 jira ah, gugii 1973kii, Alle jannadii fardawsa hawgu deeqee.

Waayahii iyo noloshii uu dhex hanaqaaday ina suldaan waxay ahayd mid qabali ah, dawlad may jirine, tolnimada ayaa ahayd gabboodka kaliye ee dhaqan-dhaqaale, hab-siyaasadeed iyo hab-nololeedba. Hubantina, ninna tolkiisa kama janno tagin, laakiinse aragtida iyo maansada Cabdilaahi waxay ahayd mid si dhakhsi ah uga kortay dharabta qabyaaladda, taasibaa had iyo goorba siinaysaa sowraca horaadnimada ay kaga jirto maansadii ay la goorta ahayd.

 Guud ahaan gumaysigii dhulka qabsaday, waxay soomaalidu ka dhaxashay hadimooyin badan oon xad lahay, soomaaligii qabka waynaa, laandheera ahaa ee dadka ugu sareeyay ayaa lgu qasbay inuu dabadhoon u noqdo ninkii caddaa, isla markaasna ka amar qaato.  Si la mid ah, gumaysigu wuxuu xannibay isku gooshkii raacatada een xuduudka lahaan jirin, kolbana halka naqqa leh u digo rogan jiray, waxay la kulmeen seerayaal iyo xarriijimo xadaynaya isku gudubkooda. Waxa uga sii darnayd, waxa lagu xakumay gibir (cashuur) inay bixiyaan, isticmaarkana siiyaan, waa dhacdo ugub ka sokow, waxay u arkeen gumaynta soomaalida is bokhray, horayna, waligeedba aan cashuur laga qaadin!.

Dhawrkaas sababood, oo lagu daray soomaalidii dibadda u baxday dagaaladii aduunka iyo waayo aragnimaday la soo noqdeen, waxay dhalisay fikrado ka duwan kuwii qabiilka oo u siqanaaya dawladnimo iyo midnimo. Saamaynta ay arimahaasi dhaleen darteen waxa curtay halganno qaab qabiilkii hore ka yar saamayn badan sida kii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, iyo ururo siyaasi ah oo haykal casri ah leh sida SNL iyo SYL.

Isla inahaas ayay bilaabantay dabaysha xornimo doonka, dowladnimada iyo midnimada ee soomaalidu, dad yar ayay dabayshaasi saaqday. Ina suldaanna waa tusaale ka dhex mudan, waxse lama suureeyaan ah siday dabayshaasi u saaqday, dabadeedna, sanbabadiisa hoyga uga samaysatay una noqotay halbowlaha ay naftiisu ka haldhag tidhaa.

 

Qabyaalad-diidka:

Halgankii ugu dheeraa, ugu adkaa ee noloshiisa, wuxuu la galay qabyaaladda. Isagoon hanbayn hayn iyo hooy wuxii Alle ku galladay. Sir iyo caadba wuu u dhigay, bal mar uun in ay soomaalidu qabyaaladda ka kufriyaan!  Uma arkayn kaliya astaanta dibudhac iyo kala qaybsanaan, wuxuuse u arkay cudur dilaa ah oo dadkiisa had ay joogaanba halgaadaya.

Ugu badnaan maansadiisa wuxuu kaga hadlay qabyaalad iyo liidnimadeed. Sidaas ayaad uula kulmi hal-ku-dhagyada maansadiisa ee halhayska bulshada u noqday. Ma qof qabyaalad iyo xumaanteed arkay, misana aan weedhahiisa xasuusanbaa jiri karaba, “dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane”

Waa midh-labbaxa ku jira gabaygiisa “Dugsi ma leh qabyaadi”, gabay si aad ah u caanbaxay, dhumucda iyo culayska uu leeyahay ogm. Laba sifood uu jeerkaas abwaanku soomaalida ku ladhay oo kala ah “Dux iyo Iimaan la’aan iyo dalfoof caqli la’ ” ayaa maanta si caadbax ah u daahiray! Ma is tidhi?

Arar dheer ka dib. Abwaanku wuxuu ku taagsanayaa xumaanta qabyaaladda iyo burburkeeda, guusha iyo horumarka ayuu ku faruur-xidhayaa midnimada, dib u dhaca iyo horumarlaa’antana wuxuu ku taxayaa qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta.

Gabayga oo dheer kama wada gaadho, waxaan kaaga soo garoocay tuducyadan hoose:

“…

Waxaaan gabayga deelkiyo laftiyo, doorka uga qaaday

Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye

Soomaaliyeey daya wanaag, idinka doorsoonye,

Docda bari dareeriga baddiyo, seylac darifkeeda

Dusha koonfureed iyo illaa, wabiga daaciisa

Dagmadeena oo idil haddaan, deyay abwaagteeda

Nimaan duubiyaddu naafo noqon, deelka laga waaye

Dulmi iyo dhac waa waxa kharribay, degelladeeniiye.

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dhagahu, uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaabaan lahayn, dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray

Wixii hore u soo daashadeey, dagashanaysaaye.

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

Doqonniimo kugu baahdaybaan, cidi dabiibayne

Duulkii inkaar qaba jinbaa, daasaddow tuma e’

Dab markuu bakhtiyo meelkalaa, dogob ka qiiqaaye

Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye.

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dhagahu, uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaabaan lahayn, dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray

Wixii hore u soo daashadeey, dagashanaysaaye.

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane.

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda

Ooy duul walaalo ah tahooy, duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye

Dubbe madaxa ways kala dhacdaan, daa’in abidkiine

Goortay is wada dooxataa, daad u soo galaye

Ubaxiinii waa daadiseen, waana dubateene

Dulbaaxdiisii waa wada canteen, duhur dharaareede

Dariiq toosan soomaalidaay, waa lagaa dedaye

Darajada ilaahay ninkii doonayaa hela e’

Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diintii ka carrowye

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane.

Haddaynaan xumaantiyo dilkiyo, daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda ilaahe

Danbarkeedu waa jahannabiyo, dogobkii naareede

Dardar laysku laayiyo intaan, weerar daba joogno

Ee dumarku weerkii sitaan, danabbadii waayay

Debec yaa lahaayeey intaanu, isku duulayno

Uu sida dareemada u yaal, maydku dabedeena

Kolla doogsan maysaan intaad dunida joogntaane

…”

Wuxuu soomaalida ku sooyaanshay,  kuna canaantay maalinlanoolaansho, iyo inayna sooyaalkoodii hore waxba ka baran raadadkoodii horana wax kala bixin, sidaana kolwalba ay dawga toosan uga gedmaan, wuxuu aaminsanaa in qabyaaladdu tahay waxyaalaha soomaalida ka tiro yareeyay qoomamka kale, suugaantiisa ayaadan taas ka dhex dhadhansan kartaa.

Hadda hoos u eeg baydadkan, dabadeed isku qiimee aragtidiisa iyo waayaha inagu xeeran.

“dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaane”

Bal haddana ku noqo tuducyo ka mid ah gabaygiisii Taleex:

“…

Tirtirsiinyo soomaali waan, loogu og heline

Tawalleeye beni aadmigii, og darraan jiraye

Talka waxay ku qaateen, israac oo tallaahiya e

Anaa kaa tol roon waa waxaw, tarraqi weydeene

Tacadiga walaalkood kuwaa, tubatubaynaaya

Tusiba waa ilaaheen taggaa, taakadow jira e’

Cadaawaha raggii tiirin laa, waydinkii tiraye

Tafiir yarida waxa noogu wacan, taaha gaajada e

…”.

Iyada oo gobanimo la dirirkii loo gudboonaa, iyada oo dirirti gumaysiga iyo dhicintii xornimada loo dhammaa, ayaa afar gu’ ka dib dawladnimada, 1964kii uraradii siyaasiga ahaa ee waxkhtigaas jiray isku mileen qabyaaladdii iyo maamulkii, waa soomaali iyo caadkeede ninba ninkii u dhawwaa ayuu ka ag dhawwaaday! Tolliimo ayaa laysugu habar wacday, waa gaddiisiye, cabdillahi suldaan dawankii uu awalba ruxruxi jiray ayuu mar kale soo dhuftay, golayaashii xisbigii SDU ee Hargaysa ayuu ka tiriyay gabaygiisa Hadaf la baxay. Kolkaasbuu xisbiyadii dalka ka jiray oo dhan ku sifaynayaa ‘Harqad’ waayo may lahayn hadaf cad oo ka duwan, damac kursi iyo kala qobqobka bulshadii guusha sida wada jirka ah u dhacsatay, bal dhugo qaar ka mida baydadka maansadaas:

 

“…

Ka habowday soomaalidaay, hillinkii toosnaaye

Hayaay iyo tollaay ragannimaa, kaga habsaanteene

Waa waxa halkaa idin dhigeed, la hinqan waydeene,

Hadday taladu kuu muuqatoo, lagula haaneedin

Hifaatiyo waxay kuu tartaa, waa huq iyo ciile

Anuun baw hanganayee wanaag, uma hilowdaane,

 

Habar habartan ogm bixiyo, hiririgtii yeedhay

Harqaddii gidaarada la sudhay, dumarkii heesaayay

Hadafbaa dhismaha baarlamaan, lagu hubeeyaaye

Hadba shicibku caynkuu rabaa, lagu hoggaanshaaye

Hannaankii wax lagu dooran jiray, wali ma haysaane,

 

Duulkii habaar qaba jin baa, haan kale u lula e’

Nin qabyaalad heensaynayaa, guul ma haybsado e

Halbowlaha suntii idin jartaad, hinif ka siiseene

Bahashii khalqiga heemisaa, loo hadoodilaye

Heerkaa intay taagantee, kala higgoonayso

Anuunbaa u hanganayee wanaag, uma hilowdaan.”

 

Aan uga gudubno gabaygiisa kale ee Gama’diid oo isla waayadaa ahaa, waa gabay dheer oo hoga-tus, sarbeeb, waano iyo dhiillo galinba isagu jira, laac hodaya ummadda ayuu ka hiraynayaa, waa qabyaaladda e’ iyda ayuu markan iyo mararkalaba dhagaha dadka ka shubayaa, isagoo ka calool xun in awawyaal hore, oo godadka ku jira baaqooda iyo magacooda la isku moora duugo, in dad waayo hore galbaday, dan-wadaagta maanta wada nool lagu kala saafo, sinjiyyo iyo toban saamoodna loogu kala yeelo, sow ma odhan:

 

“…

Garaad ma lihid soomaalidaay, gebi ahaantaaye

Gadhku nimuu caddaadiyo barbaar, waa gu’ baas jira e’

Ma qabyaaladdii lagu gubtaa, godadka loo doontay

Ma wixii hore u soo gabay ayay, galabta raadcaysay

Kanaa gun ah kanaa gob ah, miyuu gobol ku sheekeeyay

Gondaha ways wada goyn jirtaye, ma isu soo guuxday,

Garba duub haddad uga xidhoo, gaadhna ka ahaato

Gacantii nin lahi goynayaa, waa gommadantaaye

Nin walaalkii geed ugu jiraa, geesi noqon waaye.

…”

 

Ka rog oo haddan saar! Bal aynu jalleecno midh la bax kale oo qabyaalda ku jeeda, inagoo ka dhex cosob sanayna maansada hodank ah ee Timacadde, waxaa mar horaba igu soo dhacaday gabayga uu ku jiray hal-kudhagan qaaliga ah: “nin qabyaalad beertoow, wanaag kuuma soo baxo e”

Kolkaas baan baabacada dhabanka saaray, oon ku dhaygaygay halka uu baydkaas ka soo jaray, fogaydaa. Wuxuu tiriyay 1969, doorashadii ugu danbaysay ayuu arkay sida xaal u socdo, iyo maandeeq sida ay u majaro habowsantahy! Waxaabay ula saan saan ekaatay waayadii gumaysiga. Gabaygan ayuu timacadde arar uga dhigayaa baydad geeraar ah, waxa la yidhaa Berigii gumaysiga. Waxana halku dhaggiisa  ka mid ah:

“…

Bah heblaayo iyo reer fulaan, waana bi’yeene

Uma baahnin soomaalidaay, og maantana e’

Waa waxa dhulkeenii baddalay, boobka dirireede

Bari iyo galbeed inay xushoo, baahday baa sala e

Hadday barako leedahay, horaw badan lahaydeene’

Bisad iyo shacbiga jiir noqdaa, baylah waw halise

Caqligii is wada biirsadaa, waa ogm kala e

Mar hadduu ra’yigu kaa banjaro, kuuma buuxsama e

Basar baa dhismaha dawladeed, loo binayn jiraye

Boqolaal gu’ oo tagay wixii, idin buguugaayey

Bawdyaha wixii idinka jaray, haw badheedhina e

Nin qabyaalad beertoow, wanaag kuuma soo baxa e

…”.

 

Gabaygiisa Dhaadasho, iyo 1970kii:

 

“Dhir laalleey ku taal geela malag, waw dhaweyn jiraye

Nin iimaanku dhuunsaday ma oga, dhuxushan hoos taalle

Ifka dhimate aakhirona waa, dhamacadii naareede

Waxay dunidu wada dhaaftay baad, raarta dhigateene

Dhallaankuna ma yeeleen waxaad, dhabaqsanaysaane

Nimaan dhiig lahayn baa waqtigan, dhaadasho u duda e’

Afka dhalasho lagu doonayaa, ha isku kiin dhego e’ “.

 

Intaas oo halkudheg ayaa laga la soo bixi karaa suugaanta dalacallada fidsan ee abwaanka, lagamana gayoon karo, waa bad aan khoori lahayn, gabaygii aad indhaha la raacdaba waxaad ku dhex arkaysaa tuducyo uu qabyaaladdaa ku weerarayo, kuwa uu dawladnimada kaga hadlayo iyo kawa kale oo uu midnimada ku tusaalaynayo. Isagoo waliba ku talaxtagay rumaysnaanta in qabyaalddu tahay dib u gurasho (dib u socod), aan ku soo gabagabeeyo gabaygiisa Goobyaal midho ka mid ah oo uu dadka ku maagayay, qabyaaladdana ku halgaadayay, gabaygan oo uu Timacadde ka tiriyay doorashadii 1969, kolkii uu arkay bulshadii oo beel walba geed lagu ooday:

“…

Nin qabyaalad geeso u tumaa, guul ma haybsado e

Goof aan biyo lahayn maxaa, idin ku gawriirshay

Geeddigan dib loo raray tashiga, galangalcoobaaya,

Doqonniimo laga guuray baa, gibilka saarteene

Gurdan iyo hadaa Reer Gurxame, kala guraysaane

Hadduun baa waxii lagu goblamay, soo gelbinaysaane

…”

 

Cabdilaahi Suldaan qabyaaladda uu saas uga xaradhaamiyay ugana gubtay, kolka maanta la barbar dhigo maxaynu ku qiyaasi karnaa?

 

 

 

Dawladnimada iyo midnimada:

 

 Haddiiba la soo gaadhay 26/jun/1960kii, waxa bashiishatay xummadii gobanimo u dirirka ee dalka oo dhan ka jirtay, galabtii buluugleey ay ka dul babbatay beerta xorriyada ee Hargaysa, Timacadde iyo bulsho wayntii halgankaas u soo xusulduubtayba waa ku dhaatteen libtaas mahadhada ah. Nin walba oo wax is tahlayayna dareenkiisa si ama si kale ayuu u muujiyay.

Waa gartiiye, Cabdilaahi Suldaan wuxuu munaasibadaas ka tiriyay geeraarkii gayiga dhan caanka ka noqday “Kaana Siib Kanna Saar”. In kasta oo la sheegay in gaafkii calanka dadkale wax yidhaahdeen, haddan, malahayga dareenka dhabta ah iyo jacaylka xad dhaafka ah ee lib ku-geeraarka ka keenay, kana muuqda ayaa sabab inagu filan innoogu ah saami galka ay xusuus wadareedka bulshadeena kaga jirto.

 

Sida la wariyay, maansadanna ka dhex muuqata, farxadda dawladnimada dhalatay daarteed inaanu anfaco xasuusan dhow maalmood. Hadda fiiri erayadan hoose:

 

“…

Soomaalidoo calan taagtay

Saakay noogu horraysay

In sidayda tahiin iyo

Inkalaanan saxayne,

Saddex ‘wiik’ iyo maalmo

Haddaan soor cuni waayo

Safrad laygama yaaba oo

Sari mayso naftayda e’

Saaxirkii kala guurnaye

Sarreeyoow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego e’

Kaana siib kanna saar.

 

Ka siddeetan sabaan

Calankaanu sugaynayeen,

Sahankiisa ahaynoow,

Seerma waydo hillaacdayoow

Sagal maanta darroorayoow

Siigadii naga maydhayoow

Saq dhaxaanu ahayne

Kii soo saray cadceedoow

Samada kii u ekaayee

Xiddigaa mid la siiyayoow

Saaxirkii kala guurnaye

Sarreeyoow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego e’

Kaana siib kanna saar

…”

 

Geeraarkaas iyo kuwa kale oo mahadnaq Eebbe ah, ayuu Timacadde calansaarkii iyo israacii labada gobol ee xoroobay ku galbiyay. Inkasta uu ayaantaas dabadeed sii noolaa 13 sano, haddana, waxuu goor iyo goob walba uu joogay una guntanaa tacabquminta, taabbo galinta, tusaalaynta iyo gurrac ka rawidda wadanka soomaalida.

 

Hawraarahiisa duugreebta ah ee uu waagaas dawladnimada soomaalida ku sawiray Timacadde, waa mid ilaa hadda laga dhugan karo gafafkii la kawsaday fahanka dhalashadeedii iyo kobaceedii, wuxuu suugaantiisa muca iyo madhka wayn inoogu taariikheeyay Hungowgii dowladnimada, musuqmaasuqii hadhka beelay, siyaasiyiintii dhuuni raaca ahaa, iyo waliba dubusocodnimadii bulshada; kala qobqobkii iyo isku dhafkii qabyaalada iyo siyaasada sida foosha xun iskugu cayn iyo bayd go’ay, ilaa maantana la kala fujin kari la’yahay.

 

Bil iyo maalmo kolka laga joogo dawladnimadii iyo israacii (Somaliland iyo Somalia), ayaa ra’iisal wasaarahii wakhtigaasi, Cabdirashid Cali Sharmaake booqasho ku tagay goballadii waqooyiga, masuulkii soomaaliyeed ee ugu darajo sarreeyay ee booqda ayuu noqday horraantii, si wayn ayaa loo soo dhaweeyay, Timacadde oo soo dhawaynta qayb ka ahaa wuxuu geeraar dheer ka tiriyay goobta, geeraarka wuxuu isugu jiraa salaam, soodhawayn, xusuusin halgankii dheeraa ee ummada, tibaaxista xaaladdii joogtay, waano iyo duco, waxaanse u dan leeyahay inaan indha jiir ku fiirrinno qaybta ugu danbaysa, waa dacwad uu madaxda hor dhigayo, waa saluug iyo dareen uu ka muujjinayo midnimada maalmaha kaliya jirtay, wax ka mida “dawlad soo gashay mayhine, danteennaa laba diiday”  waxa halkaa ka dhadhamaya in reer waqooyiga loo arkay dad isasoo dhiibay, taasbuu abwaanku ku deeddafaynayaa “danteennaa laba diiday” inaan laba kala ahaanno uunbaanu dandarro u aragnaye, taa macnaheedu ma ahan inaad xuquuqdayada ka tanaasulnay. Halkan, waxa dhugmo leh in maalinaasi aanay ahayn shalay, ama toban sano ka dib midnimadii labada gobol, balse ay ahay bil kaliya ka dib israacii bilaa shuruudda ahaa. Tani waxay tiriig ilays badan ku daaraysaa goorta niyad jabku bilowday, in dareenkuba yimid maalmo ay qoyantahay candhuuftii walaalowga iyo israacu. Tuducyadan hoose ee geeraarka Socdaal bal u dhugmo raarici:

“…

Midina waa dacwaddayda

 

Maalintii dabku qiiqayeen

Isticmaarkii is diidnay

Nimankii danta sheegtayee

Dariiqooda ka leexanee

Dacwaddooda dhammaystayee

Dalkan caawa aan joogno

Dulligii isticmaarkiyo

Dahaadhkiiba ka siibayee

Karal daaqad ka saarayee

Duddaanu ahayn,

 

Dawlad soo gashay mayhine

Danteennaa laba diidaye

Dabuub aanu maqlaynay

Dareen baan ka qabnaayoo

Dugisii baarlamaankiyo

Dekeddii xamar baa leh

Berbera daadku ha qaado

Doonniyi yaanay ku weecan

Duqaydii baarlmaankaay

Labadaa kala daayoo

Yaan loo daymo la’aan”.

 

Fiktii horaba, Timacadde wuxuu saluugay habkii wax loo dooranayay (doorashadii barlamanka 1964), inkasta oonu shahaadooyin sarsare ku sidan habka dowlo u dhisanto, haddana, wuxuu baydadkan ku xusayaa in aanay wax u socon sidii saxda ahayd, marka hore in ujjeed wax lagu doorto, marka xigta in rabitaanka shacbiga lagu hoggaansho, marka saddexaadna la isla haaneedo talada, haddii kalase jaahil laga yahay hannaanka doorashada. Gabaygii “hadaf”

 

“…

Hadafbaa dhismaha baarlamaan, lagu hubeeyaaye

Hadba shicibku caynkuu rabaa, lagu hoggaanshaaye

Hannaankii wax lagu dooran jiray, wali ma haysaane,

Hadday taladu kuu muuqatoo, lagula haaneedin

Hifaatiyo waxay kuu tartaa, waa huq iyo ciile

Anuun baw hanganayee wanaag, uma hilowdaane

…”

 

     Markiiba wuxii uu ka digay ayaa dhacay, waxa layku dhiftay dab iyo dhagax, dawladnimo iyo qabyaad ayaa lays huluuliyay, dabadeedna wax foolxun ayaa dhashay. Waxa dhanqalantay midnimadii, waxa is gurtay yuhuuntii, waxa gabaabsiday wada jirkii, Ina Suldaanna ‘wanaag bukooday’ ayuu ku siffeeyay.

Hilaaddii 1961 ayuu Abwaanku u baqoolay Xamar, markii igu horraysay noloshiisa ayuu indhaha saaray dawladnimadii loo halgamay, sawir maskaxeedkiisii iyo xaqiiqdii jirtay ayaa isu buuxun waayay, labadan gabay ee soo aaddan ayuu midba sawir dhiillo cokkan inoogu naqshadaynayaa, waa ka horee ‘Buul-duqeed’ wuxuu 40sano ka hor burburka maanta ee dawladda soomaalida ku suuraynayaa dawlad la’aan “Ninnaan dowladbaa xamar fadhida haw dabbaal degin” maxaa u bidhbidhay? Waa gu’ kaliya ka dib xornimadii, xilli soomaali badan qiirada wadaninimadu ay madax marsanayd, gaar ahaan kuwaa uu u dardaar warinayo ee reer waqooyiga, kuwii uu Hadraawi sidan ku sifaynayay:

“qaxar wuxuu ka joogaa

Qubanaha danbeeyee

Qarka soo jafaayee

Buuraha qotada dheer

Ka arkaaya qiiqa”(hal la qalay, Hadraawi, 1970)

Wuxuu dareensanaa dhabta Xamar taalla iyo rajada ay dadyawgu qabaan inay kaaf iyo kala dheeri tahay, dhiigga iyo dheecaanka bulshadana ay dhuuqsanayaan kooxo macaan jecel ah, danbarkii Maandeeqna u gacan galay kuwa aan xoraynteedii xaadina u kicin (xukuumadahii musuqmaasuqa), intii surmiga iyo harraadka u martayna laga hoosqaaday. Waa kuwan meerisyo ka mid ah gabaygu:

“…
Afrikadan is wada daafacdee, dababka noolaysay

Dib baa looga joogsaday markay, debinta ruugeene

Laga durug dorraad galab kuwuu, dacasku saarnaaye

Dirqibay xornimadow heshaye, laguma diiqayne

Ninkii aan u doogdhaban biyaha, looma soo daro e

Daayeerna laas waa qottaa, doox hadduu tago e

Dudduntaan halkii lagu ogaa, doorsan weligeede

Daa’imo carruureedna ways, daba gurgurtaane

Dadkan wada dallacay dawladahan, dahabka shiilaaya

Da’deennay ahaayeen kuwaa loo dabbaal dagaye

Doqonniimo soomaali waa, loogu dawgalaye

Hadduunbay u dooyaysantahay, sheeyadii dilaye

Immikaa la doondoonayaa, dir iyo daaroode

Dan soomaaliyeed lama hayee, waa dabbaal kala e

Shacbigii dagaalka u og, daadsan suuqyada e

Danbarkeedii maandeeq nimaan, dooninbaa dhamaye

Distoor iyo qawaaniin ayaan, cidiba doondoonin

Ninnaan dawlad baa Xamar fadhida, haw dabbaaldegine

Dawarsadaha qaawani kuwuu, daasaddaw madhiyay

Ee daasaskeennii wixii, yaallay lagu doortay

Diqsi lama xisaabsanid haddaad, daw ku kulantaane

Dibjirkiyo haddaan lala hadlayn, dumarkan gaajaysan

Goortaan horoo loo loo durkiyo, derajo eegaayay

Hadduunbaa sidii buul-duqeed, daaha loo rogaye

Kol haddaan talyaanigan dhex dagay, cidi ka duubaynin

Iga daaya gabaygu waa iiga darayaaye.”

 

Kan xigana isla baryahaa ayuu tiriyay, waa gabay kooban oo laba bayd ah, lakiin sawir ballaadhan ka bixinaya wixii laga filayay calanka dhalashadiisa iyo tii lagala kulmay, gabayga ‘Ri dhashay’:

 

“Ri’ dhashaaba layskaga daraa, rubuca jiilaale

Ma riwaayadbaa calanku sow ruuxna kuma naaxo”.

 

Ugu danbayntii, aan qormadan ku soo oodo googoos ka mid ah gabaygii Canaan shicib. Qaybta hore, wuxuu isku keen barbar dhigayaa tiro badnaanta shiinaha iyo siday ul qudha u yahiin, iyo tiro yarida soomaalida iyo siday tusbax go’ay u yahiin. Qaybta labaad, wuxuu ku canaanayaa shicibka inay iyagu masuul ka yihiin waxa ku dhacaaya, wuxuu xusayaa in ummadaha xoroobaa aanay u oynin iskuna jiidjiidan wasiir iyo mansab “aadmiga xoroobaa wasiir uma ilmeeyaane”. Qaybta saddexaadna, wuxuu dadka ku baraarujinaya dhagarta uu gumaysiga cusubi maleegayo, dalkii uu ka guurana inuu kaga sii tagayo kuwa isaga u dabadhilif ah, wuxuu si adag ugu tagganyahay jeer oo raggaas hoggaanka laga siffeeyo inaan la helayn himilada soomaali mid ah oo isku laab xaadhan!!!. Waa kan midhadh ka mid ah gabayga dheer ee Canaan shicib:

“…

Anfariirka shiinahan dhigee, yurub ka uugaantay

Ee alif malyuun gaadhayaa, waa ushaa qudha e

Waa kaa alaabada calculus oogadow diraye

Innaga oon ardaa buuxin baad, kala irdhowdeene

Utun iyo olole weerar baa, isugu idlaateene

Anaa adag anaa kaa isira aniga yay gaadha

Asalkayga laylama hadlee haba I soo eegin

Isku-digato iimaan-qallalan, Eebbe Kama yaabto

Isma-dayato kala-aamin baxa, aarsan garan waydo

Intan maad ahaateen haddaad ubaxii daysaane

Irdo nabad ah dhaaxaa la miray, oogta waaberiye

Ayaxaa ka badan reer intii, oodda loo rogaye

Nin agoon dulmiyayoow adaa, uumi kaa kariye

Immikaa la wada maalayaa, ayro booliyahe

Iyadaa is wada naafisoo, aastay noloshiiye

Adhaxday is wada goysay bay, aah ka leedahay

Intikhaabadii dhici jiree, laguba iimoobay

Aadmiga xoroobaa wasiir, uma ilmeeyaane

Goortii og iyo dillaal, rag isku iidaantay

Irsiqiinnii waa taad nadalo, ka oggolaateene

Idinkaw hangool ahe nin xumi, oli ma jeexeene

Anigu waajibkaygii gutoo, layma eersado e

Dad asqeysan lama loodiyoo waa inkaar qaba e,

Isticmaarkuu meeshuu ka tago, arami baa taalle

Ragguu ababshay buu sii dhigtaa, kaalintii adage

Irbaddiisu waayada danbay, eelo kicisaaye

Waa waxa Afrikaba kharribay, ugax dillaacdaaye

Allaa noo sahlaye waa kuwii, uub inoo qodaye

Ilaah kuma xamdiyo ruux hadduu, aysimaad wado e

Hadduu oofa weynahu nimcada, aayar cuni waayo

Iblayskii Xakiim duufsadaa, awlalka u lulaye

Unuunkooda jeeroo shacbigu, ku arko miidaanka

Ideykooda jeeroo sidii, adhiga loo laayo

Aqbali meynno way nool yihiin eegga dabadeede

Arwaaxdiinanaw dhiman haddaad, ka asli weydaane

Imanna meyso Soomaalidaad, ururinaysaane.”

 

FG: gabayada halkan aan ku soo qaattay intooda badan ma dhamma, gabaykasta wuxuunbaan ka soo garoocday intii aan u dan lahaa, inta badan baydadku iskuma xigaan sida ay buugga ugu qoranyahiin, waxa aan ka tagay Arartii iyo dhextaalladii gabayada idaylkoodba, waxaan adeegsaday astaamaha (“…)/(…)/(…”) si aan u muujiyo gabayada wax ka maqanyahiin xagga hore, dhexda iyo gadaasha.

 

 

 

Gundhaca:

Mid waa yaab, mida waa yaabka yaabkii. Dugsi dhexe iyo mid sare toona inaanan ku baran Timacadde iyo halyay soomaaliyeed oo kale midna, halkii aan ka baranayay gabyaa carbeed iyo kuwa reer galbeed oo bulshooyinkooda u hiiliyay iyagana loo hiilceliyay, waa yaab. Sida xilka leh; xanuunka badan ee Cabdillaahi Suldaan garab laa’aanta uga dhex baxay bulshadii uu ku goblamay waa yaabka yaabkii.

Waxay mar kale ina xasuusinaysaa siday soomaalidu uga abaal kadhacdo nin karameedkeeda, waa tii abwaan Duncarbeed geeridii Muuse Ismaaciil Galaal ka dib soomaalida ku xukumayay goblannimada garashada.

Haddii geel ilmihiisa korsado gobina meecaaddo
Gabadhii ku maahmaahday waa gaari la hubaa e

Kol haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan

Goblin weeye soomaalidaay, garashadiinii”.

(Cali Sugulle ‘Duncarbeed’, 1980, Goblan weeye soomaali,)

 

Dad badan ayaa ku hammiya mawqifka uu Timacadde darxumada maanta ka odhan lahaa!!! waxse aan  is waydiin ujjeedkeeda horaba waxa maansada iyo waxsheeggu taro innagana inoogu filanyahay, ma maad iyo maaweelaa hadday marlayba  weelmadhan ku dhacayso, asalkeeda waynba ma hawl korodhsi uunbaynu nahay, miyaan sooyaalka iyo wacaashu ardaa dhig u ahayn nolosheena?. Timacadde iyo haldoorkeennii kalaba waa gutteen waajibkoodii, haddayba qaylo waxtarto in ku filan waa ku xabeebteen, waa innaga cidda ganbiday!

Ragna guud ahaantii,

Wada geed lab maahee,

Geeri baa dhammaysee,

Guurtidii xulka ahayd,

Gadh-madoobayaashii,

Iyo guud cirroolii,

Dhirta geedka ruudda ah,

Midhihiisa guran jiray,

Murtideenna gaanka ah,

Gurgurshaa ku rari jiray,

Waxay guulo hooyeen,

Ma iska gole ka fuul baa?

 

Dadyow geeddigeennii,

Beryo lagu galoollaa,

Ma dhammaan ka guur baa?

Ma astaan gabowdaa?

Garka iyo hoggaankiyo,

Ma xadhkaha u goo baa?

 

Aaway gumaradeennii,

Hiddihii gobta ahaa,

Mayska galab carrow baa?

Guurtidii xulka  ahayd,

Golihii aftahammada,

Geyigeenna beri jiray,

 

Waxay goob fadhiisteen,

Waxay gaaf wareejeen,

Waxay meel ku guuleen,

Waxay goosan xulashiya,

Isu soo min guursheen,

Waxay laan galooliyo,

Dhebi gaar ah diireen,

Hadba weedh ma guurto ah,

Waxay gaassa bixiyeen,

Godan iyo har buuxsheen,

Intay geedsan beereen,

Waxay gaasas laylyeen,

Ma gamaad abaaddiyo,

Gacmo madhan ka joogbaa?

Arrinteennu gocashiyo,

Galgal iyo fudaydiyo,

Ma galoof la olol baa?

Ma samaha ka guur baa?

Gabgabteennu xiisiyo,

Ma gabiib istaagbaa,

Galgalkiyo xig xigashadu,

Ma Galbeed-ku-dayashaa,

Iyo gaal isu ekayn?

 

Taladeennu  gubashiyo,

Mayska gees lo’aad baa?

Ma habeen gadood baa?

Dabadeed gar waa’ baa?

Nolosheenna goofkiyo,

God madow ku tuur baa?”

(Kala-guran, Hadraawi, 2011)

 

 

 

 

Dhamme Maxamuud Axmed

Abdirahman431@hotmail.com   

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhammaad.

 

 

 

 

 

Raadraacyo:

 

Diiwaanka Maansada Cabdillahi Suldaan Maxamed, Boobe Yuusuf Ducaale, daabacaaddii 2aad, 2006, Flamingo Printing Press, Addis-Ababa.

 Far-Guri, Gundhaca gabayga: Guddoonka, Geela, Gabadha iyo Gulufka, Xuseen Cabdi Xalane.

 Xornimadii lixdankii iyo xusuustii timacadde, Muuse Carab Obsiiye, iyo rag kale, duluc door daawasho ah.

 Kumuu ahaa Cabdillaahi Suldaan Maxammed “Timacadde”, Cabdifataax O. Cabdi, 3/9/2005, www.redsea-online.com.

 Kala-guran, Maxammed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Oct, 19, 2011, www.weedhsan.com.

 

 

UFFO (maanso)

Alloow kuu naxariiso, Cabdillaahi Suldaan “Timacadde”, ayaa laga guntay:-“Hoheey malaha soomaalidaan, hoos waxba u dayin e”

Noloshu waa kaltan, gobtuna waxay tidhaa “Doorkaaga nolosha waligaa gunnimo ha ku guddoomin”.

qofbana wuxuu wax u yahay is ahaantiisa, maalinka aad gabto kaalintaada, ayaad guddoomatay liidnimada kama danbeysta ah.

ifka iyo iftiinkuna waa duruus taxane ah, kuwaas oo ku baraya sidaad u badbaadi lahad goobaha mugdiga. hadaanad wax ka baran horteedna; dabadeed wax kuuguma filna.

Aan waxaad ogtahay kuu sheegee, maansadan ila arag:

Aamuskaan ka jeclahay, inaan wax idhaa

Hadduu aarku helo, geelba waa ololaa

Eeb iyo waranbaa, oofta iiga jirta

Uurkeyga waxaa gubaa, amar lehe

Ardaal nimadaada ma eegan karee

Midh aan ku idhaahdo iga maqal.

Addoonsi qof doortay, waa ibtiloo

aduunyaba waa tanoo, idlatoo

Or iyo waa dabayla oodo wattoo

Uffiyo beenbay, ku aasantahay,

Ictiraaf gaalbaan, ku arrin beelnee

Aqoonso naftaada, umadyahay!.

Dhashii aabahaa, ka oodatayoo

Amxaaro u dhiibtay, ubadkaagoo

Amaah ku maqnayd, illawshiisoo

Sidii umushii, u afartanbixisee.

Miyaad aadyaruun illoowday shalay!!!.

Qolaba qolo eersatoo, orisoo

Aaniyo godabuun, u ololaysoo

Oodaada ka dhowraty, ehelkaagoo

Inaadeer ku wayday, oofaha oo

Addoon iyo gaalba, kuu imayoo

Ku maal igadhkaaga, ayyada oo

Ifkiiyo ku seegtay, aakhiradii.

Habkii iglan, waa alloow sahaloo

Kuwii arradnaa, ugaadhsattadii

Amxaaro, kukuuyo iyo oromo

Masaaygu ku iid, dhulkuu uduga!!!

Alaab kugu soo fur, ugaxdiisii

Ishaada laga dheehay, iintaada.

Ushaadii haddeer, laguu adeegsoo

Dhulkaga la iibshay, lakala irgisoo

Addoomo madoobi, kuu arrinshe!.

Ogaal li’baa ishaa ku badday

Aqoon li’baa, ku oofo tirtay

Eex iyo nin jaclaysibaad, eedday

Awawyaal iilka jiifabaad, aqbashay

Iftiinkan miyaad maruun arkahayn?

Aduunkan miyaad maruun ilbaxayn?.

Sidaad isku eeday, waa ugub

Sidaad isu eersatana, waa anfariir

Uunkiyo aadmiga ma aragtaan

Idinkaa isku muuqda oo is ebya

Ardaayaad tihiin tan iyo Aadan

Haddaydaan ubadkiina maanta u arxamin

Markaad idlataydin iilka tagtaan

Maxaydin u sheegi eeydin odhan???.

W/T: Dhamme Maxmoud, 29, jan, 2012.

This entry was posted on January 29, 2012. 1 Comment

DHALLINYAHAY HABRASHADA MA DHAAFNAA?

“Haddii gu’ga kuu kordhaaba
Gabow mooyee ku tarin
Garaad iyo waayo arag
Inlayn waxma dhaantid geed!”
– Gaarriye.

Waabari kasta, todobaad kasta, bilkasta iyo gu’kasta oo curta ama dhamaadaa waa qayb noloshaada ka mid ah oo is guraaya! sidoo kalena Hirdanka nolosha aadanahu waa dawaar xiimaya oon goor iyo guub uu ku hakkado lahayn.

Halgankaas iyo ka mira- dhalintiisuna ma aha habeendhalad waase silsilad taxan oo kuf iyo kacba leh. Tani waa caado la kawsatay bilowgii nolosha,
waana tartan lala beeray, qof iyo qarankastaana leeyahiin inta ay ka gaystaan.

Cid kasta oo fushatay waajibaadkooda, yeelatay abbaar sugan oo u taxan guushooda, heshay awood dhaqaajisay hayaankaasi waa hubaal inay sooyaalka baal ka galeen. Heerkase maanta dalkeenu kaga jiro laacadanka habsocodka dunidu waa mid aad u hooseeya, hubaal ahaanna tani kumay iman qayb ilaah waase qaybsi aadane.

Garashada masuuliyadda umadeed, gudashada waajibaadka iyo yeelashada yool iyo abbaaro lagu hayaamo(national goals ) waa bud dhigga gaadhista wax u badan naallo iyo barwaaqo.

Mid kasta oo inaga mid ahi wuxuu qayb laxaad leh ka yahay guusha iyo guuldarrada ku timaada guud ahaanteen, guushaas dhalinteeda ayaa qof qastaa ku faanaa, ama guul daradaas ayaa qof walba caloolgubyoota.

Guuldarrada maanata ina haysata waa baro ku wada yaal oogadeena sare, ku muddan uurkeena hoose, waxa wax saar ku leh ciddeenii hore iyo innagan haddeer nool, haddiiba inaguna aynu sidaas uga tagno waa mid ayna mahadin doonin kuwa inaga danbeeya.

Jeerkasta oon hoos u dhugto awaalaha nolosheena amaba hilaadiyo mustaqbalka umaddeena waxa I gala ididiilooyin rajjo ah, isla jeerkaas ayaa haddana waxa igilgila dareeno daba-ka-warar ah.

Kummannaan arday oo soomaaliyeed ayaa dunida dacaladeeda fidsan u jooga dano waxbarasho, mustaqbalka lafahooda iyo qoysaskooda ayaa ah abbaarta ugu mudan eey dadaalkaas u falayaan, (ugu jiraan) in kale oo badan ayaa hawooyinka nafahooda raacay isla markaas aan lahay ka-jeeddo sugan.

Inahaas fara-ku tiriska aha ee heshay awoodda hantiyeed iyo tan tamareed si ay u galaan dugsiyo iyo jamaamicado waxbarsho oo dal iyo dibadba leh, misana ma wada dareensana ayaankaas (fursadaas) iyo masuuliyaddaas saaran.

Waa hubaal in masuuliyaddu ka bilaantabo nafaheen qudha, waxse hubanti kale ah inaanay ahayn madaxa ugu sareeya ee lasaalaxo. Haddiiba waalidkaa kuu huray dhididkooda iyo dhoocaankooda, taasi waa mid lagaa dhawraayo. Quruxduna waxay ku jirtaa in aad la timaado dadaal daacadnimo iyo dhabar adayg ah, barwaaqada iyo hodantinimadu eeyar kuma timaad. Balse barada aad ku ababtay, biyaha iyo neefta aan cidi ku xisaabin, waa jirto in carradaasi u baahantahay abaalcelin door ah, waajib gudasho iyo xilqaannimo dhab ah, si ay kuugu dhaadato; iyana qudheeda u dhaadato.

Xilli kasta oo da’aada inaga wayni sii guranto waxa inagu soo biiraya culayska kaalinqaadnimadu leedahay, haddaba, si aynaan u hanbabarin ammin xeedho iyo fandhaal kaladhaceen waxa biyokamadhibcaan noqonaysa inaan haddeer baraarugno si aan u hananno dantaas, iskuguna boorinno guddoonka hawshaas.

Haddaba dhalinyarooy miyaynu u bisilnahay guddoonka waajibkaadkaas?, mise dhammanteen waxaan ku sifownaa ‘canaan ka yaab reer ma doojo’ ama ‘ninyari intuu laan ka boodo ayuu talo ka boodaa!”. Xilkasnimaduna uma dhuranayso gada-wayni, gankasta oon joogno waan fulin karnaa hawsheena, gudan karnaa waajibkeena, xitaa adiga oo ka yar 25 sano jir sida ay golayaasha soomaaliland ku ansxiyeen dhalinyarta kaalinqaadka noqonkarta. Masuuliyadduse ma aha in aad siyaasi noqoto si aad naallo u horseedo, ama horumar u keento, siyaasigu inuu inoo noqdo barta kali ah ee bulshada laga badalaa waa xadayn iyo ku xadgudubka maskaxda xorta ah, xooga dihin iyo hiraalka uu yeelan karo qofkasta oo muwadin ah. Jirtoo qofku samayn karo isbaddal macne leh isaga oon damac siyaasad fuushanayn, waxa tusaale nool oo inooga taagan ah shaqsigii hal-adayga badnaa, indheergaradka ahaa, u soo halgamay tan aynu manta ifka ka dhiganayno waa aabahii waxbarashada somaliyeed Maxamuud Axmed Cali iyo dhiggiisii kale.

Haddaba, si aynu uga soo dhalaalno waajibkaas waxa lama huraan noqonaysa hansare, daacadnimo, hal adayg, sugnaansho(samir) iyo yaqiin xooggan oon ku wajahno mawjadaha jirrabka ah ee ina hirdiyi doona.

Si uga duwan si walba facan galbanaya, waa inaan ku dhiirranna inaan noqonno irda-bixiyayaasha nolosha, si aynu kob cagaaran uga soo durdurinno. Middaas oo geedka go’ ka dhigaysa inaan yeelanno hansare iyo hiraal fog oo ka duwan inaad hesho kali ah kuna koobsatto bilayaasha nolosha sida gaadhi, guricad, iyo lammaane qurux badan. Waa dhab inaad heli doonto intaas oo dhan haddiiba hankaagu intaa ku nagi yahay, marka aad heshana waad ku dhiman dhexdooda waayo maad astayn mid kale ood u dhaafto!.

Daacadnimadu waa lama huraanka waxkasta ood shafka u dhigato, si walba ood dabinka bood u tahayna, hadaanay dacaadnimo ku kaalin waxaad tahay uun qofka ku dagma laba gabi dhexdood.
Waxa taas weheliya sugnaansha iyo samirka, waana dardaarankii Nabi Maxamed (NNKH). Inaad ku rukkumato sabadaada, ku gaadiido fikirkaaga kuna adkaysato, hanfi iyo kulaylkasta oo ku leefaa waa ku sii durugga guusha.
Yaqiintuna(faith) waa garabsashada guulaha, tala saarashadiisa iyo isku hallaynt hiilkiisa goor ciirsi la’ ah, geedla qabsadaana jirin.

Waxa jira indha daboolan oonu ku fiirinayno mushkiladaheena, kuwa guud, iyo kuwa gaar ahaa dhalinyaranimo inoo la soo darsa, taas oo inagu keeni karta hogseeg. Runtii anigu dhibaatada dhabta uma arko balwadaha ina aafeeyay, shaqo la’aanta iyo sadcaalka aynu badaha ugu leeanno! Kuwaasi ma aha caqabadaha dhabta ah ee ina hortaagan, waayo kali ahaantood lugahooda kuma istaagi karaan, waxna taas daliil cad u ah, dhallin badan oo caqabadahaan sida cadceeda uga soo dhex mudhay.

Caqabadaha dhabta ah ee inagu giblan waxaan qabaa inay yahiin kuwa ili ma qabatay ah, waxaanan u badiyaa hanhoose, dhawridda isbaddal dabiici ah iyo filiqtanka silsiladda xidhiidh ee bulshada(badhgo’ bulsho),

Hanka hoose waa dabarka inagga hortaagan ujeed kasta oon u xusul duubno, qofkuna ma laha wax xadeeya awoodiisa oon ka ahayn hiraalkiisa(vision). Qodabkan waxaynu u irkanaynaa haddii aan rabno inaan guul ka gaadhno nolosheena waxna ka badalno dalkeena iyo dadkeena waa in aynaan marna isku koobin adduun-arageena, ama aanay ina xidhin xarriijimaha been abuurka ah ee maskaxdeena xadaynaya, si ayanaan col hortii u jabin.

Dhawridda isbadal dabiici ah, isbadal ay riixayaan soo baxa cadceeda iyo dhicisteedu, waa ku qanacsanaanta meel hoose iyo ka xaglo laabashada ibo-furidda waxkasta oo awooddeenu jarto. Tanina waa mid ka mid caqabadaha ugu adage e inna hortaagan, haddiiba ayanaan inagu noqon kuwa looga fadhiyo maaraynta nolosheena, waa ayyo cidda kale ee lagu xisaabtami karo? Ciddan inoo maqan ama inoo soo bixi doonta?

Mar kasta uu bulshada galo khalkhal, dagaal iyo aafooyin kale, waxa la soo darsa xidhiidh-furasho u dhaxaysa facyaasha kala duwan,waxa micno guura farriintii, waxana hummaag galaa majarahii loo soday, inteena badanna waxaan ku jirnaa asqawgii ay ina dhaxalsiiyeen eedaadkii la maray, tan oo runtii innagu khasbaysa inaan helno barbilow kale si halkaas looga dareeriyo wixii danbe.

Haddaba, maxaa inoo talo ah? Ma is qiimay karnaa? Ma ka taamilo qaadan kartaa shalay si aynu nolosheena wax uga gaddino barri, ama geedi-socodkeeda si uun u saamayno, mise waxaynu jecelnahay inaan ka la’aano? Haddiiba, marwalba ay hawl uun tahay?. Waa ogahay inay inagu kaydsantahay karti badan ooynu maanta kaga midha dhalin karno damac kasta oon isku dhaarsanno! Kama liidanno dhallinyaradii dalkooda ka xoreeyay gumaysigii caddaa, SYL, iyagoo rumaysan lafahooda kaliya ayay “ul iyo dhagax” kaga dhicisteen xaqoodii iyo xornimadoodii, runtii, waxay ka daacad ahaayeen waxay u socdeen,!!

Haatan iyo dan, farriinta qayyaxan een u diraayo qofkasta oo dhallina guud ahaan, gaar ahaan inta wax baranayasa oo qudhaydu isku daraaya, waxaan leeyahay, ‘waa innaga cidda kaliya ee soo colin karta rajadda duugantay ee dadkeena, waan abuuri karnaa nolol haddii aynu ka daacad nahay inaynu dhimashada ka soo doogno, inaguna taas horseedyo ka ahaanno, waase in gaddoonka aan dadka kale ka rabno nafaheena ka bilownaa.’

Guud ahaanna waxaan leeyahay waa in aynu u qalab qaadanno saddex arrimood si aynu taas u dhabayn karno:
*fahanka nafaheena: inaan fahanno misana ku xisaabtanno awoodeena waxqabad iyo inta aan ka gungaadhi karno.
*fahanka nolosha aan la dariska nahay: u kuur gallida nolosha bulshadeena, lafagurideeda, barashada afka, dhaqanka iyo hiddaheena si aynu ugu dhawaanno la falgalkooda.
*fahanka dunida kale: barashada aadanaha kale oo dhan, fahankooda iyo la dhaqankooda, si aynu u badbaadsanno danaheena una dhacsan karno xaqeena.

Ma jirto maalin maanta la inooga baahi badan yahay dhalinyaro, waxa ina tabaya walax kasta oo dhulkeena guud taal, hakrashada iyo habrashada, midbana, meel aan hogseeg ahayn inooma wadaan, waa xilli adag iyo innagga! Raq iyo ku raggeed.

Dhamme Mahmoud Ahmed
Abdirahman431@hotmail.com

GAYAAN: mid ka mid ah haldoorka heesaha soomaaliyeed

Gayaan

Gayaan, waa mid ka mid ah heesaha foolaadka u ah fanka casriga ah ee somalida, waa abbaartii dabayaaqadii qarnagii labaatanaad, wakhti calanka fanka iyo masraxubu cirkaa ku shareernaa, soomaalidu u qabeen hammuun aan kala go’ lahayn.
Waxay maskaxdiisa ka soo maaxatay dhidib ka mid ah dhidabadii fankaasi irkanaa, waa erayadii abwaan Xasan X. Cabdilaahi oo badi loo yaqaan Xasan Ganey. Waxa kale oo cododkooda tolmoon ku daran-dooriya xiddigo aan kala dhacin, cododkooduna somalida dhexdooda uga caan baxday sida magacyadooda oo kale. Waa Khadra Daahir Cige iyo Axmed Cali Cigaal.
Waa heesaha dabacsan mawduucooduna ku socdo jacaylka, waa garnaqsi gabadhadeed iyo garawshiinyo la’aanta inan rag. Taasi waa saabsanaha guud ee heesta, waxse aanay dhiggeed kula sinnayn cabbirka abwaanka, erayada iyo tusaalayaasha uu dhexroorka taas uga dhigay. Wuxuu adeegsanayaa bilayaal ka mid ah wacaasha hiddahii hore.
Ta hore waa soomaalida iyo ilaalinta deegaanta dhulka, sidii ay u dhowri jiray dhiroonka jaadad ka mid ah, kuwaas oo manafaco badnaa, waxaa reebban ka ahayd goyntooda iyo gargaraacistooda, waxay ahayeen biri-ma-gaydo, Si walba hadday kuugu gaqabato aanay kuu furnayn jid aad u gammuurtaa. Taas ayay gabadha garnaqsanaysaa isku massaynaysaa si ay u soo dhawaysatto fikirka dhanka kale.
Baydka labaad, abwaanku waxa uu sawirrayaa heerka ugu sarraysa ee gashiga Ilaahay, xilli daruurtu curatay, oo intay godlatay haddana hoortay, gal iyo godanba biyo ku jiifsadeen, haddana inay jiraan dhul gawaan ah oon mid geed ah soo bixin. Sarbeeb duluc shishe leh ayuu halkan gabanku ugu kordhinayaa gabadhii ay haasaawaha wadaagayeen.
Rogaal labaad ayay gabadhu soo celinaysaa, hogatuskii hore mid ka dubaalad dheer ayay kolkani soo daliilinaysaa. Abwaanku waxa uu baydkan ku soo qaadanayaa mid ka mid dhaqankii somalida xooladhaqatada ah lagu majiiran jiray, gobanimo soorka martida iyo somalidii jirtay heer ay ka gaadhay ayuu tibaaxayaa, wacaal la mid ha sheekadii “ceeb ama caydh” ee dugsiyada sare lagu baran jiray ayuu inoo soo warinayaa.
Ammin marti aan loo sii toog hayni gab soo tidhi, adi oo anfaco gows la saaro meelna ku ogayn, sad iyo kayd kale ood quudhaana jirin, gacmo madhan ah, badhaha uga taagan dawgii ay kula baydhayeen gobanimada iyo gunnamadu, guddoonka aad riddaana labadaa jid mid kugu darayo, waxay soomaaligaas kaga ururtay inuu hayinkii reerku raranayay, kolna loo dhaaminayay ceeb iskaga furdaansho. Caydhnimona gibilka u ritto.
Dhadhanka ay samaynayso heestu, waxa ka culus dhanbaalada aya xanbaarsantahay. tusaalayaasha dhaqanka eey da’aada yaryar u gudbinaysaa waa mid macnaha fanka iyo abwaanimadaba buuxinaya. Amar iyo xaasilna erayada heesta Gayaan waa kuwan soo socda.
A. Khadra:
“Geediga hayaankuba
Goor gaaban adigoo
Guri waayay laga baxay,
Iyo oodaad gurataba
Gabbalkiina kuu dhacay.
Dhirtaba geed aan la jarin
Iyo ogoow lama garaacaan
Gu’i waaye inuu jiro,

Gar Allee dadkuna taas
Waa sida gaddaasoo
Mar hadaynu nahay gacal
Marna ahay gayaankaa
Gaar ahaana caashaqu
Guudkaaga igu furay
Garashada xasuusoo
Isii gacan walalnimo”.

B. Cigaal:
“Gudugaha hilaacuba
Gu’ barwaaqo oo da’ay
Godlanyahiin daruuruhu
Iyo diriraan gaagixin
Goglantahay xareeduna.
Dhulkaba meel gawaanoo
Ogoow geedo soo bixin
Gu’i waaye inuu jiro.

Gasariira ha noqonine
Mar inaynu nahay gacal
Marna tahay gayaankay
Labadaaba garawsani
Kuse guurasan maaye
Taa saar niyada gali.”

C. Khadra:
“Marti goorxun socotaba
Gurigaaga oo madhan
Adigoon gasiin hayn
Iyo gaabanoow adhi
Geeluna irmaanayn,
Dadkaba gobol aan la qadin iyo
Ogoow gibil ma daadshaha
Loo gawracaa jira.

Ha gafine ujeedadu
Waa sida gaddaydoo
Mar hadaynu nahay gacal
Marna ahay gayaankaa
Gaar ahaana caashaqu
Guudkaaga igu furay
Garashada xasuusoo
Isii gacan walalnimo”.

D. Cigaal:
“Hadalkeena googaa
Cagalee ha gaynine
Aniguba gantaalahu
Haddii ay i gaaadheen
Gacanbaan ku siin laa,
Galladiyo nasiibkuna
Ogoow gaadmo iyo orad
Midna laguma gaadhee.

Gasariira ha noqonini
Mar inaynu nahay gacal
Marna tahay gayaankay
Labadaaba garawsani
Kuse guurasan maaye
Taa saar niyada gali.”
W/Q: Dhamme Maxmoud Axmed.

This entry was posted on December 23, 2011. 1 Comment

GEESI BOQRA; sheeko gaaban

GEESI BOQRA[1]

 

Dhamme Maxamuud Axmed

 

I

 

Waabaa baryay bilicsan. In kasta oo aan qorraxdu si qumman u soo mudhbixin haddana shucaacii ay qaybisay ayaa guud ahaan dhulka si siman u wada gaadhay. Iftiinkaasi wuxuu sawir qurxoon oo indho qabad leh u yeelay xareeddii sallaxyada iyo galshooyinka jiiftay ee mayaygii shalay iyo miraalihii xalay reeraha mirayba ay biyo dhigeen. Xareedda godannada ka galacda leh oo u eeg biyo dahab, rayska iyo naacowda qabaw ee dhul iyo dhirba taakeeyay, balliyada iyo harrooyinka ceegaaga duleedka reerka, sawirka qurxoon ee shimbiraha midabada sibbaaqa leh ee kala gadgadisan ee la moodo ubax caynba cayna iyo sawdka kala duduwan ee ay bixinayaan oo qalbigu ku dago dhaguhuna ku raaxaystaan, malahayga haddii uu jiri lahaa cod cudur daweeya luuqda shinbiruhu waxay ahaan lahayd codka cudur kasta daweeya. Waxaan iyana meesha ka maqnayn duurjoog iyo habar-dugaag oo deegaankan nimcadu laasimtay doorkooda qaatay. Waxay quruxiba qurux ka been sheegtay markaad aragtid raxamo duurjoog ah oo siyaabo kala madaxbannan ku calafsanaaya: raxamo cawl ah, raxamo geri ah, raxan libaax ah, raxan maroodi ah iwm.

 

Guryasamo waa deegaan ballaadhan idhan iyo kaymo iyo bannaano leh. Waxaa wada yaal laba beelood oo oodwadaag ah oo isu dhex yaalla si filiqsan, waxayna dhulka u daggan yihiin si teelteel ah. Qolo walbiba magac gaar ah iyo maamul gooni ah ayey tirsadaan. Inkasta oo si wayn la isugu dhex go’an yahay haddana sinjiga iyo isirka beeleed waa mid wali kala soocan.

 

Samatar Xergeeye iyo Geelle Xariir waa labada oday ee kala horfadhiya labada beelood, waxayna dadkooda dhexdiisa ku leeyihiin qaddarin iyo maamuus. Suldaan Geelle Xariir waa nin daggan oo dabci wanaagsan oo gartiisa yaqaan. Wuu garaad badan yahay wuuna is ururiyaa inta uu is ururin karo mana kaftan badna, balse sida Samatar Xergeeye oo kale waa nin hawlkarnimo iyo xilkasnimo isu biirsaday.

 

Suldaan Samatar Xergeeye waa nin ka soo jeeda qoys ballaadhan oo boqortooyo ah. Samatar aabbihii iyo awowgiiba waxa ay ahaan jireen suldaanno magac weyn ku leh guud ahaan gayiga ciideed.  Samatar waa nin gacmo furan oo laab furan, waana nin ballaadhan oo dadka oo dhan u cuntami kara.

 

Suldaan Samatar iyo qoyskiisu dheeraadka ay cid walba ka sitaan waa hantida Eebbe wayne siiyey: afarta meesi iyo shanta maal adduunba ee boqortooyadiisa hoos yimaadda. Waa nin boqol kun oo geel ah iyo waxaan tiro lagu haleelayn oo ishina iyo gammaan oo idil ah Eebbe wayne faraqa ugu guntay. Waxaa ku hoos nool dad tiro dhaafay oo sabool ah, iyaga ayaana foofsan jiray, iyaga ayaa dhaqan jiray, iyaga ayaa raacan jiray, iyaga ayaa ilaashan jiray, iyaga ayaa maali jiray kuna noolaa. Maaddaama boqorka iyo qoyskiisu aanay tiradan xoolaha ah raacan karin, hadday raacaanna aanay lisan karin, hadday lisaana aanay dhami karin, waxa xoolaha u ciidamin jiray dadkaas saboolka ah.

 

Suldaan Samatar sidaa ay duunyadiisu maansha u ahayd ayay dadkiisuna muush u ahaayeen. Suldaanka wuxuu Eebbahay ku mannaystay wiilal badan iyo gabdho door ah. –Sareedo Suldaan Samatar weeye gabdhihiisa tan ugu fadallo cadcadi; si wanaagsan ayey u kortay 18 gu ayayna baarka ka jartay. Sareedo waa gabadh joog iyo jaahba u dhalatay, waxaanay reerka intiisa kale kaga duwan tahay jamaalka ay leedahay. Quruxda Sareedo waa mid ku dhex badan hadal hayntiisu qoyskan reer boqor. Marmarka qaar waxaa laga doodaa bilcanaantan cidda ay ka raacday, cid loo saaryo kolka la waayo ayaa abuur Eebbe lagu dhaafaa. Waa gabadh da’deeda iyo jidhkeeduba isku joogaan. Midabkeedu waa maarriin dhalaal. Quruxda Eebbe u dhaliyay ka sokow waxaa iyana ku dhibco tirsata dharxidhashadeeda. Dharka xariirta ah iyo dahabka ay  tin iyo cidhib isku taxadayo? ayaa kaalin ka ciyaara muuqaalkeeda bilicda san.  Anshaxa, asluubta iyo gaarinimada Sareedo waa mid qoyskoodu aad u dareensan yihiin. Aftahannimada ay Sareedo u dhalatay ayaa iyaduna ah mid soo jiidatay dad badan oo ka tirsan dadka ay Sareedo la dhaqanto oo idil sida saaxiibadaha ay leedahay iyo gaar ahaan gayaankeeda ragga ah.

 

Waxa muddo faro badan ay labada beelood wada degganaayeen deegaankan Guryosamo, taasina waxay horseedday isdhexgal xagga dhaqanka iyo dhaqaalaha ah. Waxa kale oo ay keentay xidhiidh xididnimo iyo gacalnimo aad u gundheer.  Waxaa kor u kacay is kaashigii labadan qoys ee ballaadhan, waxaanay halkaa degganaayeen iyaga oo aan dugaag mooyee wax kale ka baqo qabin.

 

Waxay saadaashu wacnaataba, waxay duqaydu shax iyo sheeko wakhtiga isu waydaarisaba, waxay da’yartuna haasaawe iyo ciyaar isku maaweeliyanba, waxaa is baddalay saacii. Waxaa dhacday abaar oodolulul ah oo aan dad iyo duunyo midna dhaafayn. Wakhtiga adkaaday iyo abaartaasi waxay keentay in la is kugu yimaado hadba meesha cawscalalsi leh. Lamahuraan waa caws jiilaale, waxay beelihii caydhoobay ku soo qamaameen dhulka intii baad lahayd. Hadba waxa sida shinnida la iskugu ururaa meelmeel daaq yar leh.

 

Deegaanka Guryosamo inkasta oo abaarta duulduulkeedu gaadhay haddana xooggeedii ma ay arag, waxaana suurtogal ah in beelaha qamaamayaa ay ku soo xadgudbaan deegaanka labadan beelood iyada oo dhulka xilliga abaarta la kala ceshado sida caadada ah.

 

Suldaan Samatar iyo wafti kale ayaa ugu tagay Suldaan Geelle golihii uu hoggaanka u ahaa si ay afti uga soo qaadaan. Salaan gacanqaad ah ka dib Suldaan Geelle martidii si gobannimo ah ayuu u soo dhaweeyay. Markii ay martidii jilibka dhigatay ayaa caano lis ah lagu gadhqabtay In yar ka dibna hilib geedaysan iyo soor kale ayaa lagu soo daldaly. Erayo afgobaadsi ah ayaa la isku tuurtuuray, taariikho ayaa la soo fadhfadhay, qosollo googoos ah, kaftan iyo awaalewarran kale markii la dhamaystay ayaa la damcay in dulucda loo dhaadhaco. Suldaan Samatar ayaa riray ujeeddadiisii:

“Geele xariirow, waxaad ogtahay khatar wayni in ay inagu soo fool leedahay. Beelo oomman oo oodahoodii wata ayaa inagu soo jihaysan, waxayna ku soo qamaamayaan baad iyo biyo waxa yar ee aynu haysano, runtiina inaguma wada fillaanayso….”, isaga oo aan hadalkii dhamayn ayuu Geelle Xariir ka dhex galay:

’’Waan  gartay runtii waxa aad ka hadlayso, waanan dareensanahay runtii dhibta arrintaasi odayaal ahaan inoo xanbaarinayso, waase in aynu go’aan gaadhnaa si  aynu u badbaadinno dadkeenna’’, ayuu Geelle hadalkii ku soo gabagabeeyay.

Wax arrinkii gacmaha lagula jiraba waxa la go’aansaday in si wadajir ah loo dhawro deegaanka ay ku noolyihiin loogana hor istaago cid kasta oo ku soo xadgudubta. Aqbal iyo ijaabo marka arrintii lagu gebogabeeyay ayaa loo hawlgalay sidii deegaanka loo ilaashan lahaa loogana dhawri lahaa cadow dad iyo dugaagba.

 

Muddo aad ah kolkii la joogayna waxaa reeraha soo gaadhay beelihii qamaamayay, waxay soo kor dageen deegaankii Guryasamo, waxayna soo dirsadeen ergo sidda codsi nuxurkiisu yahay: “Waxaanu codsanaynaa in naloo oggolaado deegaanka caws iyo biyaba in aanu si kusii meel gaadh ah idinla wadaagno, intan ka sahan tagayno, si aanu hayaankayaga u sii wadanno.’’ Waxaana loo oggolaaday muddo bilo ah. Markii wakhtigii dhammaaday ayaa loo soo diray codsi odhanaya: ’’Waa in aad ka guurtaan deegaanka. Idiin oggolaan mayno wax intaa ka badan.’’ Waxayse sartu qudhantay markii beelihii ku adkaysteen in ay sii nagaan doonaan.–

Arrintaa waxa ka dhashay muran cirka isku shareeray oo salka ku haya sida loo kala qaybsanayo manfaca yar ee gabaabsiga ku dhaw. Hadalladii qallafsanaa ee beelaha habqanka ah iyo beelahan deegaan ka lehi waxay u xuubsiibatay is-colaadin dadka dhexdhigtay uurkutaallo weyn, waxaana loo diyaar garoobay in xilli walba ay suurogal tahay in dagaal ka dhex qarxo beelaha habqanka ah iyo kuwan danwadaagta ah Waxaa mar walba kor u sii kacay heerka suurtogalnimada dagaalka. Cishadii dambe waxaa goor casar gaaban ah isku dhacay labadii ciidan ee ka soo kala jeeday labada dhinac. Qolaba qolo ayay ugu habarwacatay. Dagaalkii ayaa ballaadhay waxayna dhiilladu gaadhay aqal kasta oo ka dul qotomay deegaanka. Waxaa la isku hirgisay wixii hub la hayay. Waa weerar iyo weerar celin. Dhimbiil Colaad iyo Mire Carraale waa labada dagaalooge ee calanka u kala sida labada ciidan ee gagida colaadeed fooda isku daray. Mire Carraale waa fardofuul halyay ma-gabbade ah oo u dhashay beesha uu Suldaan Geelle Xariir duubka u yahay. Dhimbiil Colaadna waa colujoogga beelaha habaqlaha ah. Wax riddada waran, leebka iyo seefta la isla dhex jibaaxaba, waxaa gammuun qaanso xoog badan laga soo ganay lala helay faraskii uu watay Mire Carraale.

Faraskii dagaaloogaha ayaa si xoog badan afka iyo jeenyahaba ciidda daray, markaas ayuu dagaaloogihiina ka  dul dhacay, ka dibna waxa dul jiifsatay geenyadii uu watay iyada oo harraati iyo biqlo kala daashay kuna qarisay habaas. Ka dibna isaga iyo geenyadiisiiba kabaha ayaa lala dul maray. Waxaa calankii casaa ee dirirta lagu wareejiyay Guulwade Mataan oo noqday fardofuul soomajeeste ah. Guulwade Mataan oo xeelado dagaal oo cusub keenay, wuxuu ku guulaystay in uu iska-caabbin xoog leh sameeyay ka dib markii laga gacansarreeyay ee la dilay abbaanduulahoodii hore. Guulwade Mataan geesinnimadiisii iyo naf-huriddii wuxuu kaga midho dhaliyay in uu ciidammadii beesha kale ka guulaysto.

Waxaa dhabarka jeediyay ciidamadii la dirirayay, waana lagu raad joogay ilaa intii cadceeddu hoyanaysay. Kolkii ay cadceeddii god gashay, markiii la kala garan waayay qof iyo geed, ayaa ciidankii Guulwade Mataan oo libin geeraarayaa dib u soo labmeen. Waxaa ka hor yimid dumar, duqay iyo carruur wixii reeraha sii joogay si loo soo dhaweeyo geesiyaasha naftooda u huray. Waxaa lagala hortagay sacabo furan iyo mashxarad aan kala go lahayn. — Waxaa dabbaaldegyo waaweyn oo kala duduwan lagu qabtay reerka gudihiisa.

Si walba xaalku ha ahaadee  damaashaad kii ugu waynaa waxaa lagu qabtay qasrigii Suldaan Samatar Xergeeye. Wuxuu ahaa dabbaaldag la isku arkay oo wax kale kuma garatide ilyartu is qabatay.

 

 

Qaybta labaad–

 

Waa xilli fiid cawl ah, jawiguna cuddoon yahay. Inkasta oo siifaddii iyo daalkii dagaalku dadka maskaxdooda ka sii guuxayo, haddana farxadda libinta u soo hoyatay iyo daruur aan waynayn oo shalay galab reeraha heshay lagana doogtay, dhulkana Eebbe uga dhigay naxariis dhaafisay dhiiggii meel walba ceegaagay, ayaa dadka qalbiyadooda dajiyay.

 

Wali waxaa socda xaflado is daba joog ah oo lagu badhitaarayo guusha la gaadhay. Dadka oo dhammi waxay isu diyaarinayaan sidii ay kulankaa qiimaha leh uga qayb gali lahaayeen. Hase ahaatee kulankani wuxuu dareen gaar ah u samaynayaa Guulwade Mataan oo ah marti sharafta koowaad ee xafladda. Wuxuu soo kala guray dharkiisii, wuxuu ka baadhbaadhay shay uu xidho. In kasta oo dharku yahay maryihiin uu lahaa haddana wuxuu calalladiisa ka doonayaa in uu ka helo qaar u cuntami kara martida iyo cuqaasha madasha lagu ballamiyay. Wakhtigii wuu is guray waxaana soo dhawaatay ammintii xafladda. Guulwade ma doonayo in uu ka hor dhaco ballanta, waxaase uu ku jiraa diyaar garow xooggan.

 

Waxaynu joognaa barxaddii kulanku ka dhacaayay. Waxaa lagu soo gadaamay hararro xariir ah oo si qaali ah loogu soo meegaaray barxadda. Waxa la goglay salliyo iyo darmooyin aad u qurux badan. Waa habeen dayaxu shan iyo tobnaad yahay oo aan loo baahnayn in wax ilays ah la siraato. Waa caddo niidhiya oo quruuruxa la gurayo. Waxaa kadimada kala duwan kaga soo qulqulaya marti sharaftii lagu soo maamuusay madasha iyada oo aad mooddo aroos gaaf ah in in lagu ballamay.

 

Waxaa irridda soo waydaaranaya– duqay, da’yar iyo cuqaal.  Waa Samatar Xergeeye iyo qoyskiisii iyo Geelle Xariir iyo abwaanno. Waxaa soo galay gabdho—hugii hiddaha iyo dhaqanka xidhan, timo tidcan oo sibbaaq marsan.  Waa fardo shakaalan, geenyooyin sharaxan. Waa gabanno laba go’layaal ah– oo jaamo faygamuur ah iyo gaashaamo ku jeeni-qaaran. Waa Sareedo Suldaan oo gabdhaha gagida ka dhex muuqata; gabdho guyaashaaba guudka u fidhanaayay madashan oo kale.  Maxaa ilqoodha la iska xadayaa. Maxaa iyada oo aan farfiiqfiiq jirin la is suntanayaa.

 

Dananka fardaha madasha dul jooga iyo wiilasha gammaanka ku dabbaaldagaya  ayaa cabbaar la jalleecaa. Waxaa jiibta  la iskugu celinayaa libinta cusub ee uu Guulwade soo hooyay.

 

Waxaa martida lagu horay cabbitaan caano geela iyo waaxyo hilib solan ah oo duco ahaan loogu talo galay. Cad iyo calaliskii kale markii la laastay ayaa Guulwade guudka laga saaray caleemo qoyan iyada oo lagu boqray in uu  yahay beesigii beesha.

 

Cabbaar markii ay socotay ayaa duqaydii jaanta rogeen, wuxuuna damaashaadkii isugu biyo shubtay dhallinyaro badhxan. Waxaa la isugu baxay gagi bannaan –. Waxaa abaabulantay ciyaar aad u qurux badan oo jiibta iyo jaantaba la isla helay. Waxaa halkaa fursad ballaadhani uga soo baxay Sareedo Suldaan iyo filkeedii oo guryaha uun ku ekaa. Dadka kaleba ha joogaane waxaa madasha ugu buruud sarreeya ina Suldaan iyo geesiga Guulwade Mataan. Aragti baa dookh lehe ina Mataan wuxuu la dhacay sida ay ina Suldaan ciyaarta ugu xeel dheertahay. Guulwade oo ah doob muddo badan guurmeer ahaa ayaa jidhiidhico ku jabtay. Waxaa tin iyo cidhib saaqay dareen gaar ah oo aanu horey mid la mid ah ula kulmin. Wuxuu damcay in uu doodaanto? isna hortaago si uu foolkeeda uga bogto. Wuxuu galay ciyaartii si ay ugu marto. Waxay isu tabiyeen heeso duurxul ah. Codkii dananaayay ina Suldaan iyo luuqdeedii baxsanayd ayay ugu heestay:

 

Hadduu reerku uu qaxo

Adnaad qaalin leedahay

oo suuradaydu Qoyan tahay,

oo la ii qaadin ma qumanid,

 

Isaguna waxaa uu ugu jiibiyay;

 

Qalanjooy roob hadduu da’o

Oo qolqolkiina iga helo

Oonad iga qarinin ma qumanid,

 

Waxaa halkaa ka curatay ciyaar xallad leh oo xiiso badan, waxaana la boodayay giddi habeenkii oo idil. Inkasta oo ay wakhti badan ciyaarayeen haddana dhallinyaradu maba dhaaddana. Waxaa soo dhawaaday waaberigii, waxaana soo baxday xiddigtii arooryaad, sida Alle looga bartayna da’yarta isku aragtay ciyaartan waxaa qalbiyadooda ku jiray, qaarkoodna Illaahay ka baryayeen in uu waaga dillaaciisa dib u dhigo, sida uu ku heesay wiil jibbada ciyaartu madaxmartay ee uu Ilaahay uga baryay in waaga barigiisa waxyar laga xajiyo:

 

Rabbow waakan waagii

Rabbow yaa warmaha gura

Waxyar naga horjoogsada

 

Balse ma cadceed soo baxaysa ayaa baabbaco iyo afarteedii farood lagu oolin karaa? Waxaa lagu kala dareeray damaashaadkii, gagii ciyaarta oo aad galgalin moodo ayaana laga kala dhaqaaqay. Waxay gabadh kastaa u dhaqaaqday jihadii reerkeeda ka xigay, hase ahaatee barbaartii waxay iyagu u jihaysteen meel aan  reerkoodu ku aaddanayn, oo wuxuu mid waliba ka daba jarmaaday gabadhii uu ciyaarta dhexdeeda ka ishaaqay. Ninna ma hawaysan karo ina Boqor oo raggu waa iska wada baydgaab, nin aan geesi ahaynina uma badheedhi karo arrintaa gondaha ballaadhan leh. Sareedo oo hablihii kacaankeeda ahaa sii sagootinaysa ayuu Guulwade shiishka saaray, markii ay ka soo dhaqaaqdayna– inta  uu foolka ku aaddiyay gacmahana kala furay si xushmadi ku jirto u yidhi: “Sareedo, ma kula tahay in aan xagga xaafadda kuu sii dhaweeyo?’’ –

“Haa’’, ayay iyada oo aan waxba dhaadin u celisay.

 

Si maamuusidi ku jirto ayuu faraskii uu watay dhabarka u saaray, isaguna waxaa uu door biday dhib kasta ha ku ahatee in uu cagihiisa maalo. Isaga oo xeerinaya– sharafta gabadha, kuna qanacsan anshaxeeda, isaga oo jarribid iyo yool baadh intaa xoodaamayay, kuna dhacayn in uu si badheedh ah jacayl mutaxan ugu sheegto, balse iyada lafteeda dareen gaar ahi ku jiro, una xishoonaysa sida gabadh bikro ah oo guriga hooyadeed joogta, ayay ku koobsatay? jawaabta su’aalaha jarribidda ah ee xagga Guulwade uga imanaya. Markii ay ku soo dhawaadeen gurigii Sareedo ayay gabadhii geenyadii si tartiib ah uga soo cago dhigatay, waxay soo taabatay dhulka, waxayna– u mahadcelisay wiilka: “Waad mahadsantahay”, ayayna ku tidhi. “Waajib gudashadu mahadcelin uma baahna adaa se mudan”, ayuu isaguna ku macasalaameeyay.

Markii ay dhabarka jeedisay iyada oo tallaabooyin door ah qaaday oo ku beegan geed galool ah hoostii ayuu u baaqay: “Sareedo…waxaan u baahnaa in aan wax kuu sheego.” Iyada oo dhoollocaddaynaysa ayay u soo jeedsatay si dhago-nuglaan ah. Wuxuu ugu tagay geedka hoostiisii. Markii ay cabbaar wada hadlayeen ayuu damcay in uu dulucda haasaawihiisa dhiibto.

 

Waa duni aan jacaylka afka iyo erayo lagu cabbirin ee ficil iyo waxqabad lagu cabbiro, waa duni aan jacayl mutaxan qofka loo soo bandhigi karin. Si kasta xaalku ha ahaadee Guulwade– wuu ku dhiirraday in uu Sareedo ku qanciyo guur. Iyaduna: “Aqbal iyo ijaabo”, ayay tidhi. Waxaa la go’aansaday in habeenkaa oo ciyaartu daal badan jidhka ku beertay la iska kala hoydo balse cawaysyada dambe la iska war hayo.

 

Waxaa halkaa ka bilowday jacayl caaqiibo leh oo lammaanahan is doortay ay wadaagayaan. In muddo markii ay arrintu sidaas ku socotay ayuu habeen habeennada ka mid ah Nageeye oo ahaa curadka Suldaan Samatar sheedda ka arkay Sareedo oo aqalka sii galaysa, gacantana cid u saydhaysa ama u haadinaysa sidii oo ay qof sii sagootiyayso. Qolqolka aqalka ayuu taagnaaye inta uu qoorta soo fidshay ayuu hilaadiyay cid meesha sii socota uun in uu arko, markii uu waxba arki waayayna dibadda ayuu u soo booday. Wuxuu laba gardaymoodaba markii ay waxba u muuqan waayeen wuxuu u dhaqaaqay xaggii dariiqa, waxaana uu arkay nin faras ku jooga  oo uu u maleeyay Guulwade. Inta uu holladay in uu u baaqo ayuu haddana afka gacanta saaray. Waxa uu ka hinaasay in ay Sareedo oo ina Suldaan ahi la socotay nin aan qoyska Reer Boqor ahayn, lamana doonayo in uu nin aan heerkooda ahayni Sareedo guursado.

Inta uu guriga si dagdag ah u soo galay ayuu aabbihii oo fadhiya Ku boobay:

“Waad ogtahay manta Sareedo da’deedu in ay 18 jir dhaaftay. Imika Sareedo waa ay waynaatay, waana in aad inanta u guurisaa wiilka ay ilma adeerka yihiin ee Ribaax …” Odaygii oo yaabban ayaa ka dhex galay hadalkii oo yidhi:

“Isdaji aabbe, maxaa kugu dhacay?– Maxaad argtay? Arrinkaa aniga laftaydu waan ku talo jiray…guurka Sareedo…waan doonayaa …’’

Isaga oo aan waxba u sheegin ayuu damcay aabbihii in uu ku qanciyo in Sareedo loo guuriyo wiilka ay inaadeerka yihiin, Ribaax Kayd Xergeeye. Inanka iyo aabbihii oo wadatashanaya ayaa adeegtadii guriga joogtay oo cunno casho ah u wadda Samatar—isa soo qotomisay kadinka laga soo galo qolka. Hore uma ay socone waxay yar dhega-dhegaysay wixii ay odayga iyo inankiisu is lahaayeen oo hadal dagdaga iyo duufsi ku jiro ay ka dareentay. War ku filan markii ay heshay ayay albaabkii garaacday. Iyada oo aan weli soo dhaaf la odhan ayaa Nageeye soo booday oo uu inta uu waxay sidday ka qaaday albaabkii hoosta ka soo xidhay. Iyada oo aan leexleexan ayay adeegtadii guriga joogtay oo la odhan jiray Cutiyi dalaq u tidhi Sareedo, warkii oo aanay waxna ka dhimin waxna ku siyaadin ayay sidii farriin loogu soo dhiibay oo kale ugu dhurtay. Sareedo markii ay warkii hubsatay ay go’aansatay in ay Guulwade gaadhsiiso inta aanay wax kale ku tallamin. Waxay habeenkii oo dhan galgalataba,— aroornimadii ayey go’aan ku gaadhay inay warka dareensiiso barbaarkii ay is xusheen ee Guulwade Mataan.

 

Waaberigii dambe ayay farriin u dirtay Guulwade iyada oo ugu dhiibtay wiil ay ku kalsoon tahay oo ay Guulwade saaxiibo dhab ah  ahaayeen. Markii ay farriintii Guulwade soo gaadhay ayuu cawayskii u yimid, kolkii uu waayayna– gurigii boqorka ayuu xagga dambe uga dusay isaga oo dhuumanaya. Wuxuu ugu tagay Cutiya oo barxadda dambe ee aqalka ku caweynaysa, wuxuuna waydiiyay Sareedo, waana ay ugu yeedhay–. Waxay warkii ku kala qaateen barxaddii dambe ee gurig ka dibna waxay go’aansadeen in ay u tabaabulshaystaan in ay isla fakadaan, markii ay waayeen xal kale oo arrintan lagu furdaamiyo. Waxaa la gaadhay in ammintaa la joogo la dhaqaaqo, waxayna isku goosteen in ay halkhaleel uga tallaabaan musdambeedka reerka. Waa ay suurtogali wayday kadib markii Sareedo– tallaabi kari wayday. Guriga Suldaanku waa guri boqortooyo oo waxay ku sigteen in la arko oo la qabto. Iyaga oo baraad la ayay mar qudha ku baraarugeen niman gaadh ah oo dushooda gaaf wareegaya, ilaaladaas oo waxyar ula saaran.  Meel geed hoostii ah oo la gudbanayd ayay beerdhigaaleeyeen. Nimankii oo aan warkaaba hayn ayaa in cabbaar ah dul dhererraa iyaga oo aan gondahooda hoosba u eegin. Waxay ku badbaadeen faro ciddidood. Markii ay arkeen in aanay sinaba uga bixi karin, ayay rag talo kama dhammaatee talo iskula noqdeen, waxayna go’aansadeen in ay caawa baaqato oo– guriga ku noqoto una xidhxidhato sidii ay habeennada dambe u dhaqaaqi lahaayeen si ay u badbaadiyaan kalgacalka guunka ah eey isu qabaan.

Guulwade wuxuu iska shubay bowdkii ku dayraa guriga Suldaan, inkasta oo ilaalada dareen galayna kamaba ay fekerin waxa dhacaya.

 

 

Qaybta Saddexaad–

 

Waa barqo-raacii, fallaadhaha cadceedda oo aad caarodhuub mooddo ayaa marka aad bari u jeedsato foolka kaaga dhacaya. In kasta oo dhirta tiro dhaaftay ee cuftay kayntu ay hoosiis samaynayso. Waa xilli dadkii xoolaha dareersaday ay– dugaag uun ka dhawrayaan, ee aanay cid kale ka warwar qabin. Dadka Eebbe ma simine inta aan xoolo ka nixina waa ay gabraar tagaan, ugaadha Alle wayne cad iyo fuudba xalaal ka dhigay ayay u calafsi doontaan– si ay ugu noolaadaan dabashada duurjoogtaas. Nin ugaadhsade ahaa ayaa isaga oo duuda ku jara? fallaadh uu ganay una saaray deero u muuqatay—inta ay dhaaftay si kama’ ah oo kadis ah wadnaha hoostiisa ka haleeshay– Ribaax Kayd Xergeeye oo ahaa ninkii lala maagganaa Sareedo Suldaan, ahaana ina adeerkeed run ah. Fallaadha sun lahayd darteed Ribaax Kayd dhulkaba ulama dhicin. Arrinkii ayaa labadii qoysba soo gaadhay una gudbay beeshii oo dhan, waxaana la isla dhex maray “nin gabraarato ah ayaa dilay boqorka ama Suldaanka inankii uu adeerka u ahaa!”. Qab iyo quudhsi baa meeshii yimid, qoyskii reer Samatarna waxay yidhaahdeen: “Waa in afar nin magtood la bixiyaa!”, gooddi iyo hanjabaadna ku lifaaqay, iyo “annagu ninkii dhintay wax ka badan ma oggolin.”—Afkii baa xumaaday, waxayna ku socotaa in addinkuna xumaado. Halkaas waxaa ka abuurantay xaalad hor leh.– Inkasta oo labada beelood ahaayeen kuwo ul iyo diirkeed ah haddana laba daan iyo carrab baa isugu dhow oo iyaba waa ay is qoomaan. Waxay arrintu gaadhay hub urursi iyo rag urursi “Ragow rag is karow!” ayaa la isku dhiirri geliyay. “Nin aan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo’’ ayaa la dhex isxuliyay. “Nin aan warankaagu galin weedhaadu ma gasho’’ ayaa la isku guubaabiyay.

 

Talo ayaa faro ka haadday. Waxay noqotay in la isu aaro, kadibna waxaa bilaabantay in qolaba qolada kale ugaadhsato, haddana waxay u xuubsiibatay in dagaal ka dhex qarxo labadii beelood, ka dibna waa la kala saftay, nin walbana waxaa waajib ku noqotay gar iyo gardarraba in uu beeshiisa ugu hiiliyo. Qof kastaa wuxuu ka soo jeestay dhankii la habboonayd, – dhankii uu ahaa wuxuuna ka soo dagaalgalay halkii ay ilmo adeerradii dhufayska kaga jireen. Waxaa dhacay dagaal birta la iska aslay oo maryo dhiig leh la kala furtay. Waxaa dhegta dhiigga loo daray rag badan oo uu ka mid yahay Suldaan Geelle Xariir, beeshiisiina waxaa laga dhigay in kabta lulaysa in laallaadinaysa, oo habaqlahoodii afarta carro u kala cararay.–

hadaynu dib u eegno xaalka (intaa waan tuuri lahaa waayo sheekada waxay ka dhigaysaa hadal caadi ah!) Guulwade waxaa uu dagaallamay dagaal aanu u hagran. In kasta oo dad kaa badan iyo biyo kaa badaniba ku hafiyaan, wuxuu buuxiyay kaalin boqol nin ku aaddan. Markiise garabkiisii midig iyo garabkiisii bidixba jaanta wadheen ayaa Guulwadena kabaha lala dulmaray, Waxaase Guulwade dhulka ula dhacay kadib markii toogasho waran oo meel dhow laga soo riddeeyay guuleed Mataan lagu oof wareemay. Waxay ka qabsatay naaska midig hoostiisa. Inkasta oo uu guurguurtay  isaga oo beerka ku siqaya illayn fallaadhi gilgilasho kaagama go’do e,– ayuu markii uu dhaqaaqi kari waayay geedo cufan hoostood ku miyir doorsoomay. Waa gari laba nin kama wada qosliso, waa gagi dheeraad lagu kala qaatay– oo qolana libin ku geeraartay, qolo kalena iyaga oo farta dhexda ka qaniinsan oo aad xuur wadkeedii loo soo sheegay mooddo ay gogosha tagi waayeen.

 

Nimankii dagaalka ku gacan sarreeyay markii ay ku laabmeen reerahoodii ayaa xaawalay dumar mashxarad iyo damaashaad– afka gacanta galiyeen– marka laga reebo Sareedo Suldaan oo warankii Guulwade Mataan haleelay mid ka xoog badani bu’da wadnaha ka sudhan yahay. Inkasta oo Sareedo ku guulaysatay in ay oohinteeda qariso dareenkeedana aan cidi ogaan haddana cir iyo dhul jiif iyo joog midna waa ay haleeli wayday. Hurdo waa ay ladi wayday, cunnana hadalkeedaba daa. Laba maalmood oo cir Alla ka dhashay ayay sidii ahayd, wararka la isla dhex jibaaxay ee laga soo qaaday afka dad looga qaateen ahina ay aad u bateen, sida “Guulwade wuu dhintay”, “Guulwade ma dhiman ee waxaa gaadhay dhaawac aan laga kici karin” iyo “wali waa la la’yahay.

Iyada oo warwar la itaal daran ayay barqadii saddexaad ka baqooshay reerkii si ay  cagaheeda ugu tagto meeshii dagaalku ka dhacay oo isla deegaanka Guryasamo ahayd. Waxay isla socdeen gabadhii adeegtada u ahayd ee Cutiya. Iyaga oo ka baqo qaba in xagga guriga laga tabo ayay tallaabada hoosta ka xadeen. Waxay gucleeyaanba waxay soo gaadheen gagidii shalay ka maalin dhagartu ka dhacday oo dhiiggu dhulka wadhan yahay. Sareedo waxay in uun daydayaysaa waxay ku quusato oo u tilmaama dhimashadii Guulwade. Sidii waxyi ku soo degayo oo kale ayay xagga duudda u dhaqaaqeen, waxayna arkeen dhiig shalwaday iyo raad sidii qof dhulka la dul jiidayo oo kale. Waxay raacraaceen raadkii, wuxuuse ka lumay markii ay duudda hore u galeen waayo waxa la soo gaadhay meel doog yar leh. Isma aytaagine socodkoodii ayay iska sii wateen. Markii ay geedo cufan ag socdaan ayay shanqadh oo dhan hoos u dhigeen, jaantii ayay joojiyeen, waxayna dhagodhageeyeen cod hummaaga oo meel dheer kaga soo duulay. Ilayn waa Guulwade oo markii uu sanqadhii kablaha maqlay dhawaaq holladay, hase ahaatee dhawaaqii soo dallici waayay oo codkiisii u sarreeyay noqday taah qofka aadka u dhagaha waddani si dirqi ah u maqlayo. Waxay u dhag raariciyaanba, waxay dhanka taaha dhowraanba, waxay codka u sii dhawaadaanba, waxay soo dul istaageen huluushii uu Guulwade ku hoos jiray.

Waa nin dhiigbaxay– oo saddex maalmood oo cir Alla ka dhashay candhuuf mooyee cunihiisa aan calaf kale marin. Waa Guulwade, Guulwaduhuse Guulwadihii hore ma aha, nafta ayuun baa sudhan oo tiisa uun baan dhammaan. Sareedo kuma ay rajo waynayn in ay Guulwade mar kale la kulmi doonto. Waxay arkeen qof meesha si qaab darro ah ugu sii humbuuca, waxay u soo qaadeen bannaanka isaga oo aan mayd waxba dhaamin, waxayna u jiifiyeen dhacadiidka iyaga oo daymo naxariiseed ku dhawraya. Waa ay arkeen sida xaalkiisu khatarta u yahay, waxaana ay u xusulduubeen sidii ay ku badbaadin lahaayeen. Waxay u waabeen halkii uu jiifay iyaga oo hareeraha ood– kaga soo gudbay dushana caws timo haween la mid ah ugu hadheeyay. Waxay u dhaqaaqeen si dagdag ah iyaga oo foolka siiyay dhankii uu degaanku ka xigay si ay wax jal ah, cunno iyo daawaba ugu keenaan. Waxay u soo baratameen dhankii guriga. Wax walba wax baa ka wayne Sareedo markii ay gurigii timid ayay qalqaalisay in ay diyaariso caano iyo calalis kale, waxayna markiiba jalka la gaadh tidhi Cutiya, iyaduna waxay ku hadhay reerkii si ay dhakhtarkii aabbaheed ula hadasho oo ay u kaxayso. Waxay aqalkiisii ugu tagtay dhakhtarkii–, isaguna markii uu arkay ayuu inta uu si argagax leh kor u soo booday ku yidhi:

“Ma aabbaa bukooday?”

“Maya”, ayay ugu jawaabtay.

“Haddaa ma hooyaa jirran?”—

“Maya”, ayay haddana u celis, ka dibna la faqday una sheegtay ujeeddada ay u socoto ee ah in ay doonayso in ay badbaadiso wiilkaa ay isjeclaadeen.

 Dhakhtarku inkasta oo uu markii hore dib isku taagay, wuxuu soo dabcay markii ay ugu ballan qaadday in ay siin doonto shan giraangirood oo dahab ah oo ka mid ah kuwa ay gacanta ku xidhato. Markii uu intaa maqlay ayuu hunguri dhul yaalla noqday. “Afkaaga caano lagu qabay! Iminka wax walba waan oggolahay”, inta uu yidhi ayuu dib aqalkiisii u huluulshay si uu u soo qaato agabkii looga baahnaa dhakhtarka: qalabkii qalliinka iyo dawooyin faro badan. Waxay u ambabaxeen xaggii ay kayntu kaga aaddanayd, cabbaar ka dibna waxay soo gaadheen kobtii uu Guulwade Mataan jiifay, isaga oo in yar oo jal ah qaatay. Ina Suldaan iyo adeegtadii waxay dib ugu laabteen aqalkoodii.

 

Intii la dhayaayay oo dhan Sareedo cunnada ay u qarin jirtay Guulwade waxay ugu sii dhiibi jirtay dhakhtarka oo saddex toddobaad oo cir Alla ka dhashay ku baxnaaninayay ayda dhexdeeda. Sareedo markii ay fursad hesho uma ay laba lugoodin jirine si hagar la’aan ah ayay halka uu joogo ugu soo booqan jirtay. In muddo ah markii uu yaalliin ahaa ayuu bukaansocod cagihiisa isku taagi kara noqday.

 

Habeen habeennada Eebbe ka mid ah ayay Sareedo Suldaan gurigii ka baxday, waxayna kobteedii  sii seexisay Cutiya si aan meesha madhan loo ogaan. Waxaa habeenkaa da’day daruur aan aad u xoog badnayn oo circaddaadi ah, Sarreedana dhibicdii ayay iska sii dhex biyo batalaqsatay. Waxay cawayskaa u tagtay Guulwade iyada oo aan dhaxantii dhacaysay dareemin ayay gaadhay xilligii ay soo bixi jirtay xiddigta arooryaad. Halkii baa la isku macasalaameeyay oo haasaawihii dheeraa ee murtida iyo maahmaahuhu muushka ka ahaayeen la iskula qaatay in habeen dambe la dhaqaajiyo.

Waxaase habeenkaa fulkaane qarxi gaadhay markii uu aabaheed Samatar damcay in uu kala sheekaysto arrimaha guurkeeda iyo cidda uu damacsan yahay in uu u guuriyo iyada oo xilligaa aqalka ka maqnayd hase ahaatee qof hagoogani halkii ay seexan irtay jiiftay. Inkasta oo uu shakiyay haddana waxaa uu u maleeyay in ay seexatay isaga oo niyadda ka leh “gabadha cawaysinkan carruureed seexanaysa gabadh guur u diyaar ah maba aha”. Alluun baa xaal oge aadamaha waa ka daahan yahay wax Alle u sheegay mooyaane wax kale, haddiise uu ogaan lahaa waxa bannaanka ka socda maba yidhaahdeenba “gabadhani guur uma diyaar aha”. Wuxuuse odayga dareen galay shakigii xalayna ku xididaystay markii uu aroornimadii arkay kabahay Sareedo xidhnayd oo sayax ku jiro, iyo dharkeedii oo siifaddii roobka weli leh. Arrinkaasise muu noqon arrin odayga wakhti badan ka lumiyay.

 

 

Qaybta afraad–

 

Waa casarliiq cadceeddu baallo dhigatay. Waxaa soo biiraya madowga hiimsahiimsaha. Guulwade wuxuu ku tiirsan yahay geed jirrid wayne ah oo kaynta badhtankeeda dhaca, waxaanu ku faruur xidhan yahay cirka sare, isaga oo indhaha la raacraacaya daruuraha isku gadaamay hawada sare, ee intay godladeen hoorista ku dhow. Inkasta oo uu Guulwade ku kalsoon yahay in ay Sareedo Suldaan oofin doonto axdigii ay wada galeen haddana wuxuu in badan ka fikiray– sida ay ku heli lahayd fakaak ay ku diyaar garowdo iyo suurta-galnimada in la dareemi doono iyo in kale, iyo waxa ka dambayn doona baxsashadooda. Wuxuu sawirtay guurka uu ka rajaynayo iyo sida ay u wada wadaagi lahaayeen– nafaha inta noloshooda ka dhiman. Isku dayo door ah oo ay Sareedo samaysay ugu dambayntii waxay ku guulaysatay in ay guriga ka soo baxdo. Iyadoo afar-qaadaysa socodka, qolkeedii jiifkana soo seexisay Cutiya, ayay ugu timid geedkii ay ku hoos ballameen. Iyada oo aan hadal badanba la is odhan ayaa loo dhaqaaqay xaggii loo ballamay. Habeenkii oo dhan socodkoodu guclo iyo tallaabo dagdaga ayuu ahaa, waxay se sheekadu dhabaqday kolkii uu Suldaan Samatar soo galay qolkii Sareedo, oo uu arkay iyada oo hillaaban. Wuxuu arrinkii laba labeeyaba wuxuu goostay in aanu caawa sinaba u dhaafin oo arrinka guurkeeda kala sheekaysto, waxaase uu arkay in aanay Sareedaba aqalka joogin. Odaygii baa talo ku caddaatay. Wuxuu gacmaha ka saarsaaraba, in uu tashado ayuu doorbiday. Wuxuu arrinkii ogaysiiyay curadkiisii Nageeye Samatar, waxaana ay go’aan ku gaadheen in Sareedo la baadi doono. Isaga iyo afar wiil oo uu dhalay ayaa dusha uga baxay– fardihii ugu tayo iyo tababar fiicnaa Gammaanka boqortooyada. Waxaa Cutiya lagu sandulleeyay in ay sheegto waxa jira, iyaduna markii ay culayskii xammili wayday ayay– wax kasta oo laabteeda ku jiray soo xaadhay. Ka dibna waxaa colkii u dhaqaaqay dhankii loo badinayay in ay ka xigaan. Iyaga oo fardihii baacinaya ayaa xaggii kaynta loo jihaystay.

 

Guulwade iyo Sareedo waxay rooraanba waxay soo galeen aag libaaxa iyo dugaagga kaleba looga caagay oo aan dad iyo duunyo midna loo aaminayn. Iyaga oo goobtaa khatarta badan dhex mushaaxaya ayuu ku dul hooray roob dhibicyo waaweyn oo duufaan xooggan wataa. Si ay roobkan dabaylaha wata uga nabadgalaan ayay galeen bohol libaax oo boholaha ula mid ahayd. Inkasta oo aanu libaaxu dadqaad ahayn, una jeel qabin hilib dad, waayo hilibka duurjoogta kale ayuu ka haqab baxay. Libaaxu hadda wuxuu diyaar u yahay in uu taageero jacaylka lammaanaha. Magangelinta libaaxu waxay ka dhigan tahay magagelinta habar-dugaag oo dhan, waayo boqorka kayntu waa libaaxa.

 

 Libaax duq ah oo aad u shaash badan ayaa ugu soo galay bohoshii. Isaga oo roobka ka soo hoyday ayuu soo dul gawdiidsaday lammaanihii jacaylka oo hoggii wada fadhiya. Biyihii gadhkiisa ka dhacayay ayaa qooyay gondihii Guulwade iyo Sareedo. Si kastaba ha ahaatee wuxuu libaaxu dammaanad qaaday amniga lamaanaha jacaylka, ka dib markii uu addimada dhulka ku duugay sida ay dad badani aaminsanyihiin. Habeenkii markii ay bohoshii u hoydeen ayay arroortii xilli hore ka jarmaadeen. Inkasta oo laba-addinle iyo afar-addinle xagga socodka aanay isku hayb ahayn– “isku lume lug iyo faras” sidii horay loo yidhi, haddana Sareedo iyo Guulwade way dadaaleen, inta karaankooda ah. Isku soo wada duuboo fardihii oo deeddamaya ayaa soo gaadhay Guulwade iyo Sareedo oo faraqa is  jiidanaya, markaas bay talo ku cadaatay, markaas bay jahwareereen, markaas buu dhulku u dhaqdhaqaaqay, markaas bay garan waayeen afarta jiho tan ay u sodcaalaan.

 

Sareedo ayaa argagaxday, dhidid buurbuurani jidhkeedii hafiyay, hadaanay talo keenin oo aanay go’aan qaadan waxay niyadda gelisay in Guulwade dhegta dhiigga loo dari doono. Markii ay wax ay fasho garan wayday ayay Guulwade iska sii jeedisay ka dibna si ay jacaylkeeda u badbaadiso– ayay martii? iska xoortay  dundumo isku dul istaagtay. Markii ay aabbaheed iyo walaalladeed soo dul istaageen ayuu Nageeye oo qadhqadhayaa ku soo hamuumay, waxaana dib u soo gundhiyay aabbihii Suldaan Samatar. Suldaanku markii uu arkay xaalku halka uu taagan yahay ayuu go’aansaday in uu inanta maslaxo oo uu sasabo si uu reerkoodii ugu celiyo: “Aabbe, adiga iyo Guulwadeba ii soo raaca reerkii, markaa aniga ayaa Guulwade kuu badbaadinaya oo kuu guurinayee.’’ Balse waa ay ku gacan saydhay. Qir iyo qir markii ay arrini istaagtay ayuu go’aansaday in uu inanta hibeeyo. “Saacaddaa laga bilaabo Guulwade Mataanow waa afadaadiiye ha ku raacdo”, ayuu arrinkii ku soo afjaray. Isaga oo aan Guulwade waxba yeelin kana baqay in ay sharafdhac ku keento inta uu fasaxay ayuu xoolo badan ka soo daba diray arrinkiina  duco ku gabogabeeyay.

 

Waxay noqdeen lammaane is jecel oo lagu hirto. Waxaa dhismay qoys lagu naallooday oo lagu nastay. Waxaa lagu ammaanaa wanaagga iyo jacaylka ay isku qabaan, dadkuna ku sheekaystaan. Wuxuu noqday qoys isku soo jiiday labadii beelood oo u horseeday nabad waarta. Beelihii waxay noqdeen iyaga oo “Ood ab ka dhow” isticmaalaya qaar is dhex gal xoog leh sameeyay.

 

Deegaankii Guryasamona wuxuu noqday deegaan salka looga dagay nabad.

 

Guntii, gabagabadii iyo gunaanadkii Guulwade oo aan guudkiisa tin madow lagu ogayn, gu’giisuna aad u batay, ayaa gadaalkii loo caleemosaaray in uu noqdo boqorka guud ee beelaha dan iyo dalba wadaagta ah.

 

 

 

Dhammaad

 


[1] Waa sheekadii ku guulaysatay kaalinta labaad ee tartan-suugaaneedka Sheeko iyo Shaahid – 2008.Image

Hello world!

Welcome to WordPress.com. After you read this, you should delete and write your own post, with a new title above. Or hit Add New on the left (of the admin dashboard) to start a fresh post.

Here are some suggestions for your first post.

  1. You can find new ideas for what to blog about by reading the Daily Post.
  2. Add PressThis to your browser. It creates a new blog post for you about any interesting  page you read on the web.
  3. Make some changes to this page, and then hit preview on the right. You can always preview any post or edit it before you share it to the world.
This entry was posted on December 23, 2011. 1 Comment