GAR-WARAABE (gabay)

Markii ugu horaysay een warkan maqlo oo Ramadantii ahayd, waxa aad ii xiisa galiyay warka sheegaya in qayb ka mid ah dhulka soomaalida –Kismaanyo-  lagu afuro saanbuuse hilib waraabe duqad looga dhigay, Waxay igu noqotay dhacdo ugub ah, si walba xaal ha u jiree, waxa bilaabantay fadhi ku dirirnimadii dadku caadada u lahaa, qolo cid gaar ah ku ceebaysa, qolo dacaayado shaqsi ku faafiya iyo qolo kale oo doodahoodii ku sii xoojista iyo dhaleecaynta wadarta (group judgments). Aniga waxay tusaale buuxa iigu noqotay heerka dhalangaddiska ee qiyamta iyo si-araga shaqsiga soomaaliga ah iyo jihada uu u socdo, kaasoo tobaneeyayalkii sano ee soo gudbay xardhayay qaab nololeedkii bulshe iyo qiyamteedii (social values & social beliefs), taasise ma ahan mawduuc aan hadda ku jirno faaladiisa.

Qadiyada waraaba cunista iyo xukunkeeda diiniga ah –xaaraan iyo xalaalnimadiisu- waa mid aan uga hadhayo xeeldheerayaasha cilmiga fahanka diinta iyo xeerarkeeda fiqhiga.  Waxase waysiinta wayni tahay, sababaha dhaliyay ku dhiirashadaas, jeer soomaalida iyo u baahashada hilabka waraabaha ay uga sokayso meesiyo badan oo xoolo ah, iyo xeebo kalluun badan. –in kastoo xaaladaha gaar ahi jiraan-. Wax walba oo simay hilibka geela iyo ka horarkii laga ilaashan jiray ee waraabahu marna xaalad caadi ah ma ahan. Wakhti ay jirtay in ninka geella lahi uu yasi jiray ka dhaqda lo’da, adhiga, kaluumaysiga, dhul faladka, ama dabashada duurjoogta, xilli uu geeljir hanwayni ku heesi jiray:-

“Anoo soof iyo
soobir maalaan
seexan waayee
sac nin haystiyo
sakaaraystiyo
sabool adhi lihi
sabaankii dheer
saa u noolyahay!!”

Si walba ha jirtee gabaygan waa noocadda loo yaqaan ‘gabay dheegga’, Gabay dheegashu waa raacidda siiqad gabay oo qof hore lahaa iyo u ekaysiintiisa, gaar ahaan habdhaca meerisyada, iyo shubaaliska luuqda. Inta badan gabayada caanka ah ayaa la gabay dheegaataa, dhammaantii ama qayb ka mid ah. Iyadoo xusuusta qofka lagu dhawaanayo, waxa loo isticmaalaa madadaalo ahaan iyo  ujeed  labadaba.
sheekada waraabaha ayaa I xasuusisay gabay caan ahaa oo darwiishkii shaacirka ahaa ee Ismaaciil Mire Cilmi (IHUN) kula hadlayay Guuguule xilli ay dhacday abaar oodo lullul ahi, Wuxuu uga awaalo warramayaa xaaladii naflaha dhammaantii ku sugnaa wakhtigaa, xog iyo waanaba wuu siinayaa, laakiin isba wuu ogsoonaa Guuguuluhu inaanu gabaygiisa  dhag ku shubanayn, wuuse kula eray baxayaa, waxaanu u taariikhaynayaa una wacaalo tabinayaa dadkii joogay iyo inagaba.

Isagoo adeegsanaya mid ka mid ah farshaxnimada afsoomaaliga ee Af maldaheedyada, gaar ahaan ‘Qofaynta’ wuxuu odhanayaa:-

“Guuguulayahow haddaad guga u ooyeyso, 
Oo aad moodday keligaa inuu gubayo jiilaalku, 
Oo aad gamoorahakan madhan gama’ la’aan diiday,

Ayna gocosho awgeed ilmadu kaaga gobo’laysay, 
Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaadhsiiyo, 
Gartaa maaha keligaa inaad gaar u cabataaye,

 Giddigood addoomaha waxaa gaadhay nabar weyne,
Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale e,
Geelii adduunka u adkaa gobollo waydowye,”

wuu sii wadayaa gabayga, isagoo dad, xoolo, iyo duurjoogba xaaladaha ay ku suganyahiin wax ka tilmaamaya, gabagabada gabaygana waxuu ku soo naqtiimayaa sidan.

“Geedaha sun baa loogu daray geerinaw badaye
Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsadaye
Adigaaba lagu gaadayaa waadan garanayne

 Guuxiyo cabaadkiyo haddaad gooha damin waydo
Quruumahakan wada geyfan baa baalka kaa guriye
Gaagaabso oo joog ayaan gaadh  lagaa qabane”.

Gabaygan soo socda oon u baxshay ‘Gar Waraabe’ waxay  si isku ujeed  u yahiin kaa abwaankii waynaa ee Ismacil Mire (IHUN)  mariyay qarni ka hor, dhaaxa uu wakhtiga iyo waayahuba kala gadisanyahay, waxaan kula hadlayaa waraabaha ka digo roganaya bahalka ee noqonaya xoolaha la dhaqdo.  Inkasta oonan waxsoosaar badan oo maanso wili ku dhiirran, maansada aan dheegtay iyo taydana aan la isku dhererin Karin, haddana hal-abuuridda gabaygani waxay salka ku haysaa jacayl aan u hayo suugaanta guud ahaanteed, Ismaaciil Mire na (IHUN)  waa mid ka mid ah abwaanada jacaylkaas iigu abuuray, foolaadnimadiisa xagga tirinta maansada iyo hurmoodnimadiisa farshaxannimo ee uu dhaxalka nooga tagay, iyo dhamman afmaalka soomaalida.

wuxuu odhanayaa Gar-Waraabe:-

Waraabaha ciyaayoow haddaad dhiilo warinayso
Oo aad wadeecada adduun waaxidkaa filatay
Oo aad hunguri waalli qaba waarid kaga roortay.

Ayna wayrax awgeed habeen wiida ladi wayday
Waayeel gaboobaan ahaye gaar aan kuu waramo
Wanaag maaha adiguun inaan wiirsi cabataaye.

Wacdaraa qabsaday uumiyii wadar ahaantiiye
Wax-xillaa dhammaan lagu huriyo wad iyo laayaane
Waddankii milgaha wayn lahaa waa la iibsadaye.

Walaalnimadii loo wada sinnaa waayirkaw go’ane
Wilaayooyinabay kala noqdeen habar wadaagtiiye
Labadii xil weecshaba midbaa weerka loo dhigaye.

Duurjoog wuxii fara lahaa waaqla’ aan noqaye
Wadar wadartii kala foofi jiray waa wasto la’aane
Waxyeeladii ninkii gamay badaa carradii waydaarshay.

Geelaan wax lagu doorsan jirin waab ma soo galo’e
Waris caano kama soo listaan wiilashii jiray e
Dawliskii walwaal kuma ridaan si ay waraashaane.

Geedihii jirrida wayn lahaa waa la gaamuraye
Doonyaaba lagu waarida damalkii waabnaaye
Kaymihii waxays kugu baxeen wahel la’aantaase.

Waqal kuma dul furo jiidahii kaymahu wadhnaaye
Harraadbaaba laga soo warshaa jiinka wabigiiye
Gaawihii la waydhaafin jiray weel ma dhaamiyo e.

Wasakhbaaba lagu hoos qubaa wacan baddeediiye 
Waabay la qooshaa intaa laga waraabshaaye
Wax kunoolaheedii dhammaan wuu ka caariyay e.

Waayeel intii talo lahayd waa la duudsiyaya e
Arin lagama waydiin islaam waagii dabadeede
Wax ma tare ayaa lagu goblamay, waxari dhaantaaye.

Waracnimo la xoor ruux hadduu waysadii qabo e
Waanadii dhagaha laga furee waliyo sheegeene
Nin warxumo tashiiliyo danlaa wiishka maamula e.

Wiswisbuu ibliis kala dhex dhigay talo wadaagtoode
Naxlibaa wadna loogu riday wada jirkoodiiye
Mid markuu wakiyabuu kan kale wiiqmayaa adhaxe.

Wilwilada iyo dhaantada go’lihii wishiran jiray tuurye
Wadiiqadii siraadbuu tahriib waydnimo u hadhaye
Hilbahiisii oo wadhan tukaa weel ka buuxsadaye.

Cawradaan wareeg shishe aqoon looga wace boone
Waalidkii dhaliyo laga cad goo warasadeediiye
Dirqi wecel suryeeyay u taal, waayahaa gabye.

Wajigoodu gubay duul hadduu Waaxid caasiyo e
Waxyigoo la koodaa ducfuu kula walaalayne
Waa kan i wadaagee kufrigu waaxba goor cunaye.

Waaryaa dhurwaa cali lug yare waad is moogtahaye
Dhaaxaad wankii daylo iyo waxaro qaadeene 
Dhaaxaad nin wayn hilbihii kaaga go’ay walaqsanayseene
Dadku ceebaahaad wada lahayd kuuma wariyaane
Weerbaaba diyo loo xukumay waaqii nabi nuuxe 
Adna waaban kuu yaabayaa waaga soo maqane
Waranliyo wadaadkuba aduu weerar kuu yahaye
Wacadbaaba laysugu mariyo dhaar wallaahiya e
Sida waasac in lagu maashabaan wiigan kuu baqiye
Waalalawga badan dhaaf ayaan nacab ku weetayne.

Wax kastoo la soo maray horuu wawga ugu yiille
Ana kama dardaarwarin Ilaah wadiiqadiisaaye
Wadhi karilay isagaa bixiya doorkay weecato e
Iyadoo is wada waadacduu wabax taraarshaaye
Wacadkuu maraan kaga gam’aa Waynaheen magane.

W/Q:  Dhamme Maxamuud Axmed
Abdirahman431@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s