HAL MUCEEDYADII TIMACADDE:

HAL MUCEEDYADII TIMACADDE:

 Midh la baxa Maansada dawladnimada, Midnimada iyo qabyaalad-diidka.

                                                                          Image(sawirka:  C. S. M. Timacadde)

Haddiiba dib loo milicsado qaab-nololeedkii bulsho ee soomaalida qarniyo yar ka hor, wuxuu si walba uga duwanaa kan maanta ee badi magaaloobay. Beeshii raacatadu waxay lahyd qiimaynteeda iyo qadirinteeda waxyaalaha u gaarka ah. Doorka gabayga iyo gabyaagu ka ciyaari jireenna waxay ahayd mid aad iyo laxaad leh oo ka saamayn badan ta maanta. Abwaanku ma ahayn curiye maanso kaliya, waxse uu ahaa ‘xoghayyaha warfaafinta’ iyo warbaahinta (radio) kaliya ee jirtay. Dhanka kale, Sida uu qabo Hadraawi wax kaluu ahaa “Abkii waanada” tanoo u dhigmaysa awaale-warranka, hilaadinta timaadada, allabba sheegga iyo tilmaamidda. Sida uu isna ku qeexayo Xuseen Cabdi Xalane dhiganahiisa Farguri; “abwaan waa nin lagu qaddariyo xirib-dheerida, xarakaynta hadalka iyo xulashada xalka habboon”. Kolka, waxaynu halkan ka dhiraandhirsan karnaa macne ah, hal-abuur kastaa abwaan maaha, abwaan kastaana hal-abuur maaha.

Kanna, Dunta qofnimo ee laga aslayba waxay ahayd mid si walba uga duwan tan soomaali badan, waa taallo iigu suntan soomaalinimo, midnimo, qaranimo, iyo wadaninimo karkaarro-jabis ah. Waa shaqsiyad buuxinaya doorka gabyaanimo iyo ka abwaannimo, jeerka si dhuux ah loo eego suugaantiisa, noloshiisa iyo taariikhdiisa. Wuxuu ku caanbaxay waaninta iyo waxsheega soomaalida ka diimoon danahooda, dawladnimadooda, midnimadooda, iyo qaranimadooda. Wuxuu ku caanomaalay hal-adaygnimada iyo ku-dhacca uu u lahaa qadiyadahaas uu rumaysanaa, iyo sida aanu habeenna uga gam’in ilaa intuu ka god galay. Wuxuu magaciisu u shaacay sida gabaygiisaba loo wada bartay. Waana abwaan Cabdilaahi Suldaan Maxamed “Timacadde”.

Abbaarahii 2005, aniga oo dugsiga dhexe ku jira, ayaan helooday buug duug ah, oo baalashiisu luufluufmeen wuxuu ahaa (Diiwaanka Maansada Cabdillaahi Suldaan Maxamed “Timacadde”, Boobe Yuusuf Ducaale, Daabacaaddii 1aad, 1983, Stamperia Nazionale, Muqdisho ) waxaanan gallad ugu hayaa qoraagu dadaalka uu dhaxalreebkaas u galay.

In kasta oo garaadka wiil 15 ah, iyo adduun-aragga, ama mabaadi’da maansada Timacadde ay aad u kala gudawaynyahiin, haddana waxay igu yeelatay saamayn ballaaran, teeryo maanta oon gankii hore ka koray, garaadkayguna ka kobcay, oo waxbarasho jamacadeed ku hawlan. Jeerkastaba, waa naq doog leh, oon u iishado xildhibaanimo, kaalinqaadnimo, iyo han shisheeya.

Waa mid ka mida sababta aan u jeclaystay inaan qormadan kooban uga sameeyo suugaantii Timacadde anigoo kaaga cawsguri doona buugaa qiimaha badan ee uu Boobe Yuusuf Ducaale maansada abwaanka ku kaydiyay iyo faalo aan raacraacin doono. Mar waa iga xasuusta abwaan timacadde, marna waa iga xasuusin bulshada wax uu isba u xiiqay sabaanno badan hortii.

Wakhti badan kaaga cuni maayo taariikh nololeedka abwaanka, waxa taa u hagarbaxay qoraaga (Diiwaanka Maansada Cabdillahi Suldaan Maxamed, daabaadii 2aad, 2006, Flamingo Printing Press, Addis-Ababa), Waxaan mooggan ku koobasan maansadiisa la xidhiidha qabyaald-diidka, dawladnimada iyo midnimada. Saddexdaas abbaarood oo baadi-sooc u ahaa maansadii abwaankan, ayaan jeclahay inaan mid walba docduu ka taagnaa ilays ku daarno, si aan sooyaalkeena ugaga irdabaxsanno taloxumo jirta ama imankarta.

Hooyo Xabiiba Seed Guuleed iyo Aabe Suldaan Maxamed ayaa hilaada dayrtii 1920kii wiil ugu dhashay galoolley, ee dagmada Gabilay,  Cabdilaahi ayaa loogu wanqalay, wiilkan oo ka dhashay qoys beerfalto ah, isla halkaas ayuu ku kacaamay, quraankana ku bartay. Wuxuu noloshiisa ku qaatay magaalooyin kala gadgadisan, Adari, Diridhawa, Jabuuti, Hargaysa iyo Gabaliyba waxbuu waayihiisii kaga noolaa, gadaalkiina wuxuu ku godgalay Gabiley, isagoo 53 jira ah, gugii 1973kii, Alle jannadii fardawsa hawgu deeqee.

Waayahii iyo noloshii uu dhex hanaqaaday ina suldaan waxay ahayd mid qabali ah, dawlad may jirine, tolnimada ayaa ahayd gabboodka kaliye ee dhaqan-dhaqaale, hab-siyaasadeed iyo hab-nololeedba. Hubantina, ninna tolkiisa kama janno tagin, laakiinse aragtida iyo maansada Cabdilaahi waxay ahayd mid si dhakhsi ah uga kortay dharabta qabyaaladda, taasibaa had iyo goorba siinaysaa sowraca horaadnimada ay kaga jirto maansadii ay la goorta ahayd.

Guud ahaan gumaysigii dhulka qabsaday, waxay soomaalidu ka dhaxashay hadimooyin badan oon xad lahay, soomaaligii qabka waynaa, laandheera ahaa ee dadka ugu sareeyay ayaa lgu qasbay inuu dabadhoon u noqdo ninkii caddaa, isla markaasna ka amar qaato.  Si la mid ah, gumaysigu wuxuu xannibay isku gooshkii raacatada een xuduudka lahaan jirin, kolbana halka naqqa leh u digo rogan jiray, waxay la kulmeen seerayaal iyo xarriijimo xadaynaya isku gudubkooda. Waxa uga sii darnayd, waxa lagu xakumay gibir (cashuur) inay bixiyaan, isticmaarkana siiyaan, waa dhacdo ugub ka sokow, waxay u arkeen gumaynta soomaalida is bokhray, horayna, waligeedba aan cashuur laga qaadin!.

Dhawrkaas sababood, oo lagu daray soomaalidii dibadda u baxday dagaaladii aduunka iyo waayo aragnimaday la soo noqdeen, waxay dhalisay fikrado ka duwan kuwii qabiilka oo u siqanaaya dawladnimo iyo midnimo. Saamaynta ay arimahaasi dhaleen darteen waxa curtay halganno qaab qabiilkii hore ka yar saamayn badan sida kii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, iyo ururo siyaasi ah oo haykal casri ah leh sida SNL iyo SYL.

Isla inahaas ayay bilaabantay dabaysha xornimo doonka, dowladnimada iyo midnimada ee soomaalidu, dad yar ayay dabayshaasi saaqday. Ina suldaanna waa tusaale ka dhex mudan, waxse lama suureeyaan ah siday dabayshaasi u saaqday, dabadeedna, sanbabadiisa hoyga uga samaysatay una noqotay halbowlaha ay naftiisu ka haldhag tidhaa.

Qabyaalad-diidka:

Halgankii ugu dheeraa, ugu adkaa ee noloshiisa, wuxuu la galay qabyaaladda. Isagoon hanbayn hayn iyo hooy wuxii Alle ku galladay. Sir iyo caadba wuu u dhigay, bal mar uun in ay soomaalidu qabyaaladda ka kufriyaan!  Uma arkayn kaliya astaanta dibudhac iyo kala qaybsanaan, wuxuuse u arkay cudur dilaa ah oo dadkiisa had ay joogaanba halgaadaya.

Ugu badnaan maansadiisa wuxuu kaga hadlay qabyaalad iyo liidnimadeed. Sidaas ayaad uula kulmi hal-ku-dhagyada maansadiisa ee halhayska bulshada u noqday. Ma qof qabyaalad iyo xumaanteed arkay, misana aan weedhahiisa xasuusanbaa jiri karaba, “dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane”

Waa midh-labbaxa ku jira gabaygiisa “Dugsi ma leh qabyaadi”, gabay si aad ah u caanbaxay, dhumucda iyo culayska uu leeyahay ogm. Laba sifood uu jeerkaas abwaanku soomaalida ku ladhay oo kala ah “Dux iyo Iimaan la’aan iyo dalfoof caqli la’ ” ayaa maanta si caadbax ah u daahiray! Ma is tidhi?

Arar dheer ka dib. Abwaanku wuxuu ku taagsanayaa xumaanta qabyaaladda iyo burburkeeda, guusha iyo horumarka ayuu ku faruur-xidhayaa midnimada, dib u dhaca iyo horumarlaa’antana wuxuu ku taxayaa qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta.

Gabayga oo dheer kama wada gaadho, waxaan kaaga soo garoocay tuducyadan hoose:

“…

Waxaaan gabayga deelkiyo laftiyo, doorka uga qaaday

Dadka waxaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye

Soomaaliyeey daya wanaag, idinka doorsoonye,

Docda bari dareeriga baddiyo, seylac darifkeeda

Dusha koonfureed iyo illaa, wabiga daaciisa

Dagmadeena oo idil haddaan, deyay abwaagteeda

Nimaan duubiyaddu naafo noqon, deelka laga waaye

Dulmi iyo dhac waa waxa kharribay, degelladeeniiye.

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dhagahu, uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaabaan lahayn, dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray

Wixii hore u soo daashadeey, dagashanaysaaye.

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

Doqonniimo kugu baahdaybaan, cidi dabiibayne

Duulkii inkaar qaba jinbaa, daasaddow tuma e’

Dab markuu bakhtiyo meelkalaa, dogob ka qiiqaaye

Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye.

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dhagahu, uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaabaan lahayn, dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray

Wixii hore u soo daashadeey, dagashanaysaaye.

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane.

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda

Ooy duul walaalo ah tahooy, duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye

Dubbe madaxa ways kala dhacdaan, daa’in abidkiine

Goortay is wada dooxataa, daad u soo galaye

Ubaxiinii waa daadiseen, waana dubateene

Dulbaaxdiisii waa wada canteen, duhur dharaareede

Dariiq toosan soomaalidaay, waa lagaa dedaye

Darajada ilaahay ninkii doonayaa hela e’

Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diintii ka carrowye

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane.

Haddaynaan xumaantiyo dilkiyo, daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda ilaahe

Danbarkeedu waa jahannabiyo, dogobkii naareede

Dardar laysku laayiyo intaan, weerar daba joogno

Ee dumarku weerkii sitaan, danabbadii waayay

Debec yaa lahaayeey intaanu, isku duulayno

Uu sida dareemada u yaal, maydku dabedeena

Kolla doogsan maysaan intaad dunida joogntaane

…”

Wuxuu soomaalida ku sooyaanshay,  kuna canaantay maalinlanoolaansho, iyo inayna sooyaalkoodii hore waxba ka baran raadadkoodii horana wax kala bixin, sidaana kolwalba ay dawga toosan uga gedmaan, wuxuu aaminsanaa in qabyaaladdu tahay waxyaalaha soomaalida ka tiro yareeyay qoomamka kale, suugaantiisa ayaadan taas ka dhex dhadhansan kartaa.

Hadda hoos u eeg baydadkan, dabadeed isku qiimee aragtidiisa iyo waayaha inagu xeeran.

“dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaane”

Bal haddana ku noqo tuducyo ka mid ah gabaygiisii Taleex:

“…

Tirtirsiinyo soomaali waan, loogu og heline

Tawalleeye beni aadmigii, og darraan jiraye

Talka waxay ku qaateen, israac oo tallaahiya e

Anaa kaa tol roon waa waxaw, tarraqi weydeene

Tacadiga walaalkood kuwaa, tubatubaynaaya

Tusiba waa ilaaheen taggaa, taakadow jira e’

Cadaawaha raggii tiirin laa, waydinkii tiraye

Tafiir yarida waxa noogu wacan, taaha gaajada e

…”.

Iyada oo gobanimo la dirirkii loo gudboonaa, iyada oo dirirti gumaysiga iyo dhicintii xornimada loo dhammaa, ayaa afar gu’ ka dib dawladnimada, 1964kii uraradii siyaasiga ahaa ee waxkhtigaas jiray isku mileen qabyaaladdii iyo maamulkii, waa soomaali iyo caadkeede ninba ninkii u dhawwaa ayuu ka ag dhawwaaday! Tolliimo ayaa laysugu habar wacday, waa gaddiisiye, cabdillahi suldaan dawankii uu awalba ruxruxi jiray ayuu mar kale soo dhuftay, golayaashii xisbigii SDU ee Hargaysa ayuu ka tiriyay gabaygiisa Hadaf la baxay. Kolkaasbuu xisbiyadii dalka ka jiray oo dhan ku sifaynayaa ‘Harqad’ waayo may lahayn hadaf cad oo ka duwan, damac kursi iyo kala qobqobka bulshadii guusha sida wada jirka ah u dhacsatay, bal dhugo qaar ka mida baydadka maansadaas:

“…

Ka habowday soomaalidaay, hillinkii toosnaaye

Hayaay iyo tollaay ragannimaa, kaga habsaanteene

Waa waxa halkaa idin dhigeed, la hinqan waydeene,

Hadday taladu kuu muuqatoo, lagula haaneedin

Hifaatiyo waxay kuu tartaa, waa huq iyo ciile

Anuun baw hanganayee wanaag, uma hilowdaane,

 

Habar habartan ogm bixiyo, hiririgtii yeedhay

Harqaddii gidaarada la sudhay, dumarkii heesaayay

Hadafbaa dhismaha baarlamaan, lagu hubeeyaaye

Hadba shicibku caynkuu rabaa, lagu hoggaanshaaye

Hannaankii wax lagu dooran jiray, wali ma haysaane,

 

Duulkii habaar qaba jin baa, haan kale u lula e’

Nin qabyaalad heensaynayaa, guul ma haybsado e

Halbowlaha suntii idin jartaad, hinif ka siiseene

Bahashii khalqiga heemisaa, loo hadoodilaye

Heerkaa intay taagantee, kala higgoonayso

Anuunbaa u hanganayee wanaag, uma hilowdaan.”

Aan uga gudubno gabaygiisa kale ee Gama’diid oo isla waayadaa ahaa, waa gabay dheer oo hoga-tus, sarbeeb, waano iyo dhiillo galinba isagu jira, laac hodaya ummadda ayuu ka hiraynayaa, waa qabyaaladda e’ iyda ayuu markan iyo mararkalaba dhagaha dadka ka shubayaa, isagoo ka calool xun in awawyaal hore, oo godadka ku jira baaqooda iyo magacooda la isku moora duugo, in dad waayo hore galbaday, dan-wadaagta maanta wada nool lagu kala saafo, sinjiyyo iyo toban saamoodna loogu kala yeelo, sow ma odhan:

“…

Garaad ma lihid soomaalidaay, gebi ahaantaaye

Gadhku nimuu caddaadiyo barbaar, waa gu’ baas jira e’

Ma qabyaaladdii lagu gubtaa, godadka loo doontay

Ma wixii hore u soo gabay ayay, galabta raadcaysay

Kanaa gun ah kanaa gob ah, miyuu gobol ku sheekeeyay

Gondaha ways wada goyn jirtaye, ma isu soo guuxday,

Garba duub haddad uga xidhoo, gaadhna ka ahaato

Gacantii nin lahi goynayaa, waa gommadantaaye

Nin walaalkii geed ugu jiraa, geesi noqon waaye.

…”

Ka rog oo haddan saar! Bal aynu jalleecno midh la bax kale oo qabyaalda ku jeeda, inagoo ka dhex cosob sanayna maansada hodank ah ee Timacadde, waxaa mar horaba igu soo dhacaday gabayga uu ku jiray hal-kudhagan qaaliga ah: “nin qabyaalad beertoow, wanaag kuuma soo baxo e”

Kolkaas baan baabacada dhabanka saaray, oon ku dhaygaygay halka uu baydkaas ka soo jaray, fogaydaa. Wuxuu tiriyay 1969, doorashadii ugu danbaysay ayuu arkay sida xaal u socdo, iyo maandeeq sida ay u majaro habowsantahy! Waxaabay ula saan saan ekaatay waayadii gumaysiga. Gabaygan ayuu timacadde arar uga dhigayaa baydad geeraar ah, waxa la yidhaa Berigii gumaysiga. Waxana halku dhaggiisa  ka mid ah:

“…

Bah heblaayo iyo reer fulaan, waana bi’yeene

Uma baahnin soomaalidaay, og maantana e’

Waa waxa dhulkeenii baddalay, boobka dirireede

Bari iyo galbeed inay xushoo, baahday baa sala e

Hadday barako leedahay, horaw badan lahaydeene’

Bisad iyo shacbiga jiir noqdaa, baylah waw halise

Caqligii is wada biirsadaa, waa ogm kala e

Mar hadduu ra’yigu kaa banjaro, kuuma buuxsama e

Basar baa dhismaha dawladeed, loo binayn jiraye

Boqolaal gu’ oo tagay wixii, idin buguugaayey

Bawdyaha wixii idinka jaray, haw badheedhina e

Nin qabyaalad beertoow, wanaag kuuma soo baxa e

…”.

 

Gabaygiisa Dhaadasho, iyo 1970kii:

“Dhir laalleey ku taal geela malag, waw dhaweyn jiraye

Nin iimaanku dhuunsaday ma oga, dhuxushan hoos taalle

Ifka dhimate aakhirona waa, dhamacadii naareede

Waxay dunidu wada dhaaftay baad, raarta dhigateene

Dhallaankuna ma yeeleen waxaad, dhabaqsanaysaane

Nimaan dhiig lahayn baa waqtigan, dhaadasho u duda e’

Afka dhalasho lagu doonayaa, ha isku kiin dhego e’ “.

Intaas oo halkudheg ayaa laga la soo bixi karaa suugaanta dalacallada fidsan ee abwaanka, lagamana gayoon karo, waa bad aan khoori lahayn, gabaygii aad indhaha la raacdaba waxaad ku dhex arkaysaa tuducyo uu qabyaaladdaa ku weerarayo, kuwa uu dawladnimada kaga hadlayo iyo kawa kale oo uu midnimada ku tusaalaynayo. Isagoo waliba ku talaxtagay rumaysnaanta in qabyaalddu tahay dib u gurasho (dib u socod), aan ku soo gabagabeeyo gabaygiisa Goobyaal midho ka mid ah oo uu dadka ku maagayay, qabyaaladdana ku halgaadayay, gabaygan oo uu Timacadde ka tiriyay doorashadii 1969, kolkii uu arkay bulshadii oo beel walba geed lagu ooday:

“…

Nin qabyaalad geeso u tumaa, guul ma haybsado e

Goof aan biyo lahayn maxaa, idin ku gawriirshay

Geeddigan dib loo raray tashiga, galangalcoobaaya,

Doqonniimo laga guuray baa, gibilka saarteene

Gurdan iyo hadaa Reer Gurxame, kala guraysaane

Hadduun baa waxii lagu goblamay, soo gelbinaysaane

…”

Cabdilaahi Suldaan qabyaaladda uu saas uga xaradhaamiyay ugana gubtay, kolka maanta la barbar dhigo maxaynu ku qiyaasi karnaa?

 

 

Dawladnimada iyo midnimada:

 

 Haddiiba la soo gaadhay 26/jun/1960kii, waxa bashiishatay xummadii gobanimo u dirirka ee dalka oo dhan ka jirtay, galabtii buluugleey ay ka dul babbatay beerta xorriyada ee Hargaysa, Timacadde iyo bulsho wayntii halgankaas u soo xusulduubtayba waa ku dhaatteen libtaas mahadhada ah. Nin walba oo wax is tahlayayna dareenkiisa si ama si kale ayuu u muujiyay.

Waa gartiiye, Cabdilaahi Suldaan wuxuu munaasibadaas ka tiriyay geeraarkii gayiga dhan caanka ka noqday “Kaana Siib Kanna Saar”. In kasta oo la sheegay in gaafkii calanka dadkale wax yidhaahdeen, haddan, malahayga dareenka dhabta ah iyo jacaylka xad dhaafka ah ee lib ku-geeraarka ka keenay, kana muuqda ayaa sabab inagu filan innoogu ah saami galka ay xusuus wadareedka bulshadeena kaga jirto.

Sida la wariyay, maansadanna ka dhex muuqata, farxadda dawladnimada dhalatay daarteed inaanu anfaco xasuusan dhow maalmood. Hadda fiiri erayadan hoose:

“…

Soomaalidoo calan taagtay

Saakay noogu horraysay

In sidayda tahiin iyo

Inkalaanan saxayne,

Saddex ‘wiik’ iyo maalmo

Haddaan soor cuni waayo

Safrad laygama yaaba oo

Sari mayso naftayda e’

Saaxirkii kala guurnaye

Sarreeyoow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego e’

Kaana siib kanna saar.

 

Ka siddeetan sabaan

Calankaanu sugaynayeen,

Sahankiisa ahaynoow,

Seerma waydo hillaacdayoow

Sagal maanta darroorayoow

Siigadii naga maydhayoow

Saq dhaxaanu ahayne

Kii soo saray cadceedoow

Samada kii u ekaayee

Xiddigaa mid la siiyayoow

Saaxirkii kala guurnaye

Sarreeyoow ma nusqaamoow

Aan siduu yahay eego e’

Kaana siib kanna saar

…”

Geeraarkaas iyo kuwa kale oo mahadnaq Eebbe ah, ayuu Timacadde calansaarkii iyo israacii labada gobol ee xoroobay ku galbiyay. Inkasta uu ayaantaas dabadeed sii noolaa 13 sano, haddana, waxuu goor iyo goob walba uu joogay una guntanaa tacabquminta, taabbo galinta, tusaalaynta iyo gurrac ka rawidda wadanka soomaalida.

Hawraarahiisa duugreebta ah ee uu waagaas dawladnimada soomaalida ku sawiray Timacadde, waa mid ilaa hadda laga dhugan karo gafafkii la kawsaday fahanka dhalashadeedii iyo kobaceedii, wuxuu suugaantiisa muca iyo madhka wayn inoogu taariikheeyay Hungowgii dowladnimada, musuqmaasuqii hadhka beelay, siyaasiyiintii dhuuni raaca ahaa, iyo waliba dubusocodnimadii bulshada; kala qobqobkii iyo isku dhafkii qabyaalada iyo siyaasada sida foosha xun iskugu cayn iyo bayd go’ay, ilaa maantana la kala fujin kari la’yahay.

Bil iyo maalmo kolka laga joogo dawladnimadii iyo israacii (Somaliland iyo Somalia), ayaa ra’iisal wasaarahii wakhtigaasi, Cabdirashid Cali Sharmaake booqasho ku tagay goballadii waqooyiga, masuulkii soomaaliyeed ee ugu darajo sarreeyay ee booqda ayuu noqday horraantii, si wayn ayaa loo soo dhaweeyay, Timacadde oo soo dhawaynta qayb ka ahaa wuxuu geeraar dheer ka tiriyay goobta, geeraarka wuxuu isugu jiraa salaam, soodhawayn, xusuusin halgankii dheeraa ee ummada, tibaaxista xaaladdii joogtay, waano iyo duco, waxaanse u dan leeyahay inaan indha jiir ku fiirrinno qaybta ugu danbaysa, waa dacwad uu madaxda hor dhigayo, waa saluug iyo dareen uu ka muujjinayo midnimada maalmaha kaliya jirtay, wax ka mida “dawlad soo gashay mayhine, danteennaa laba diiday”  waxa halkaa ka dhadhamaya in reer waqooyiga loo arkay dad isasoo dhiibay, taasbuu abwaanku ku deeddafaynayaa “danteennaa laba diiday” inaan laba kala ahaanno uunbaanu dandarro u aragnaye, taa macnaheedu ma ahan inaad xuquuqdayada ka tanaasulnay. Halkan, waxa dhugmo leh in maalinaasi aanay ahayn shalay, ama toban sano ka dib midnimadii labada gobol, balse ay ahay bil kaliya ka dib israacii bilaa shuruudda ahaa. Tani waxay tiriig ilays badan ku daaraysaa goorta niyad jabku bilowday, in dareenkuba yimid maalmo ay qoyantahay candhuuftii walaalowga iyo israacu. Tuducyadan hoose ee geeraarka Socdaal bal u dhugmo raarici:

“…

Midina waa dacwaddayda

 

Maalintii dabku qiiqayeen

Isticmaarkii is diidnay

Nimankii danta sheegtayee

Dariiqooda ka leexanee

Dacwaddooda dhammaystayee

Dalkan caawa aan joogno

Dulligii isticmaarkiyo

Dahaadhkiiba ka siibayee

Karal daaqad ka saarayee

Duddaanu ahayn,

 

Dawlad soo gashay mayhine

Danteennaa laba diidaye

Dabuub aanu maqlaynay

Dareen baan ka qabnaayoo

Dugisii baarlamaankiyo

Dekeddii xamar baa leh

Berbera daadku ha qaado

Doonniyi yaanay ku weecan

Duqaydii baarlmaankaay

Labadaa kala daayoo

Yaan loo daymo la’aan”.

Fiktii horaba, Timacadde wuxuu saluugay habkii wax loo dooranayay (doorashadii barlamanka 1964), inkasta oonu shahaadooyin sarsare ku sidan habka dowlo u dhisanto, haddana, wuxuu baydadkan ku xusayaa in aanay wax u socon sidii saxda ahayd, marka hore in ujjeed wax lagu doorto, marka xigta in rabitaanka shacbiga lagu hoggaansho, marka saddexaadna la isla haaneedo talada, haddii kalase jaahil laga yahay hannaanka doorashada. Gabaygii “hadaf”

“…

Hadafbaa dhismaha baarlamaan, lagu hubeeyaaye

Hadba shicibku caynkuu rabaa, lagu hoggaanshaaye

Hannaankii wax lagu dooran jiray, wali ma haysaane,

Hadday taladu kuu muuqatoo, lagula haaneedin

Hifaatiyo waxay kuu tartaa, waa huq iyo ciile

Anuun baw hanganayee wanaag, uma hilowdaane

…”

     Markiiba wuxii uu ka digay ayaa dhacay, waxa layku dhiftay dab iyo dhagax, dawladnimo iyo qabyaad ayaa lays huluuliyay, dabadeedna wax foolxun ayaa dhashay. Waxa dhanqalantay midnimadii, waxa is gurtay yuhuuntii, waxa gabaabsiday wada jirkii, Ina Suldaanna ‘wanaag bukooday’ ayuu ku siffeeyay.

Hilaaddii 1961 ayuu Abwaanku u baqoolay Xamar, markii igu horraysay noloshiisa ayuu indhaha saaray dawladnimadii loo halgamay, sawir maskaxeedkiisii iyo xaqiiqdii jirtay ayaa isu buuxun waayay, labadan gabay ee soo aaddan ayuu midba sawir dhiillo cokkan inoogu naqshadaynayaa, waa ka horee ‘Buul-duqeed’ wuxuu 40sano ka hor burburka maanta ee dawladda soomaalida ku suuraynayaa dawlad la’aan “Ninnaan dowladbaa xamar fadhida haw dabbaal degin” maxaa u bidhbidhay? Waa gu’ kaliya ka dib xornimadii, xilli soomaali badan qiirada wadaninimadu ay madax marsanayd, gaar ahaan kuwaa uu u dardaar warinayo ee reer waqooyiga, kuwii uu Hadraawi sidan ku sifaynayay:

“qaxar wuxuu ka joogaa

Qubanaha danbeeyee

Qarka soo jafaayee

Buuraha qotada dheer

Ka arkaaya qiiqa”(hal la qalay, Hadraawi, 1970)

Wuxuu dareensanaa dhabta Xamar taalla iyo rajada ay dadyawgu qabaan inay kaaf iyo kala dheeri tahay, dhiigga iyo dheecaanka bulshadana ay dhuuqsanayaan kooxo macaan jecel ah, danbarkii Maandeeqna u gacan galay kuwa aan xoraynteedii xaadina u kicin (xukuumadahii musuqmaasuqa), intii surmiga iyo harraadka u martayna laga hoosqaaday. Waa kuwan meerisyo ka mid ah gabaygu:

“…
Afrikadan is wada daafacdee, dababka noolaysay

Dib baa looga joogsaday markay, debinta ruugeene

Laga durug dorraad galab kuwuu, dacasku saarnaaye

Dirqibay xornimadow heshaye, laguma diiqayne

Ninkii aan u doogdhaban biyaha, looma soo daro e

Daayeerna laas waa qottaa, doox hadduu tago e

Dudduntaan halkii lagu ogaa, doorsan weligeede

Daa’imo carruureedna ways, daba gurgurtaane

Dadkan wada dallacay dawladahan, dahabka shiilaaya

Da’deennay ahaayeen kuwaa loo dabbaal dagaye

Doqonniimo soomaali waa, loogu dawgalaye

Hadduunbay u dooyaysantahay, sheeyadii dilaye

Immikaa la doondoonayaa, dir iyo daaroode

Dan soomaaliyeed lama hayee, waa dabbaal kala e

Shacbigii dagaalka u og, daadsan suuqyada e

Danbarkeedii maandeeq nimaan, dooninbaa dhamaye

Distoor iyo qawaaniin ayaan, cidiba doondoonin

Ninnaan dawlad baa Xamar fadhida, haw dabbaaldegine

Dawarsadaha qaawani kuwuu, daasaddaw madhiyay

Ee daasaskeennii wixii, yaallay lagu doortay

Diqsi lama xisaabsanid haddaad, daw ku kulantaane

Dibjirkiyo haddaan lala hadlayn, dumarkan gaajaysan

Goortaan horoo loo loo durkiyo, derajo eegaayay

Hadduunbaa sidii buul-duqeed, daaha loo rogaye

Kol haddaan talyaanigan dhex dagay, cidi ka duubaynin

Iga daaya gabaygu waa iiga darayaaye.”

Kan xigana isla baryahaa ayuu tiriyay, waa gabay kooban oo laba bayd ah, lakiin sawir ballaadhan ka bixinaya wixii laga filayay calanka dhalashadiisa iyo tii lagala kulmay, gabayga ‘Ri dhashay’:

“Ri’ dhashaaba layskaga daraa, rubuca jiilaale

Ma riwaayadbaa calanku sow ruuxna kuma naaxo”.

Ugu danbayntii, aan qormadan ku soo oodo googoos ka mid ah gabaygii Canaan shicib. Qaybta hore, wuxuu isku keen barbar dhigayaa tiro badnaanta shiinaha iyo siday ul qudha u yahiin, iyo tiro yarida soomaalida iyo siday tusbax go’ay u yahiin. Qaybta labaad, wuxuu ku canaanayaa shicibka inay iyagu masuul ka yihiin waxa ku dhacaaya, wuxuu xusayaa in ummadaha xoroobaa aanay u oynin iskuna jiidjiidan wasiir iyo mansab “aadmiga xoroobaa wasiir uma ilmeeyaane”. Qaybta saddexaadna, wuxuu dadka ku baraarujinaya dhagarta uu gumaysiga cusubi maleegayo, dalkii uu ka guurana inuu kaga sii tagayo kuwa isaga u dabadhilif ah, wuxuu si adag ugu tagganyahay jeer oo raggaas hoggaanka laga siffeeyo inaan la helayn himilada soomaali mid ah oo isku laab xaadhan!!!. Waa kan midhadh ka mid ah gabayga dheer ee Canaan shicib:

“…

Anfariirka shiinahan dhigee, yurub ka uugaantay

Ee alif malyuun gaadhayaa, waa ushaa qudha e

Waa kaa alaabada calculus oogadow diraye

Innaga oon ardaa buuxin baad, kala irdhowdeene

Utun iyo olole weerar baa, isugu idlaateene

Anaa adag anaa kaa isira aniga yay gaadha

Asalkayga laylama hadlee haba I soo eegin

Isku-digato iimaan-qallalan, Eebbe Kama yaabto

Isma-dayato kala-aamin baxa, aarsan garan waydo

Intan maad ahaateen haddaad ubaxii daysaane

Irdo nabad ah dhaaxaa la miray, oogta waaberiye

Ayaxaa ka badan reer intii, oodda loo rogaye

Nin agoon dulmiyayoow adaa, uumi kaa kariye

Immikaa la wada maalayaa, ayro booliyahe

Iyadaa is wada naafisoo, aastay noloshiiye

Adhaxday is wada goysay bay, aah ka leedahay

Intikhaabadii dhici jiree, laguba iimoobay

Aadmiga xoroobaa wasiir, uma ilmeeyaane

Goortii og iyo dillaal, rag isku iidaantay

Irsiqiinnii waa taad nadalo, ka oggolaateene

Idinkaw hangool ahe nin xumi, oli ma jeexeene

Anigu waajibkaygii gutoo, layma eersado e

Dad asqeysan lama loodiyoo waa inkaar qaba e,

Isticmaarkuu meeshuu ka tago, arami baa taalle

Ragguu ababshay buu sii dhigtaa, kaalintii adage

Irbaddiisu waayada danbay, eelo kicisaaye

Waa waxa Afrikaba kharribay, ugax dillaacdaaye

Allaa noo sahlaye waa kuwii, uub inoo qodaye

Ilaah kuma xamdiyo ruux hadduu, aysimaad wado e

Hadduu oofa weynahu nimcada, aayar cuni waayo

Iblayskii Xakiim duufsadaa, awlalka u lulaye

Unuunkooda jeeroo shacbigu, ku arko miidaanka

Ideykooda jeeroo sidii, adhiga loo laayo

Aqbali meynno way nool yihiin eegga dabadeede

Arwaaxdiinanaw dhiman haddaad, ka asli weydaane

Imanna meyso Soomaalidaad, ururinaysaane.”

FG: gabayada halkan aan ku soo qaattay intooda badan ma dhamma, gabaykasta wuxuunbaan ka soo garoocday intii aan u dan lahaa, inta badan baydadku iskuma xigaan sida ay buugga ugu qoranyahiin, waxa aan ka tagay Arartii iyo dhextaalladii gabayada idaylkoodba, waxaan adeegsaday astaamaha (“…)/(…)/(…”) si aan u muujiyo gabayada wax ka maqanyahiin xagga hore, dhexda iyo gadaasha.

Gundhaca:

Mid waa yaab, mida waa yaabka yaabkii. Dugsi dhexe iyo mid sare toona inaanan ku baran Timacadde iyo halyay soomaaliyeed oo kale midna, halkii aan ka baranayay gabyaa carbeed iyo kuwa reer galbeed oo bulshooyinkooda u hiiliyay iyagana loo hiilceliyay, waa yaab. Sida xilka leh; xanuunka badan ee Cabdillaahi Suldaan garab laa’aanta uga dhex baxay bulshadii uu ku goblamay waa yaabka yaabkii.

Waxay mar kale ina xasuusinaysaa siday soomaalidu uga abaal kadhacdo nin karameedkeeda, waa tii abwaan Duncarbeed geeridii Muuse Ismaaciil Galaal ka dib soomaalida ku xukumayay goblannimada garashada.

Haddii geel ilmihiisa korsado gobina meecaaddo
Gabadhii ku maahmaahday waa gaari la hubaa e

Kol haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan

Goblin weeye soomaalidaay, garashadiinii”.

(Cali Sugulle ‘Duncarbeed’, 1980, Goblan weeye soomaali,)

Dad badan ayaa ku hammiya mawqifka uu Timacadde darxumada maanta ka odhan lahaa!!! waxse aan  is waydiin ujjeedkeeda horaba waxa maansada iyo waxsheeggu taro innagana inoogu filanyahay, ma maad iyo maaweelaa hadday marlayba  weelmadhan ku dhacayso, asalkeeda waynba ma hawl korodhsi uunbaynu nahay, miyaan sooyaalka iyo wacaashu ardaa dhig u ahayn nolosheena?. Timacadde iyo haldoorkeennii kalaba waa gutteen waajibkoodii, haddayba qaylo waxtarto in ku filan waa ku xabeebteen, waa innaga cidda ganbiday!

Ragna guud ahaantii,

Wada geed lab maahee,

Geeri baa dhammaysee,

Guurtidii xulka ahayd,

Gadh-madoobayaashii,

Iyo guud cirroolii,

Dhirta geedka ruudda ah,

Midhihiisa guran jiray,

Murtideenna gaanka ah,

Gurgurshaa ku rari jiray,

Waxay guulo hooyeen,

Ma iska gole ka fuul baa?

 

Dadyow geeddigeennii,

Beryo lagu galoollaa,

Ma dhammaan ka guur baa?

Ma astaan gabowdaa?

Garka iyo hoggaankiyo,

Ma xadhkaha u goo baa?

 

Aaway gumaradeennii,

Hiddihii gobta ahaa,

Mayska galab carrow baa?

Guurtidii xulka  ahayd,

Golihii aftahammada,

Geyigeenna beri jiray,

 

Waxay goob fadhiisteen,

Waxay gaaf wareejeen,

Waxay meel ku guuleen,

Waxay goosan xulashiya,

Isu soo min guursheen,

Waxay laan galooliyo,

Dhebi gaar ah diireen,

Hadba weedh ma guurto ah,

Waxay gaassa bixiyeen,

Godan iyo har buuxsheen,

Intay geedsan beereen,

Waxay gaasas laylyeen,

Ma gamaad abaaddiyo,

Gacmo madhan ka joogbaa?

Arrinteennu gocashiyo,

Galgal iyo fudaydiyo,

Ma galoof la olol baa?

Ma samaha ka guur baa?

Gabgabteennu xiisiyo,

Ma gabiib istaagbaa,

Galgalkiyo xig xigashadu,

Ma Galbeed-ku-dayashaa,

Iyo gaal isu ekayn?

 

Taladeennu  gubashiyo,

Mayska gees lo’aad baa?

Ma habeen gadood baa?

Dabadeed gar waa’ baa?

Nolosheenna goofkiyo,

God madow ku tuur baa?”

(Kala-guran, Hadraawi, 2011)

Dhamme Maxamuud Axmed

Abdirahman431@hotmail.com

Dhammaad.

Raadraacyo:

 

Diiwaanka Maansada Cabdillahi Suldaan Maxamed, Boobe Yuusuf Ducaale, daabacaaddii 2aad, 2006, Flamingo Printing Press, Addis-Ababa.

Far-Guri, Gundhaca gabayga: Guddoonka, Geela, Gabadha iyo Gulufka, Xuseen Cabdi Xalane.

Xornimadii lixdankii iyo xusuustii timacadde, Muuse Carab Obsiiye, iyo rag kale, duluc door daawasho ah.

Kumuu ahaa Cabdillaahi Suldaan Maxammed “Timacadde”, Cabdifataax O. Cabdi, 3/9/2005, www.redsea-online.com.

Kala-guran, Maxammed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Oct, 19, 2011, www.weedhsan.com.

One thought on “HAL MUCEEDYADII TIMACADDE:

  1. Pingback: HAL MUCEEDYADII TIMACADDE: | DALKAAGA-DHIS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s