UFFO (maanso)

Alloow kuu naxariiso, Cabdillaahi Suldaan “Timacadde”, ayaa laga guntay:-“Hoheey malaha soomaalidaan, hoos waxba u dayin e”

Noloshu waa kaltan, gobtuna waxay tidhaa “Doorkaaga nolosha waligaa gunnimo ha ku guddoomin”.

qofbana wuxuu wax u yahay is ahaantiisa, maalinka aad gabto kaalintaada, ayaad guddoomatay liidnimada kama danbeysta ah.

ifka iyo iftiinkuna waa duruus taxane ah, kuwaas oo ku baraya sidaad u badbaadi lahad goobaha mugdiga. hadaanad wax ka baran horteedna; dabadeed wax kuuguma filna.

Aan waxaad ogtahay kuu sheegee, maansadan ila arag:

Aamuskaan ka jeclahay, inaan wax idhaa

Hadduu aarku helo, geelba waa ololaa

Eeb iyo waranbaa, oofta iiga jirta

Uurkeyga waxaa gubaa, amar lehe

Ardaal nimadaada ma eegan karee

Midh aan ku idhaahdo iga maqal.

Addoonsi qof doortay, waa ibtiloo

aduunyaba waa tanoo, idlatoo

Or iyo waa dabayla oodo wattoo

Uffiyo beenbay, ku aasantahay,

Ictiraaf gaalbaan, ku arrin beelnee

Aqoonso naftaada, umadyahay!.

Dhashii aabahaa, ka oodatayoo

Amxaaro u dhiibtay, ubadkaagoo

Amaah ku maqnayd, illawshiisoo

Sidii umushii, u afartanbixisee.

Miyaad aadyaruun illoowday shalay!!!.

Qolaba qolo eersatoo, orisoo

Aaniyo godabuun, u ololaysoo

Oodaada ka dhowraty, ehelkaagoo

Inaadeer ku wayday, oofaha oo

Addoon iyo gaalba, kuu imayoo

Ku maal igadhkaaga, ayyada oo

Ifkiiyo ku seegtay, aakhiradii.

Habkii iglan, waa alloow sahaloo

Kuwii arradnaa, ugaadhsattadii

Amxaaro, kukuuyo iyo oromo

Masaaygu ku iid, dhulkuu uduga!!!

Alaab kugu soo fur, ugaxdiisii

Ishaada laga dheehay, iintaada.

Ushaadii haddeer, laguu adeegsoo

Dhulkaga la iibshay, lakala irgisoo

Addoomo madoobi, kuu arrinshe!.

Ogaal li’baa ishaa ku badday

Aqoon li’baa, ku oofo tirtay

Eex iyo nin jaclaysibaad, eedday

Awawyaal iilka jiifabaad, aqbashay

Iftiinkan miyaad maruun arkahayn?

Aduunkan miyaad maruun ilbaxayn?.

Sidaad isku eeday, waa ugub

Sidaad isu eersatana, waa anfariir

Uunkiyo aadmiga ma aragtaan

Idinkaa isku muuqda oo is ebya

Ardaayaad tihiin tan iyo Aadan

Haddaydaan ubadkiina maanta u arxamin

Markaad idlataydin iilka tagtaan

Maxaydin u sheegi eeydin odhan???.

 

W/T: Dhamme Maxmoud, 29, jan, 2012.

One thought on “UFFO (maanso)

  1. Axyaa wadani ayaa tahayo
    ilmaa iga timid markaan aqriyoo
    afkaa gabay erayga dhihidiisoo
    uugaamay intaaban urugoodoo
    allayle waad asiibtay dhamoow
    ishaad ka riday eeda nagu taaloo
    ikhyaar nin ah baa aqoonsanayee
    aqoonxumo abid ma faalleeyee
    irdhoobe dadkii lahaa arliganoo
    aduunyadan bay ku faafeenoo
    ilaawi abkeen waxuu ka tegoo
    maxaa iga galay aniga keligay
    miyaa ah soomali bay odhanoo
    inkaar ku dhacdaa oofaha goysee
    aamusnaantaa halka na dhigtaye
    odhaahda dheh , eeba waa magane

    Saaxiib walaahay bilaahay waad asiibtay waxaanan isku dayaya
    inaan qolo u dhiibo oo qaab qaraami ahaan loo qaado ama loo garaaco
    jooqle ayaan u dhiibayaa hadaad iga ogolaato, koox dhan in lagu qaado
    waayo laxamkeeda iyo musikadeedu way diyaarsan tahay heesaha noocan ah, inshalaah waxaan kaa sugayaa jawaab

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s