DHALLINYAHAY HABRASHADA MA DHAAFNAA?

“Haddii gu’ga kuu kordhaaba
Gabow mooyee ku tarin
Garaad iyo waayo arag
Inlayn waxma dhaantid geed!”
– Gaarriye.

Waabari kasta, todobaad kasta, bilkasta iyo gu’kasta oo curta ama dhamaadaa waa qayb noloshaada ka mid ah oo is guraaya! sidoo kalena Hirdanka nolosha aadanahu waa dawaar xiimaya oon goor iyo guub uu ku hakkado lahayn.

Halgankaas iyo ka mira- dhalintiisuna ma aha habeendhalad waase silsilad taxan oo kuf iyo kacba leh. Tani waa caado la kawsatay bilowgii nolosha,
waana tartan lala beeray, qof iyo qarankastaana leeyahiin inta ay ka gaystaan.

Cid kasta oo fushatay waajibaadkooda, yeelatay abbaar sugan oo u taxan guushooda, heshay awood dhaqaajisay hayaankaasi waa hubaal inay sooyaalka baal ka galeen. Heerkase maanta dalkeenu kaga jiro laacadanka habsocodka dunidu waa mid aad u hooseeya, hubaal ahaanna tani kumay iman qayb ilaah waase qaybsi aadane.

Garashada masuuliyadda umadeed, gudashada waajibaadka iyo yeelashada yool iyo abbaaro lagu hayaamo(national goals ) waa bud dhigga gaadhista wax u badan naallo iyo barwaaqo.

Mid kasta oo inaga mid ahi wuxuu qayb laxaad leh ka yahay guusha iyo guuldarrada ku timaada guud ahaanteen, guushaas dhalinteeda ayaa qof qastaa ku faanaa, ama guul daradaas ayaa qof walba caloolgubyoota.

Guuldarrada maanata ina haysata waa baro ku wada yaal oogadeena sare, ku muddan uurkeena hoose, waxa wax saar ku leh ciddeenii hore iyo innagan haddeer nool, haddiiba inaguna aynu sidaas uga tagno waa mid ayna mahadin doonin kuwa inaga danbeeya.

Jeerkasta oon hoos u dhugto awaalaha nolosheena amaba hilaadiyo mustaqbalka umaddeena waxa I gala ididiilooyin rajjo ah, isla jeerkaas ayaa haddana waxa igilgila dareeno daba-ka-warar ah.

Kummannaan arday oo soomaaliyeed ayaa dunida dacaladeeda fidsan u jooga dano waxbarasho, mustaqbalka lafahooda iyo qoysaskooda ayaa ah abbaarta ugu mudan eey dadaalkaas u falayaan, (ugu jiraan) in kale oo badan ayaa hawooyinka nafahooda raacay isla markaas aan lahay ka-jeeddo sugan.

Inahaas fara-ku tiriska aha ee heshay awoodda hantiyeed iyo tan tamareed si ay u galaan dugsiyo iyo jamaamicado waxbarsho oo dal iyo dibadba leh, misana ma wada dareensana ayaankaas (fursadaas) iyo masuuliyaddaas saaran.

Waa hubaal in masuuliyaddu ka bilaantabo nafaheen qudha, waxse hubanti kale ah inaanay ahayn madaxa ugu sareeya ee lasaalaxo. Haddiiba waalidkaa kuu huray dhididkooda iyo dhoocaankooda, taasi waa mid lagaa dhawraayo. Quruxduna waxay ku jirtaa in aad la timaado dadaal daacadnimo iyo dhabar adayg ah, barwaaqada iyo hodantinimadu eeyar kuma timaad. Balse barada aad ku ababtay, biyaha iyo neefta aan cidi ku xisaabin, waa jirto in carradaasi u baahantahay abaalcelin door ah, waajib gudasho iyo xilqaannimo dhab ah, si ay kuugu dhaadato; iyana qudheeda u dhaadato.

Xilli kasta oo da’aada inaga wayni sii guranto waxa inagu soo biiraya culayska kaalinqaadnimadu leedahay, haddaba, si aynaan u hanbabarin ammin xeedho iyo fandhaal kaladhaceen waxa biyokamadhibcaan noqonaysa inaan haddeer baraarugno si aan u hananno dantaas, iskuguna boorinno guddoonka hawshaas.

Haddaba dhalinyarooy miyaynu u bisilnahay guddoonka waajibkaadkaas?, mise dhammanteen waxaan ku sifownaa ‘canaan ka yaab reer ma doojo’ ama ‘ninyari intuu laan ka boodo ayuu talo ka boodaa!”. Xilkasnimaduna uma dhuranayso gada-wayni, gankasta oon joogno waan fulin karnaa hawsheena, gudan karnaa waajibkeena, xitaa adiga oo ka yar 25 sano jir sida ay golayaasha soomaaliland ku ansxiyeen dhalinyarta kaalinqaadka noqonkarta. Masuuliyadduse ma aha in aad siyaasi noqoto si aad naallo u horseedo, ama horumar u keento, siyaasigu inuu inoo noqdo barta kali ah ee bulshada laga badalaa waa xadayn iyo ku xadgudubka maskaxda xorta ah, xooga dihin iyo hiraalka uu yeelan karo qofkasta oo muwadin ah. Jirtoo qofku samayn karo isbaddal macne leh isaga oon damac siyaasad fuushanayn, waxa tusaale nool oo inooga taagan ah shaqsigii hal-adayga badnaa, indheergaradka ahaa, u soo halgamay tan aynu manta ifka ka dhiganayno waa aabahii waxbarashada somaliyeed Maxamuud Axmed Cali iyo dhiggiisii kale.

Haddaba, si aynu uga soo dhalaalno waajibkaas waxa lama huraan noqonaysa hansare, daacadnimo, hal adayg, sugnaansho(samir) iyo yaqiin xooggan oon ku wajahno mawjadaha jirrabka ah ee ina hirdiyi doona.

Si uga duwan si walba facan galbanaya, waa inaan ku dhiirranna inaan noqonno irda-bixiyayaasha nolosha, si aynu kob cagaaran uga soo durdurinno. Middaas oo geedka go’ ka dhigaysa inaan yeelanno hansare iyo hiraal fog oo ka duwan inaad hesho kali ah kuna koobsatto bilayaasha nolosha sida gaadhi, guricad, iyo lammaane qurux badan. Waa dhab inaad heli doonto intaas oo dhan haddiiba hankaagu intaa ku nagi yahay, marka aad heshana waad ku dhiman dhexdooda waayo maad astayn mid kale ood u dhaafto!.

Daacadnimadu waa lama huraanka waxkasta ood shafka u dhigato, si walba ood dabinka bood u tahayna, hadaanay dacaadnimo ku kaalin waxaad tahay uun qofka ku dagma laba gabi dhexdood.
Waxa taas weheliya sugnaansha iyo samirka, waana dardaarankii Nabi Maxamed (NNKH). Inaad ku rukkumato sabadaada, ku gaadiido fikirkaaga kuna adkaysato, hanfi iyo kulaylkasta oo ku leefaa waa ku sii durugga guusha.
Yaqiintuna(faith) waa garabsashada guulaha, tala saarashadiisa iyo isku hallaynt hiilkiisa goor ciirsi la’ ah, geedla qabsadaana jirin.

Waxa jira indha daboolan oonu ku fiirinayno mushkiladaheena, kuwa guud, iyo kuwa gaar ahaa dhalinyaranimo inoo la soo darsa, taas oo inagu keeni karta hogseeg. Runtii anigu dhibaatada dhabta uma arko balwadaha ina aafeeyay, shaqo la’aanta iyo sadcaalka aynu badaha ugu leeanno! Kuwaasi ma aha caqabadaha dhabta ah ee ina hortaagan, waayo kali ahaantood lugahooda kuma istaagi karaan, waxna taas daliil cad u ah, dhallin badan oo caqabadahaan sida cadceeda uga soo dhex mudhay.

Caqabadaha dhabta ah ee inagu giblan waxaan qabaa inay yahiin kuwa ili ma qabatay ah, waxaanan u badiyaa hanhoose, dhawridda isbaddal dabiici ah iyo filiqtanka silsiladda xidhiidh ee bulshada(badhgo’ bulsho),

Hanka hoose waa dabarka inagga hortaagan ujeed kasta oon u xusul duubno, qofkuna ma laha wax xadeeya awoodiisa oon ka ahayn hiraalkiisa(vision). Qodabkan waxaynu u irkanaynaa haddii aan rabno inaan guul ka gaadhno nolosheena waxna ka badalno dalkeena iyo dadkeena waa in aynaan marna isku koobin adduun-arageena, ama aanay ina xidhin xarriijimaha been abuurka ah ee maskaxdeena xadaynaya, si ayanaan col hortii u jabin.

Dhawridda isbadal dabiici ah, isbadal ay riixayaan soo baxa cadceeda iyo dhicisteedu, waa ku qanacsanaanta meel hoose iyo ka xaglo laabashada ibo-furidda waxkasta oo awooddeenu jarto. Tanina waa mid ka mid caqabadaha ugu adage e inna hortaagan, haddiiba ayanaan inagu noqon kuwa looga fadhiyo maaraynta nolosheena, waa ayyo cidda kale ee lagu xisaabtami karo? Ciddan inoo maqan ama inoo soo bixi doonta?

Mar kasta uu bulshada galo khalkhal, dagaal iyo aafooyin kale, waxa la soo darsa xidhiidh-furasho u dhaxaysa facyaasha kala duwan,waxa micno guura farriintii, waxana hummaag galaa majarahii loo soday, inteena badanna waxaan ku jirnaa asqawgii ay ina dhaxalsiiyeen eedaadkii la maray, tan oo runtii innagu khasbaysa inaan helno barbilow kale si halkaas looga dareeriyo wixii danbe.

Haddaba, maxaa inoo talo ah? Ma is qiimay karnaa? Ma ka taamilo qaadan kartaa shalay si aynu nolosheena wax uga gaddino barri, ama geedi-socodkeeda si uun u saamayno, mise waxaynu jecelnahay inaan ka la’aano? Haddiiba, marwalba ay hawl uun tahay?. Waa ogahay inay inagu kaydsantahay karti badan ooynu maanta kaga midha dhalin karno damac kasta oon isku dhaarsanno! Kama liidanno dhallinyaradii dalkooda ka xoreeyay gumaysigii caddaa, SYL, iyagoo rumaysan lafahooda kaliya ayay “ul iyo dhagax” kaga dhicisteen xaqoodii iyo xornimadoodii, runtii, waxay ka daacad ahaayeen waxay u socdeen,!!

Haatan iyo dan, farriinta qayyaxan een u diraayo qofkasta oo dhallina guud ahaan, gaar ahaan inta wax baranayasa oo qudhaydu isku daraaya, waxaan leeyahay, ‘waa innaga cidda kaliya ee soo colin karta rajadda duugantay ee dadkeena, waan abuuri karnaa nolol haddii aynu ka daacad nahay inaynu dhimashada ka soo doogno, inaguna taas horseedyo ka ahaanno, waase in gaddoonka aan dadka kale ka rabno nafaheena ka bilownaa.’

Guud ahaanna waxaan leeyahay waa in aynu u qalab qaadanno saddex arrimood si aynu taas u dhabayn karno:
*fahanka nafaheena: inaan fahanno misana ku xisaabtanno awoodeena waxqabad iyo inta aan ka gungaadhi karno.
*fahanka nolosha aan la dariska nahay: u kuur gallida nolosha bulshadeena, lafagurideeda, barashada afka, dhaqanka iyo hiddaheena si aynu ugu dhawaanno la falgalkooda.
*fahanka dunida kale: barashada aadanaha kale oo dhan, fahankooda iyo la dhaqankooda, si aynu u badbaadsanno danaheena una dhacsan karno xaqeena.

Ma jirto maalin maanta la inooga baahi badan yahay dhalinyaro, waxa ina tabaya walax kasta oo dhulkeena guud taal, hakrashada iyo habrashada, midbana, meel aan hogseeg ahayn inooma wadaan, waa xilli adag iyo innagga! Raq iyo ku raggeed.

Dhamme Mahmoud Ahmed
Abdirahman431@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s