SAFAR AAN MAQNAYN!

Sida lafa-gurayaasha sooyaalka Aadanahu isku raacsanyahiin, waayo-aragnimada Ina-Aadan -bilowgii ilaa maanta- waa shinan isku wada mida ama iskuba dhawdhow, mahadhooyinka qormaya maantuna waa isla werenwaryooyin hore oo gaboobay misana leh cinwaano cuscusub iyo dawaado qoyyan. Kala duwaanshiyahuba waa goobaha, gooraha iyo cidda hadba joogta, dhaaxaba aad akhridid aayado Qur’aanka ka mid ah, wuxuunbaad sii rumaysan isku ekaanshiyaha wacaalaha, isa suura ekaantoodana waxaabad malayn in agahaaga lagaaga waxyoon.

Waagii baryaana waayo lehe, waxaan la kulmay sheeko gubtanyo igu beertay oo ku saabsan Gabadh yar soomaaliyeed, 14 jir la kawsatay dhiig iyo reero ba’ay, waxay ka soo firxatay soomaaliya oradna ku timid xero qaxoonto oo ku taal Uganda, Nikifali, ooy ku noolyahiin boqollaale soomaali ahi, gabadhan yar waxay cid walba ku wayday dagaalkaas, waa duni iyo kaligeed; waxayna la kulantay wajiyo badan ooy foolxumadu leedahay, waxay soo martay kufsi, jidhdil, bahdil iyo duni dhiilloon, lurka saaran waax kasta oo jiidhkeeda ku yaal wuxuu salka ku hayyaa xusuuso qadhaadh iyo boogo ma dhaymaan ah oo geediga nolosheeda ka dabqaata, haddiibana su’aal loogula noqon lahaa waxa ay u dhimatay, ma hesheen jawaabta hale eray oo ku qumman.

Meesha iyo Sabankan caalwaa ee taagan ayaa dhimirkayga xusuuso sida kuweeda u qaab daran iila furfuray, qofkasta oo soomaali ahna waxay ku celinaysaa dhaygaygo dareentaabad ah oo soo maray, xusuusaha ilmadii dagaalka sokeeye ee kaa dhimay kugu dhimay, ama dhacdooyinka kale ee cadaabtii ifka wax u eg dhammideen inagu ridaya, waxa aan is waydiin waxa dhagarku nolosheena qayb uga tahay? Ilaa goorme ayaynu ayaynu ku ifaalloon duni sidan u shiddo badan? Ilaa goorma ayaa laga baran ruugagga taariikhda sahankeeda dheer? Diillintee laga gaadhi guuldarrada si loo barto macnaha guusha?. Waxay wali ii damqaysaa sidii ay ii damqi jirtay maalmo aan xerooyin qaxoonti kaga oodnaa duni xaalkeed, waaba shalay; maya, waxay ahay labaataneeyo sano ka hor!, waxay I waydiin sababta labaatan guuro sanadeed wali soomalhaadu ugu dhici qof bani aadan ah, intee ayeynu waayaheena ka taransannay, si ay inooga hagi karaan surinnada cidhiidhyoon ee runnimada timaadada.

Si walba oo dharigu u dhago adkaado,marka ay ku gawdiido dhamacda hoostaali, waa jeerka uu kulku dhariga baro karka, culayska dhibtuna wuxuunbuu kuu dhaweeyaa xalka waayo waa waajib nololeed ay tahay in la maro, guuldarrooyinkaagu hadii aysan ku barin guushaada ogoow guushaadu waxay kuu noqotaa guul darro, haddiiba aanay ku barin maalmahaaga qadhaadhi dhagafaarka dhibka waxaad ka taransataaba waxaan dhaxanta kaa celin.

Si walba ooynu iskugu dayno inaynu uga guurno god aynu qaniinyo kulul ka xanbaarannay, maxaa wacay u jibboodka aleel-cuna kale oo aayo-la’aanteeda aynu haddana ku hanbabarno abbaar ay talo gadmatay. cid waliba oon ku dhiirran oogsashada madal ay habboontahay inuu himiladiisa dhacsado, waxna ka barto gabbalada dhacaya, waligii iyo waaqiiba wuxuu ku dherernaan uun dhawrista safar aan maqnayn.

Ta qof ee gaar ahaaneed; xusuustayda labaatan jirsatay iyo dhacdada gabadhan yar isku xidhkoodu wuxuu I tusayaa asqowga guul-oomman oo dheeraaday, hilowga maalinkasta oo tagta, haaraanka maalin kasta oo timaada iyo waliba ka sii gubashada timaadada maqan. Taas oo ka xuubsiibanaysa salawga iyo cago-gubyoodka qofkasta ood la kulanto, dhacdo kasta ood aragto sida nolol dhan oo dayrin ku dayran, iyadoo looga markhaati furaayo dhacdaba teedii ka horraysay.

Bulshooyinka qaan gaadhka ah waxay ku taamilo qaataan aafooyinka qayrkood si la mid ah kuwooda, gilgilad kasta oo bulsho ku dhexdhacaana waa dhawaaqtoosiye baraarujiya wacyiga dad sardho kaga jiray halganka dharaaraha ifka, dhaawac kasta oo ku yimaad xusuus-wadareedka sooyaalka bulshadaasina wuxuu markale u ogolaadaa in isla gafaf hore baalashooda ugu qormaan marar badan oo danbe.

Malahayga waa sababta aynu maalin la arkaba u taagannahy “shalay dhaantay” ama sidii ninkii jiray ee neefka wayda ah soshay, dabadeedna inta uu saluugay ku cataabay “Allow saantii yaygaga cesha!”. Kolka naxdimo jirayba la furdaansho, iyada oon gogosheedii la laabin haddana dhabbadeedii mid ka dhaygag badani soo qaado waxaad ogsoonaan in xusuus wadareedka bulsho wax waydi ka qaldanyahiin.

Xaal aan hal kugu seeganayn misana aabad ka ahayd goobjooge, kolka aad saqaafkiisa ku celiso dacartii shalay lagu huriyay si maanta loogu daaweeyo!, wuxuu dannigaagu burinayaa is-ahaantaada, garashadaadana wuxuu ka dhigayaa gawl aan sal iyo raad midna lahayn, waxaad uga aroortaana waa boolli aan sii ganac ridnayn.

Ma arko sabab loo sugo safar maqan, waayo waa bulshada cidda gudaysa qiimiga dhibta iyo dhacca, waa iyada cidda ay intaasiba ku dhacayso, qofwalbana waxa ku qasban inuu xalka qayb ka noqdo, waayo haddii aanad xalka qayb ka ahayn, dhibkuba waa adiga. Jidka aan durduradiisa haynaa kolka uu nabad, caano iyo samaanba dubur hawd ka xulo, meelo ta danbaysaaba ay ka sii gudcuro badantahay uun ta kale; dabadeed waxa habboon dib u noqosho si aad mar kale u gurto raadkaagii dabadeedna u ogaatid meesha aad ka anbatay.

Abaabul fikir bulsho horleh oo ku salaysan qiyam iyo xeerar ka unkamaya yaqiinta qofeed iyo ta wadareed, iyo waayo-aragnimada dadaalka dheer ee taxanaha nolosha duruustii laga bartay, labadaas oo la isku gorariyay dabadeedna lagu shiilay maan caafimaad qaba kaasoo waayo aragnimada dadka kale waafajiya teenna, ee aan teenna waafajin waayo aragnimada dadka kale, waxay dawo u noqon kartaa u maara helidda iska daba galka indhaha la’a ee afkaarta doolka ah.

Xasuustayda qofeed iyo waayo aragnimada gabadhaas yar waxay kaliya mira dhali karaan kolka lagu dul bineeyo boqolaalaha kale ee tajribooyinkaas ka gungaadhay, walise waxa cad in damac siniin raac ahi inna wado. Laakiin, waxa hubaal ah in midhka uu Hadraawiba qabo; in jeer uun, goor uun, maalin uun, ay si uun tirsiga meel uga soo gali, iyada oo weel ka buuxsatay falcelinta mugga leh ee falaadkeedii hore iyo awaalaha jira markaas. Waxa se aanan hubin inta ay taasi qaadan karto!.

Dhamme Maxamuud Axmed
Abdirahman431@hotmail.com.

FG: Qormadan waxay markii ugu horraysay ku soo baxay biiraalaha Weedhsan ee muddaalaha ah,’Weedhsan Magazine’. tirsigiisii 3aad, June, 2012. http://www.weedhsan.com.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s