GEESI BOQRA; sheeko gaaban

GEESI BOQRA[1]

Dhamme Maxamuud Axmed

I

Waabaa baryay bilicsan. In kasta oo aan qorraxdu si qumman u soo mudhbixin haddana shucaacii ay qaybisay ayaa guud ahaan dhulka si siman u wada gaadhay. Iftiinkaasi wuxuu sawir qurxoon oo indho qabad leh u yeelay xareeddii sallaxyada iyo galshooyinka jiiftay ee mayaygii shalay iyo miraalihii xalay reeraha mirayba ay biyo dhigeen. Xareedda godannada ka galacda leh oo u eeg biyo dahab, rayska iyo naacowda qabaw ee dhul iyo dhirba taakeeyay, balliyada iyo harrooyinka ceegaaga duleedka reerka, sawirka qurxoon ee shimbiraha midabada sibbaaqa leh ee kala gadgadisan ee la moodo ubax caynba cayna iyo sawdka kala duduwan ee ay bixinayaan oo qalbigu ku dago dhaguhuna ku raaxaystaan, malahayga haddii uu jiri lahaa cod cudur daweeya luuqda shinbiruhu waxay ahaan lahayd codka cudur kasta daweeya. Waxaan iyana meesha ka maqnayn duurjoog iyo habar-dugaag oo deegaankan nimcadu laasimtay doorkooda qaatay. Waxay quruxiba qurux ka been sheegtay markaad aragtid raxamo duurjoog ah oo siyaabo kala madaxbannan ku calafsanaaya: raxamo cawl ah, raxamo geri ah, raxan libaax ah, raxan maroodi ah iwm.

Guryasamo waa deegaan ballaadhan idhan iyo kaymo iyo bannaano leh. Waxaa wada yaal laba beelood oo oodwadaag ah oo isu dhex yaalla si filiqsan, waxayna dhulka u daggan yihiin si teelteel ah. Qolo walbiba magac gaar ah iyo maamul gooni ah ayey tirsadaan. Inkasta oo si wayn la isugu dhex go’an yahay haddana sinjiga iyo isirka beeleed waa mid wali kala soocan.

Samatar Xergeeye iyo Geelle Xariir waa labada oday ee kala horfadhiya labada beelood, waxayna dadkooda dhexdiisa ku leeyihiin qaddarin iyo maamuus. Suldaan Geelle Xariir waa nin daggan oo dabci wanaagsan oo gartiisa yaqaan. Wuu garaad badan yahay wuuna is ururiyaa inta uu is ururin karo mana kaftan badna, balse sida Samatar Xergeeye oo kale waa nin hawlkarnimo iyo xilkasnimo isu biirsaday.

Suldaan Samatar Xergeeye waa nin ka soo jeeda qoys ballaadhan oo boqortooyo ah. Samatar aabbihii iyo awowgiiba waxa ay ahaan jireen suldaanno magac weyn ku leh guud ahaan gayiga ciideed.  Samatar waa nin gacmo furan oo laab furan, waana nin ballaadhan oo dadka oo dhan u cuntami kara.

Suldaan Samatar iyo qoyskiisu dheeraadka ay cid walba ka sitaan waa hantida Eebbe wayne siiyey: afarta meesi iyo shanta maal adduunba ee boqortooyadiisa hoos yimaadda. Waa nin boqol kun oo geel ah iyo waxaan tiro lagu haleelayn oo ishina iyo gammaan oo idil ah Eebbe wayne faraqa ugu guntay. Waxaa ku hoos nool dad tiro dhaafay oo sabool ah, iyaga ayaana foofsan jiray, iyaga ayaa dhaqan jiray, iyaga ayaa raacan jiray, iyaga ayaa ilaashan jiray, iyaga ayaa maali jiray kuna noolaa. Maaddaama boqorka iyo qoyskiisu aanay tiradan xoolaha ah raacan karin, hadday raacaanna aanay lisan karin, hadday lisaana aanay dhami karin, waxa xoolaha u ciidamin jiray dadkaas saboolka ah.

Suldaan Samatar sidaa ay duunyadiisu maansha u ahayd ayay dadkiisuna muush u ahaayeen. Suldaanka wuxuu Eebbahay ku mannaystay wiilal badan iyo gabdho door ah. –Sareedo Suldaan Samatar weeye gabdhihiisa tan ugu fadallo cadcadi; si wanaagsan ayey u kortay 18 gu ayayna baarka ka jartay. Sareedo waa gabadh joog iyo jaahba u dhalatay, waxaanay reerka intiisa kale kaga duwan tahay jamaalka ay leedahay. Quruxda Sareedo waa mid ku dhex badan hadal hayntiisu qoyskan reer boqor. Marmarka qaar waxaa laga doodaa bilcanaantan cidda ay ka raacday, cid loo saaryo kolka la waayo ayaa abuur Eebbe lagu dhaafaa. Waa gabadh da’deeda iyo jidhkeeduba isku joogaan. Midabkeedu waa maarriin dhalaal. Quruxda Eebbe u dhaliyay ka sokow waxaa iyana ku dhibco tirsata dharxidhashadeeda. Dharka xariirta ah iyo dahabka ay  tin iyo cidhib isku taxadayo? ayaa kaalin ka ciyaara muuqaalkeeda bilicda san.  Anshaxa, asluubta iyo gaarinimada Sareedo waa mid qoyskoodu aad u dareensan yihiin. Aftahannimada ay Sareedo u dhalatay ayaa iyaduna ah mid soo jiidatay dad badan oo ka tirsan dadka ay Sareedo la dhaqanto oo idil sida saaxiibadaha ay leedahay iyo gaar ahaan gayaankeeda ragga ah.

Waxa muddo faro badan ay labada beelood wada degganaayeen deegaankan Guryosamo, taasina waxay horseedday isdhexgal xagga dhaqanka iyo dhaqaalaha ah. Waxa kale oo ay keentay xidhiidh xididnimo iyo gacalnimo aad u gundheer.  Waxaa kor u kacay is kaashigii labadan qoys ee ballaadhan, waxaanay halkaa degganaayeen iyaga oo aan dugaag mooyee wax kale ka baqo qabin.

Waxay saadaashu wacnaataba, waxay duqaydu shax iyo sheeko wakhtiga isu waydaarisaba, waxay da’yartuna haasaawe iyo ciyaar isku maaweeliyanba, waxaa is baddalay saacii. Waxaa dhacday abaar oodolulul ah oo aan dad iyo duunyo midna dhaafayn. Wakhtiga adkaaday iyo abaartaasi waxay keentay in la is kugu yimaado hadba meesha cawscalalsi leh. Lamahuraan waa caws jiilaale, waxay beelihii caydhoobay ku soo qamaameen dhulka intii baad lahayd. Hadba waxa sida shinnida la iskugu ururaa meelmeel daaq yar leh.

Deegaanka Guryosamo inkasta oo abaarta duulduulkeedu gaadhay haddana xooggeedii ma ay arag, waxaana suurtogal ah in beelaha qamaamayaa ay ku soo xadgudbaan deegaanka labadan beelood iyada oo dhulka xilliga abaarta la kala ceshado sida caadada ah.

Suldaan Samatar iyo wafti kale ayaa ugu tagay Suldaan Geelle golihii uu hoggaanka u ahaa si ay afti uga soo qaadaan. Salaan gacanqaad ah ka dib Suldaan Geelle martidii si gobannimo ah ayuu u soo dhaweeyay. Markii ay martidii jilibka dhigatay ayaa caano lis ah lagu gadhqabtay In yar ka dibna hilib geedaysan iyo soor kale ayaa lagu soo daldaly. Erayo afgobaadsi ah ayaa la isku tuurtuuray, taariikho ayaa la soo fadhfadhay, qosollo googoos ah, kaftan iyo awaalewarran kale markii la dhamaystay ayaa la damcay in dulucda loo dhaadhaco. Suldaan Samatar ayaa riray ujeeddadiisii:

“Geele xariirow, waxaad ogtahay khatar wayni in ay inagu soo fool leedahay. Beelo oomman oo oodahoodii wata ayaa inagu soo jihaysan, waxayna ku soo qamaamayaan baad iyo biyo waxa yar ee aynu haysano, runtiina inaguma wada fillaanayso….”, isaga oo aan hadalkii dhamayn ayuu Geelle Xariir ka dhex galay:

’’Waan  gartay runtii waxa aad ka hadlayso, waanan dareensanahay runtii dhibta arrintaasi odayaal ahaan inoo xanbaarinayso, waase in aynu go’aan gaadhnaa si  aynu u badbaadinno dadkeenna’’, ayuu Geelle hadalkii ku soo gabagabeeyay.

Wax arrinkii gacmaha lagula jiraba waxa la go’aansaday in si wadajir ah loo dhawro deegaanka ay ku noolyihiin loogana hor istaago cid kasta oo ku soo xadgudubta. Aqbal iyo ijaabo marka arrintii lagu gebogabeeyay ayaa loo hawlgalay sidii deegaanka loo ilaashan lahaa loogana dhawri lahaa cadow dad iyo dugaagba.

Muddo aad ah kolkii la joogayna waxaa reeraha soo gaadhay beelihii qamaamayay, waxay soo kor dageen deegaankii Guryasamo, waxayna soo dirsadeen ergo sidda codsi nuxurkiisu yahay: “Waxaanu codsanaynaa in naloo oggolaado deegaanka caws iyo biyaba in aanu si kusii meel gaadh ah idinla wadaagno, intan ka sahan tagayno, si aanu hayaankayaga u sii wadanno.’’ Waxaana loo oggolaaday muddo bilo ah. Markii wakhtigii dhammaaday ayaa loo soo diray codsi odhanaya: ’’Waa in aad ka guurtaan deegaanka. Idiin oggolaan mayno wax intaa ka badan.’’ Waxayse sartu qudhantay markii beelihii ku adkaysteen in ay sii nagaan doonaan.–

Arrintaa waxa ka dhashay muran cirka isku shareeray oo salka ku haya sida loo kala qaybsanayo manfaca yar ee gabaabsiga ku dhaw. Hadalladii qallafsanaa ee beelaha habqanka ah iyo beelahan deegaan ka lehi waxay u xuubsiibatay is-colaadin dadka dhexdhigtay uurkutaallo weyn, waxaana loo diyaar garoobay in xilli walba ay suurogal tahay in dagaal ka dhex qarxo beelaha habqanka ah iyo kuwan danwadaagta ah Waxaa mar walba kor u sii kacay heerka suurtogalnimada dagaalka. Cishadii dambe waxaa goor casar gaaban ah isku dhacay labadii ciidan ee ka soo kala jeeday labada dhinac. Qolaba qolo ayay ugu habarwacatay. Dagaalkii ayaa ballaadhay waxayna dhiilladu gaadhay aqal kasta oo ka dul qotomay deegaanka. Waxaa la isku hirgisay wixii hub la hayay. Waa weerar iyo weerar celin. Dhimbiil Colaad iyo Mire Carraale waa labada dagaalooge ee calanka u kala sida labada ciidan ee gagida colaadeed fooda isku daray. Mire Carraale waa fardofuul halyay ma-gabbade ah oo u dhashay beesha uu Suldaan Geelle Xariir duubka u yahay. Dhimbiil Colaadna waa colujoogga beelaha habaqlaha ah. Wax riddada waran, leebka iyo seefta la isla dhex jibaaxaba, waxaa gammuun qaanso xoog badan laga soo ganay lala helay faraskii uu watay Mire Carraale.

Faraskii dagaaloogaha ayaa si xoog badan afka iyo jeenyahaba ciidda daray, markaas ayuu dagaaloogihiina ka  dul dhacay, ka dibna waxa dul jiifsatay geenyadii uu watay iyada oo harraati iyo biqlo kala daashay kuna qarisay habaas. Ka dibna isaga iyo geenyadiisiiba kabaha ayaa lala dul maray. Waxaa calankii casaa ee dirirta lagu wareejiyay Guulwade Mataan oo noqday fardofuul soomajeeste ah. Guulwade Mataan oo xeelado dagaal oo cusub keenay, wuxuu ku guulaystay in uu iska-caabbin xoog leh sameeyay ka dib markii laga gacansarreeyay ee la dilay abbaanduulahoodii hore. Guulwade Mataan geesinnimadiisii iyo naf-huriddii wuxuu kaga midho dhaliyay in uu ciidammadii beesha kale ka guulaysto.

Waxaa dhabarka jeediyay ciidamadii la dirirayay, waana lagu raad joogay ilaa intii cadceeddu hoyanaysay. Kolkii ay cadceeddii god gashay, markiii la kala garan waayay qof iyo geed, ayaa ciidankii Guulwade Mataan oo libin geeraarayaa dib u soo labmeen. Waxaa ka hor yimid dumar, duqay iyo carruur wixii reeraha sii joogay si loo soo dhaweeyo geesiyaasha naftooda u huray. Waxaa lagala hortagay sacabo furan iyo mashxarad aan kala go lahayn. — Waxaa dabbaaldegyo waaweyn oo kala duduwan lagu qabtay reerka gudihiisa.

Si walba xaalku ha ahaadee  damaashaad kii ugu waynaa waxaa lagu qabtay qasrigii Suldaan Samatar Xergeeye. Wuxuu ahaa dabbaaldag la isku arkay oo wax kale kuma garatide ilyartu is qabatay.

Qaybta labaad–

Waa xilli fiid cawl ah, jawiguna cuddoon yahay. Inkasta oo siifaddii iyo daalkii dagaalku dadka maskaxdooda ka sii guuxayo, haddana farxadda libinta u soo hoyatay iyo daruur aan waynayn oo shalay galab reeraha heshay lagana doogtay, dhulkana Eebbe uga dhigay naxariis dhaafisay dhiiggii meel walba ceegaagay, ayaa dadka qalbiyadooda dajiyay.

Wali waxaa socda xaflado is daba joog ah oo lagu badhitaarayo guusha la gaadhay. Dadka oo dhammi waxay isu diyaarinayaan sidii ay kulankaa qiimaha leh uga qayb gali lahaayeen. Hase ahaatee kulankani wuxuu dareen gaar ah u samaynayaa Guulwade Mataan oo ah marti sharafta koowaad ee xafladda. Wuxuu soo kala guray dharkiisii, wuxuu ka baadhbaadhay shay uu xidho. In kasta oo dharku yahay maryihiin uu lahaa haddana wuxuu calalladiisa ka doonayaa in uu ka helo qaar u cuntami kara martida iyo cuqaasha madasha lagu ballamiyay. Wakhtigii wuu is guray waxaana soo dhawaatay ammintii xafladda. Guulwade ma doonayo in uu ka hor dhaco ballanta, waxaase uu ku jiraa diyaar garow xooggan.

Waxaynu joognaa barxaddii kulanku ka dhacaayay. Waxaa lagu soo gadaamay hararro xariir ah oo si qaali ah loogu soo meegaaray barxadda. Waxa la goglay salliyo iyo darmooyin aad u qurux badan. Waa habeen dayaxu shan iyo tobnaad yahay oo aan loo baahnayn in wax ilays ah la siraato. Waa caddo niidhiya oo quruuruxa la gurayo. Waxaa kadimada kala duwan kaga soo qulqulaya marti sharaftii lagu soo maamuusay madasha iyada oo aad mooddo aroos gaaf ah in in lagu ballamay.

Waxaa irridda soo waydaaranaya– duqay, da’yar iyo cuqaal.  Waa Samatar Xergeeye iyo qoyskiisii iyo Geelle Xariir iyo abwaanno. Waxaa soo galay gabdho—hugii hiddaha iyo dhaqanka xidhan, timo tidcan oo sibbaaq marsan.  Waa fardo shakaalan, geenyooyin sharaxan. Waa gabanno laba go’layaal ah– oo jaamo faygamuur ah iyo gaashaamo ku jeeni-qaaran. Waa Sareedo Suldaan oo gabdhaha gagida ka dhex muuqata; gabdho guyaashaaba guudka u fidhanaayay madashan oo kale.  Maxaa ilqoodha la iska xadayaa. Maxaa iyada oo aan farfiiqfiiq jirin la is suntanayaa.

Dananka fardaha madasha dul jooga iyo wiilasha gammaanka ku dabbaaldagaya  ayaa cabbaar la jalleecaa. Waxaa jiibta  la iskugu celinayaa libinta cusub ee uu Guulwade soo hooyay.

Waxaa martida lagu horay cabbitaan caano geela iyo waaxyo hilib solan ah oo duco ahaan loogu talo galay. Cad iyo calaliskii kale markii la laastay ayaa Guulwade guudka laga saaray caleemo qoyan iyada oo lagu boqray in uu  yahay beesigii beesha.

Cabbaar markii ay socotay ayaa duqaydii jaanta rogeen, wuxuuna damaashaadkii isugu biyo shubtay dhallinyaro badhxan. Waxaa la isugu baxay gagi bannaan –. Waxaa abaabulantay ciyaar aad u qurux badan oo jiibta iyo jaantaba la isla helay. Waxaa halkaa fursad ballaadhani uga soo baxay Sareedo Suldaan iyo filkeedii oo guryaha uun ku ekaa. Dadka kaleba ha joogaane waxaa madasha ugu buruud sarreeya ina Suldaan iyo geesiga Guulwade Mataan. Aragti baa dookh lehe ina Mataan wuxuu la dhacay sida ay ina Suldaan ciyaarta ugu xeel dheertahay. Guulwade oo ah doob muddo badan guurmeer ahaa ayaa jidhiidhico ku jabtay. Waxaa tin iyo cidhib saaqay dareen gaar ah oo aanu horey mid la mid ah ula kulmin. Wuxuu damcay in uu doodaanto? isna hortaago si uu foolkeeda uga bogto. Wuxuu galay ciyaartii si ay ugu marto. Waxay isu tabiyeen heeso duurxul ah. Codkii dananaayay ina Suldaan iyo luuqdeedii baxsanayd ayay ugu heestay:

Hadduu reerku uu qaxo

Adnaad qaalin leedahay

oo suuradaydu Qoyan tahay,

oo la ii qaadin ma qumanid,

Isaguna waxaa uu ugu jiibiyay;

Qalanjooy roob hadduu da’o

Oo qolqolkiina iga helo

Oonad iga qarinin ma qumanid,

Waxaa halkaa ka curatay ciyaar xallad leh oo xiiso badan, waxaana la boodayay giddi habeenkii oo idil. Inkasta oo ay wakhti badan ciyaarayeen haddana dhallinyaradu maba dhaaddana. Waxaa soo dhawaaday waaberigii, waxaana soo baxday xiddigtii arooryaad, sida Alle looga bartayna da’yarta isku aragtay ciyaartan waxaa qalbiyadooda ku jiray, qaarkoodna Illaahay ka baryayeen in uu waaga dillaaciisa dib u dhigo, sida uu ku heesay wiil jibbada ciyaartu madaxmartay ee uu Ilaahay uga baryay in waaga barigiisa waxyar laga xajiyo:

Rabbow waakan waagii

Rabbow yaa warmaha gura

Waxyar naga horjoogsada

Balse ma cadceed soo baxaysa ayaa baabbaco iyo afarteedii farood lagu oolin karaa? Waxaa lagu kala dareeray damaashaadkii, gagii ciyaarta oo aad galgalin moodo ayaana laga kala dhaqaaqay. Waxay gabadh kastaa u dhaqaaqday jihadii reerkeeda ka xigay, hase ahaatee barbaartii waxay iyagu u jihaysteen meel aan  reerkoodu ku aaddanayn, oo wuxuu mid waliba ka daba jarmaaday gabadhii uu ciyaarta dhexdeeda ka ishaaqay. Ninna ma hawaysan karo ina Boqor oo raggu waa iska wada baydgaab, nin aan geesi ahaynina uma badheedhi karo arrintaa gondaha ballaadhan leh. Sareedo oo hablihii kacaankeeda ahaa sii sagootinaysa ayuu Guulwade shiishka saaray, markii ay ka soo dhaqaaqdayna– inta  uu foolka ku aaddiyay gacmahana kala furay si xushmadi ku jirto u yidhi: “Sareedo, ma kula tahay in aan xagga xaafadda kuu sii dhaweeyo?’’ –

“Haa’’, ayay iyada oo aan waxba dhaadin u celisay.

Si maamuusidi ku jirto ayuu faraskii uu watay dhabarka u saaray, isaguna waxaa uu door biday dhib kasta ha ku ahatee in uu cagihiisa maalo. Isaga oo xeerinaya– sharafta gabadha, kuna qanacsan anshaxeeda, isaga oo jarribid iyo yool baadh intaa xoodaamayay, kuna dhacayn in uu si badheedh ah jacayl mutaxan ugu sheegto, balse iyada lafteeda dareen gaar ahi ku jiro, una xishoonaysa sida gabadh bikro ah oo guriga hooyadeed joogta, ayay ku koobsatay? jawaabta su’aalaha jarribidda ah ee xagga Guulwade uga imanaya. Markii ay ku soo dhawaadeen gurigii Sareedo ayay gabadhii geenyadii si tartiib ah uga soo cago dhigatay, waxay soo taabatay dhulka, waxayna– u mahadcelisay wiilka: “Waad mahadsantahay”, ayayna ku tidhi. “Waajib gudashadu mahadcelin uma baahna adaa se mudan”, ayuu isaguna ku macasalaameeyay.

Markii ay dhabarka jeedisay iyada oo tallaabooyin door ah qaaday oo ku beegan geed galool ah hoostii ayuu u baaqay: “Sareedo…waxaan u baahnaa in aan wax kuu sheego.” Iyada oo dhoollocaddaynaysa ayay u soo jeedsatay si dhago-nuglaan ah. Wuxuu ugu tagay geedka hoostiisii. Markii ay cabbaar wada hadlayeen ayuu damcay in uu dulucda haasaawihiisa dhiibto.

Waa duni aan jacaylka afka iyo erayo lagu cabbirin ee ficil iyo waxqabad lagu cabbiro, waa duni aan jacayl mutaxan qofka loo soo bandhigi karin. Si kasta xaalku ha ahaadee Guulwade– wuu ku dhiirraday in uu Sareedo ku qanciyo guur. Iyaduna: “Aqbal iyo ijaabo”, ayay tidhi. Waxaa la go’aansaday in habeenkaa oo ciyaartu daal badan jidhka ku beertay la iska kala hoydo balse cawaysyada dambe la iska war hayo.

Waxaa halkaa ka bilowday jacayl caaqiibo leh oo lammaanahan is doortay ay wadaagayaan. In muddo markii ay arrintu sidaas ku socotay ayuu habeen habeennada ka mid ah Nageeye oo ahaa curadka Suldaan Samatar sheedda ka arkay Sareedo oo aqalka sii galaysa, gacantana cid u saydhaysa ama u haadinaysa sidii oo ay qof sii sagootiyayso. Qolqolka aqalka ayuu taagnaaye inta uu qoorta soo fidshay ayuu hilaadiyay cid meesha sii socota uun in uu arko, markii uu waxba arki waayayna dibadda ayuu u soo booday. Wuxuu laba gardaymoodaba markii ay waxba u muuqan waayeen wuxuu u dhaqaaqay xaggii dariiqa, waxaana uu arkay nin faras ku jooga  oo uu u maleeyay Guulwade. Inta uu holladay in uu u baaqo ayuu haddana afka gacanta saaray. Waxa uu ka hinaasay in ay Sareedo oo ina Suldaan ahi la socotay nin aan qoyska Reer Boqor ahayn, lamana doonayo in uu nin aan heerkooda ahayni Sareedo guursado.

Inta uu guriga si dagdag ah u soo galay ayuu aabbihii oo fadhiya Ku boobay:

“Waad ogtahay manta Sareedo da’deedu in ay 18 jir dhaaftay. Imika Sareedo waa ay waynaatay, waana in aad inanta u guurisaa wiilka ay ilma adeerka yihiin ee Ribaax …” Odaygii oo yaabban ayaa ka dhex galay hadalkii oo yidhi:

“Isdaji aabbe, maxaa kugu dhacay?– Maxaad argtay? Arrinkaa aniga laftaydu waan ku talo jiray…guurka Sareedo…waan doonayaa …’’

Isaga oo aan waxba u sheegin ayuu damcay aabbihii in uu ku qanciyo in Sareedo loo guuriyo wiilka ay inaadeerka yihiin, Ribaax Kayd Xergeeye. Inanka iyo aabbihii oo wadatashanaya ayaa adeegtadii guriga joogtay oo cunno casho ah u wadda Samatar—isa soo qotomisay kadinka laga soo galo qolka. Hore uma ay socone waxay yar dhega-dhegaysay wixii ay odayga iyo inankiisu is lahaayeen oo hadal dagdaga iyo duufsi ku jiro ay ka dareentay. War ku filan markii ay heshay ayay albaabkii garaacday. Iyada oo aan weli soo dhaaf la odhan ayaa Nageeye soo booday oo uu inta uu waxay sidday ka qaaday albaabkii hoosta ka soo xidhay. Iyada oo aan leexleexan ayay adeegtadii guriga joogtay oo la odhan jiray Cutiyi dalaq u tidhi Sareedo, warkii oo aanay waxna ka dhimin waxna ku siyaadin ayay sidii farriin loogu soo dhiibay oo kale ugu dhurtay. Sareedo markii ay warkii hubsatay ay go’aansatay in ay Guulwade gaadhsiiso inta aanay wax kale ku tallamin. Waxay habeenkii oo dhan galgalataba,— aroornimadii ayey go’aan ku gaadhay inay warka dareensiiso barbaarkii ay is xusheen ee Guulwade Mataan.

Waaberigii dambe ayay farriin u dirtay Guulwade iyada oo ugu dhiibtay wiil ay ku kalsoon tahay oo ay Guulwade saaxiibo dhab ah  ahaayeen. Markii ay farriintii Guulwade soo gaadhay ayuu cawayskii u yimid, kolkii uu waayayna– gurigii boqorka ayuu xagga dambe uga dusay isaga oo dhuumanaya. Wuxuu ugu tagay Cutiya oo barxadda dambe ee aqalka ku caweynaysa, wuxuuna waydiiyay Sareedo, waana ay ugu yeedhay–. Waxay warkii ku kala qaateen barxaddii dambe ee gurig ka dibna waxay go’aansadeen in ay u tabaabulshaystaan in ay isla fakadaan, markii ay waayeen xal kale oo arrintan lagu furdaamiyo. Waxaa la gaadhay in ammintaa la joogo la dhaqaaqo, waxayna isku goosteen in ay halkhaleel uga tallaabaan musdambeedka reerka. Waa ay suurtogali wayday kadib markii Sareedo– tallaabi kari wayday. Guriga Suldaanku waa guri boqortooyo oo waxay ku sigteen in la arko oo la qabto. Iyaga oo baraad la ayay mar qudha ku baraarugeen niman gaadh ah oo dushooda gaaf wareegaya, ilaaladaas oo waxyar ula saaran.  Meel geed hoostii ah oo la gudbanayd ayay beerdhigaaleeyeen. Nimankii oo aan warkaaba hayn ayaa in cabbaar ah dul dhererraa iyaga oo aan gondahooda hoosba u eegin. Waxay ku badbaadeen faro ciddidood. Markii ay arkeen in aanay sinaba uga bixi karin, ayay rag talo kama dhammaatee talo iskula noqdeen, waxayna go’aansadeen in ay caawa baaqato oo– guriga ku noqoto una xidhxidhato sidii ay habeennada dambe u dhaqaaqi lahaayeen si ay u badbaadiyaan kalgacalka guunka ah eey isu qabaan.

Guulwade wuxuu iska shubay bowdkii ku dayraa guriga Suldaan, inkasta oo ilaalada dareen galayna kamaba ay fekerin waxa dhacaya.

Qaybta Saddexaad–

Waa barqo-raacii, fallaadhaha cadceedda oo aad caarodhuub mooddo ayaa marka aad bari u jeedsato foolka kaaga dhacaya. In kasta oo dhirta tiro dhaaftay ee cuftay kayntu ay hoosiis samaynayso. Waa xilli dadkii xoolaha dareersaday ay– dugaag uun ka dhawrayaan, ee aanay cid kale ka warwar qabin. Dadka Eebbe ma simine inta aan xoolo ka nixina waa ay gabraar tagaan, ugaadha Alle wayne cad iyo fuudba xalaal ka dhigay ayay u calafsi doontaan– si ay ugu noolaadaan dabashada duurjoogtaas. Nin ugaadhsade ahaa ayaa isaga oo duuda ku jara? fallaadh uu ganay una saaray deero u muuqatay—inta ay dhaaftay si kama’ ah oo kadis ah wadnaha hoostiisa ka haleeshay– Ribaax Kayd Xergeeye oo ahaa ninkii lala maagganaa Sareedo Suldaan, ahaana ina adeerkeed run ah. Fallaadha sun lahayd darteed Ribaax Kayd dhulkaba ulama dhicin. Arrinkii ayaa labadii qoysba soo gaadhay una gudbay beeshii oo dhan, waxaana la isla dhex maray “nin gabraarato ah ayaa dilay boqorka ama Suldaanka inankii uu adeerka u ahaa!”. Qab iyo quudhsi baa meeshii yimid, qoyskii reer Samatarna waxay yidhaahdeen: “Waa in afar nin magtood la bixiyaa!”, gooddi iyo hanjabaadna ku lifaaqay, iyo “annagu ninkii dhintay wax ka badan ma oggolin.”—Afkii baa xumaaday, waxayna ku socotaa in addinkuna xumaado. Halkaas waxaa ka abuurantay xaalad hor leh.– Inkasta oo labada beelood ahaayeen kuwo ul iyo diirkeed ah haddana laba daan iyo carrab baa isugu dhow oo iyaba waa ay is qoomaan. Waxay arrintu gaadhay hub urursi iyo rag urursi “Ragow rag is karow!” ayaa la isku dhiirri geliyay. “Nin aan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo’’ ayaa la dhex isxuliyay. “Nin aan warankaagu galin weedhaadu ma gasho’’ ayaa la isku guubaabiyay.

Talo ayaa faro ka haadday. Waxay noqotay in la isu aaro, kadibna waxaa bilaabantay in qolaba qolada kale ugaadhsato, haddana waxay u xuubsiibatay in dagaal ka dhex qarxo labadii beelood, ka dibna waa la kala saftay, nin walbana waxaa waajib ku noqotay gar iyo gardarraba in uu beeshiisa ugu hiiliyo. Qof kastaa wuxuu ka soo jeestay dhankii la habboonayd, – dhankii uu ahaa wuxuuna ka soo dagaalgalay halkii ay ilmo adeerradii dhufayska kaga jireen. Waxaa dhacay dagaal birta la iska aslay oo maryo dhiig leh la kala furtay. Waxaa dhegta dhiigga loo daray rag badan oo uu ka mid yahay Suldaan Geelle Xariir, beeshiisiina waxaa laga dhigay in kabta lulaysa in laallaadinaysa, oo habaqlahoodii afarta carro u kala cararay.–

hadaynu dib u eegno xaalka (intaa waan tuuri lahaa waayo sheekada waxay ka dhigaysaa hadal caadi ah!) Guulwade waxaa uu dagaallamay dagaal aanu u hagran. In kasta oo dad kaa badan iyo biyo kaa badaniba ku hafiyaan, wuxuu buuxiyay kaalin boqol nin ku aaddan. Markiise garabkiisii midig iyo garabkiisii bidixba jaanta wadheen ayaa Guulwadena kabaha lala dulmaray, Waxaase Guulwade dhulka ula dhacay kadib markii toogasho waran oo meel dhow laga soo riddeeyay guuleed Mataan lagu oof wareemay. Waxay ka qabsatay naaska midig hoostiisa. Inkasta oo uu guurguurtay  isaga oo beerka ku siqaya illayn fallaadhi gilgilasho kaagama go’do e,– ayuu markii uu dhaqaaqi kari waayay geedo cufan hoostood ku miyir doorsoomay. Waa gari laba nin kama wada qosliso, waa gagi dheeraad lagu kala qaatay– oo qolana libin ku geeraartay, qolo kalena iyaga oo farta dhexda ka qaniinsan oo aad xuur wadkeedii loo soo sheegay mooddo ay gogosha tagi waayeen.

Nimankii dagaalka ku gacan sarreeyay markii ay ku laabmeen reerahoodii ayaa xaawalay dumar mashxarad iyo damaashaad– afka gacanta galiyeen– marka laga reebo Sareedo Suldaan oo warankii Guulwade Mataan haleelay mid ka xoog badani bu’da wadnaha ka sudhan yahay. Inkasta oo Sareedo ku guulaysatay in ay oohinteeda qariso dareenkeedana aan cidi ogaan haddana cir iyo dhul jiif iyo joog midna waa ay haleeli wayday. Hurdo waa ay ladi wayday, cunnana hadalkeedaba daa. Laba maalmood oo cir Alla ka dhashay ayay sidii ahayd, wararka la isla dhex jibaaxay ee laga soo qaaday afka dad looga qaateen ahina ay aad u bateen, sida “Guulwade wuu dhintay”, “Guulwade ma dhiman ee waxaa gaadhay dhaawac aan laga kici karin” iyo “wali waa la la’yahay.

Iyada oo warwar la itaal daran ayay barqadii saddexaad ka baqooshay reerkii si ay  cagaheeda ugu tagto meeshii dagaalku ka dhacay oo isla deegaanka Guryasamo ahayd. Waxay isla socdeen gabadhii adeegtada u ahayd ee Cutiya. Iyaga oo ka baqo qaba in xagga guriga laga tabo ayay tallaabada hoosta ka xadeen. Waxay gucleeyaanba waxay soo gaadheen gagidii shalay ka maalin dhagartu ka dhacday oo dhiiggu dhulka wadhan yahay. Sareedo waxay in uun daydayaysaa waxay ku quusato oo u tilmaama dhimashadii Guulwade. Sidii waxyi ku soo degayo oo kale ayay xagga duudda u dhaqaaqeen, waxayna arkeen dhiig shalwaday iyo raad sidii qof dhulka la dul jiidayo oo kale. Waxay raacraaceen raadkii, wuxuuse ka lumay markii ay duudda hore u galeen waayo waxa la soo gaadhay meel doog yar leh. Isma aytaagine socodkoodii ayay iska sii wateen. Markii ay geedo cufan ag socdaan ayay shanqadh oo dhan hoos u dhigeen, jaantii ayay joojiyeen, waxayna dhagodhageeyeen cod hummaaga oo meel dheer kaga soo duulay. Ilayn waa Guulwade oo markii uu sanqadhii kablaha maqlay dhawaaq holladay, hase ahaatee dhawaaqii soo dallici waayay oo codkiisii u sarreeyay noqday taah qofka aadka u dhagaha waddani si dirqi ah u maqlayo. Waxay u dhag raariciyaanba, waxay dhanka taaha dhowraanba, waxay codka u sii dhawaadaanba, waxay soo dul istaageen huluushii uu Guulwade ku hoos jiray.

Waa nin dhiigbaxay– oo saddex maalmood oo cir Alla ka dhashay candhuuf mooyee cunihiisa aan calaf kale marin. Waa Guulwade, Guulwaduhuse Guulwadihii hore ma aha, nafta ayuun baa sudhan oo tiisa uun baan dhammaan. Sareedo kuma ay rajo waynayn in ay Guulwade mar kale la kulmi doonto. Waxay arkeen qof meesha si qaab darro ah ugu sii humbuuca, waxay u soo qaadeen bannaanka isaga oo aan mayd waxba dhaamin, waxayna u jiifiyeen dhacadiidka iyaga oo daymo naxariiseed ku dhawraya. Waa ay arkeen sida xaalkiisu khatarta u yahay, waxaana ay u xusulduubeen sidii ay ku badbaadin lahaayeen. Waxay u waabeen halkii uu jiifay iyaga oo hareeraha ood– kaga soo gudbay dushana caws timo haween la mid ah ugu hadheeyay. Waxay u dhaqaaqeen si dagdag ah iyaga oo foolka siiyay dhankii uu degaanku ka xigay si ay wax jal ah, cunno iyo daawaba ugu keenaan. Waxay u soo baratameen dhankii guriga. Wax walba wax baa ka wayne Sareedo markii ay gurigii timid ayay qalqaalisay in ay diyaariso caano iyo calalis kale, waxayna markiiba jalka la gaadh tidhi Cutiya, iyaduna waxay ku hadhay reerkii si ay dhakhtarkii aabbaheed ula hadasho oo ay u kaxayso. Waxay aqalkiisii ugu tagtay dhakhtarkii–, isaguna markii uu arkay ayuu inta uu si argagax leh kor u soo booday ku yidhi:

“Ma aabbaa bukooday?”

“Maya”, ayay ugu jawaabtay.

“Haddaa ma hooyaa jirran?”—

“Maya”, ayay haddana u celis, ka dibna la faqday una sheegtay ujeeddada ay u socoto ee ah in ay doonayso in ay badbaadiso wiilkaa ay isjeclaadeen.

Dhakhtarku inkasta oo uu markii hore dib isku taagay, wuxuu soo dabcay markii ay ugu ballan qaadday in ay siin doonto shan giraangirood oo dahab ah oo ka mid ah kuwa ay gacanta ku xidhato. Markii uu intaa maqlay ayuu hunguri dhul yaalla noqday. “Afkaaga caano lagu qabay! Iminka wax walba waan oggolahay”, inta uu yidhi ayuu dib aqalkiisii u huluulshay si uu u soo qaato agabkii looga baahnaa dhakhtarka: qalabkii qalliinka iyo dawooyin faro badan. Waxay u ambabaxeen xaggii ay kayntu kaga aaddanayd, cabbaar ka dibna waxay soo gaadheen kobtii uu Guulwade Mataan jiifay, isaga oo in yar oo jal ah qaatay. Ina Suldaan iyo adeegtadii waxay dib ugu laabteen aqalkoodii.

Intii la dhayaayay oo dhan Sareedo cunnada ay u qarin jirtay Guulwade waxay ugu sii dhiibi jirtay dhakhtarka oo saddex toddobaad oo cir Alla ka dhashay ku baxnaaninayay ayda dhexdeeda. Sareedo markii ay fursad hesho uma ay laba lugoodin jirine si hagar la’aan ah ayay halka uu joogo ugu soo booqan jirtay. In muddo ah markii uu yaalliin ahaa ayuu bukaansocod cagihiisa isku taagi kara noqday.

Habeen habeennada Eebbe ka mid ah ayay Sareedo Suldaan gurigii ka baxday, waxayna kobteedii  sii seexisay Cutiya si aan meesha madhan loo ogaan. Waxaa habeenkaa da’day daruur aan aad u xoog badnayn oo circaddaadi ah, Sarreedana dhibicdii ayay iska sii dhex biyo batalaqsatay. Waxay cawayskaa u tagtay Guulwade iyada oo aan dhaxantii dhacaysay dareemin ayay gaadhay xilligii ay soo bixi jirtay xiddigta arooryaad. Halkii baa la isku macasalaameeyay oo haasaawihii dheeraa ee murtida iyo maahmaahuhu muushka ka ahaayeen la iskula qaatay in habeen dambe la dhaqaajiyo.

Waxaase habeenkaa fulkaane qarxi gaadhay markii uu aabaheed Samatar damcay in uu kala sheekaysto arrimaha guurkeeda iyo cidda uu damacsan yahay in uu u guuriyo iyada oo xilligaa aqalka ka maqnayd hase ahaatee qof hagoogani halkii ay seexan irtay jiiftay. Inkasta oo uu shakiyay haddana waxaa uu u maleeyay in ay seexatay isaga oo niyadda ka leh “gabadha cawaysinkan carruureed seexanaysa gabadh guur u diyaar ah maba aha”. Alluun baa xaal oge aadamaha waa ka daahan yahay wax Alle u sheegay mooyaane wax kale, haddiise uu ogaan lahaa waxa bannaanka ka socda maba yidhaahdeenba “gabadhani guur uma diyaar aha”. Wuxuuse odayga dareen galay shakigii xalayna ku xididaystay markii uu aroornimadii arkay kabahay Sareedo xidhnayd oo sayax ku jiro, iyo dharkeedii oo siifaddii roobka weli leh. Arrinkaasise muu noqon arrin odayga wakhti badan ka lumiyay.

Qaybta afraad–

Waa casarliiq cadceeddu baallo dhigatay. Waxaa soo biiraya madowga hiimsahiimsaha. Guulwade wuxuu ku tiirsan yahay geed jirrid wayne ah oo kaynta badhtankeeda dhaca, waxaanu ku faruur xidhan yahay cirka sare, isaga oo indhaha la raacraacaya daruuraha isku gadaamay hawada sare, ee intay godladeen hoorista ku dhow. Inkasta oo uu Guulwade ku kalsoon yahay in ay Sareedo Suldaan oofin doonto axdigii ay wada galeen haddana wuxuu in badan ka fikiray– sida ay ku heli lahayd fakaak ay ku diyaar garowdo iyo suurta-galnimada in la dareemi doono iyo in kale, iyo waxa ka dambayn doona baxsashadooda. Wuxuu sawirtay guurka uu ka rajaynayo iyo sida ay u wada wadaagi lahaayeen– nafaha inta noloshooda ka dhiman. Isku dayo door ah oo ay Sareedo samaysay ugu dambayntii waxay ku guulaysatay in ay guriga ka soo baxdo. Iyadoo afar-qaadaysa socodka, qolkeedii jiifkana soo seexisay Cutiya, ayay ugu timid geedkii ay ku hoos ballameen. Iyada oo aan hadal badanba la is odhan ayaa loo dhaqaaqay xaggii loo ballamay. Habeenkii oo dhan socodkoodu guclo iyo tallaabo dagdaga ayuu ahaa, waxay se sheekadu dhabaqday kolkii uu Suldaan Samatar soo galay qolkii Sareedo, oo uu arkay iyada oo hillaaban. Wuxuu arrinkii laba labeeyaba wuxuu goostay in aanu caawa sinaba u dhaafin oo arrinka guurkeeda kala sheekaysto, waxaase uu arkay in aanay Sareedaba aqalka joogin. Odaygii baa talo ku caddaatay. Wuxuu gacmaha ka saarsaaraba, in uu tashado ayuu doorbiday. Wuxuu arrinkii ogaysiiyay curadkiisii Nageeye Samatar, waxaana ay go’aan ku gaadheen in Sareedo la baadi doono. Isaga iyo afar wiil oo uu dhalay ayaa dusha uga baxay– fardihii ugu tayo iyo tababar fiicnaa Gammaanka boqortooyada. Waxaa Cutiya lagu sandulleeyay in ay sheegto waxa jira, iyaduna markii ay culayskii xammili wayday ayay– wax kasta oo laabteeda ku jiray soo xaadhay. Ka dibna waxaa colkii u dhaqaaqay dhankii loo badinayay in ay ka xigaan. Iyaga oo fardihii baacinaya ayaa xaggii kaynta loo jihaystay.

Guulwade iyo Sareedo waxay rooraanba waxay soo galeen aag libaaxa iyo dugaagga kaleba looga caagay oo aan dad iyo duunyo midna loo aaminayn. Iyaga oo goobtaa khatarta badan dhex mushaaxaya ayuu ku dul hooray roob dhibicyo waaweyn oo duufaan xooggan wataa. Si ay roobkan dabaylaha wata uga nabadgalaan ayay galeen bohol libaax oo boholaha ula mid ahayd. Inkasta oo aanu libaaxu dadqaad ahayn, una jeel qabin hilib dad, waayo hilibka duurjoogta kale ayuu ka haqab baxay. Libaaxu hadda wuxuu diyaar u yahay in uu taageero jacaylka lammaanaha. Magangelinta libaaxu waxay ka dhigan tahay magagelinta habar-dugaag oo dhan, waayo boqorka kayntu waa libaaxa.

Libaax duq ah oo aad u shaash badan ayaa ugu soo galay bohoshii. Isaga oo roobka ka soo hoyday ayuu soo dul gawdiidsaday lammaanihii jacaylka oo hoggii wada fadhiya. Biyihii gadhkiisa ka dhacayay ayaa qooyay gondihii Guulwade iyo Sareedo. Si kastaba ha ahaatee wuxuu libaaxu dammaanad qaaday amniga lamaanaha jacaylka, ka dib markii uu addimada dhulka ku duugay sida ay dad badani aaminsanyihiin. Habeenkii markii ay bohoshii u hoydeen ayay arroortii xilli hore ka jarmaadeen. Inkasta oo laba-addinle iyo afar-addinle xagga socodka aanay isku hayb ahayn– “isku lume lug iyo faras” sidii horay loo yidhi, haddana Sareedo iyo Guulwade way dadaaleen, inta karaankooda ah. Isku soo wada duuboo fardihii oo deeddamaya ayaa soo gaadhay Guulwade iyo Sareedo oo faraqa is  jiidanaya, markaas bay talo ku cadaatay, markaas bay jahwareereen, markaas buu dhulku u dhaqdhaqaaqay, markaas bay garan waayeen afarta jiho tan ay u sodcaalaan.

Sareedo ayaa argagaxday, dhidid buurbuurani jidhkeedii hafiyay, hadaanay talo keenin oo aanay go’aan qaadan waxay niyadda gelisay in Guulwade dhegta dhiigga loo dari doono. Markii ay wax ay fasho garan wayday ayay Guulwade iska sii jeedisay ka dibna si ay jacaylkeeda u badbaadiso– ayay martii? iska xoortay  dundumo isku dul istaagtay. Markii ay aabbaheed iyo walaalladeed soo dul istaageen ayuu Nageeye oo qadhqadhayaa ku soo hamuumay, waxaana dib u soo gundhiyay aabbihii Suldaan Samatar. Suldaanku markii uu arkay xaalku halka uu taagan yahay ayuu go’aansaday in uu inanta maslaxo oo uu sasabo si uu reerkoodii ugu celiyo: “Aabbe, adiga iyo Guulwadeba ii soo raaca reerkii, markaa aniga ayaa Guulwade kuu badbaadinaya oo kuu guurinayee.’’ Balse waa ay ku gacan saydhay. Qir iyo qir markii ay arrini istaagtay ayuu go’aansaday in uu inanta hibeeyo. “Saacaddaa laga bilaabo Guulwade Mataanow waa afadaadiiye ha ku raacdo”, ayuu arrinkii ku soo afjaray. Isaga oo aan Guulwade waxba yeelin kana baqay in ay sharafdhac ku keento inta uu fasaxay ayuu xoolo badan ka soo daba diray arrinkiina  duco ku gabogabeeyay.

Waxay noqdeen lammaane is jecel oo lagu hirto. Waxaa dhismay qoys lagu naallooday oo lagu nastay. Waxaa lagu ammaanaa wanaagga iyo jacaylka ay isku qabaan, dadkuna ku sheekaystaan. Wuxuu noqday qoys isku soo jiiday labadii beelood oo u horseeday nabad waarta. Beelihii waxay noqdeen iyaga oo “Ood ab ka dhow” isticmaalaya qaar is dhex gal xoog leh sameeyay.

Deegaankii Guryasamona wuxuu noqday deegaan salka looga dagay nabad.

Guntii, gabagabadii iyo gunaanadkii Guulwade oo aan guudkiisa tin madow lagu ogayn, gu’giisuna aad u batay, ayaa gadaalkii loo caleemosaaray in uu noqdo boqorka guud ee beelaha dan iyo dalba wadaagta ah.

Dhammaad


[1] Waa sheekadii ku guulaysatay kaalinta labaad ee tartan-suugaaneedka Sheeko iyo Shaahid – 2008.Image

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s