MA NOOLE AAN DHIMAN! (sheeko gaaban)

“Marba xaaladdaad ku jirto meel ka door roon haddaad doonto, oo u dedaasho, waad nooshahay. Waad qurux badan tahay. ‘Wax dhintey ma qurxoona” -Jamac muuse jaamac

Saacadahan oo kale waa farxaan, qofkii la kulmaaba wuxuu la dhacayaa bashaashnimadiisa iyo marxabbadiisa xad dhaafka ah, qosol, salaan, iyo bulshaawinimo aan caadi dhaqankiisa ka ahayn ayaa ku soo biira, dadka xaaladdan aan ka warqabini waxay ugu duceeyaan inuu Eebbe dabeecad wanaaga u siyaadiyo. waa xilli duhura, dhalada ayay ka haysaa cadeed aan fallaadho kulul lahayni, timaha badan iyo dhakada basaastay ee saalaxyadu galeen, dhabana godmay, margiyadiisa sida jillaabta u soo laabmay iyo  bacda madow uu gacanta ku wadhfinayaa waxay daliil u yahiin inuu nin ­­balwadeed yahay, isagana waxay ugu dhantahay laamaha qaadka ah markuu gacanta ku dhigo, markaas ayuu naf aanu lahayni gashaa, sida faraska ayuu u durduriyaa. wadadii waynayd uu sida sarkaalka u socday ayuu bidix u qabsaday, luuq yar oo xashiish badan ayuu la laabay, gidaarada wasakhda madaw saarantahay iyo waddada googo’an ee bulaacadahu ku furanyahiin waxa kaga wayn  qaadka bacda madaw ku jirt iyo qorshihii uu maanta wakhtiga isku dhaafin lahaa, saacadahan wax walba way la qurux badan yahiin, intuu isla baxsanaaba wuxuu soo gaadhay maqaaxiduu u socday, haraaq afaafka sudhan intuu dhan iska qabtay ayuu foorarsi  ku haluushay cooshad madaw oo u eg buul habar basari ahi bari ay noolayd dhistay!. Wuxuu ku yar hakaday afaafkii si uu madawga indhahiisu ula qabsadaan, markii uu wax arkayna salaan ayuu ku boobay rag meeshu maalin walba kulmiso.
“waar maxaa la sheegay?
warcelin aan dhiilo wadan markuu ninba wax ka helay ayuu goobtiisii u holladay inuu jilibka dhigo, saaxiibkii ayaa durb su’aal ku boobaya.
“waaryaa Cali Raamoole: ayaanta xagee ku daahaday sxb? Ma qaadkiibaa kaa go’ay, sidiisiibaan is lahaa 12:00am kaba waad ugu tagi doontaaye, iska fadhiiso wali caadi noomuu gaadhine”
isagoon waydiintii ka jawaabin ayay  kaaha Qableeya oo maqaaxida shidaysay dacwad dhankan kaga furtay,
“waaryaahee maxaad damacday maad lacagtaydii dorraad I siisid? Walaahibaanad maanta shaahayga kabateen, ma bilaashbaan cadceeda ugu dhintaa mise ajarbaa la iigu kaa qorayaa…”
iyadoo kolba dhan u xammaaranaysa intuu kor u eego ayuu hadal taagtaagan ku  celinayaa
“waa islaanta, ee naga duldhaqaaq hadaad kii ku abuurtay taqaan, maxaad la dhawdhawlaysaa markaan meesha madaxa soo galiyo, ma awalbaanu lacag kaa dhici jirtay, orodoo falaas shaaha iyo biyahii noo keen!…”
mushkiladuba qaandhabaaday ka bilaabantaa, qaan iyo qaad ayaa isku daran… markuu hadalkii joogsan waayay, ayay maqaaxidii yarayd buuq isla oogsatay, saaxiibkii ooy kaftan ku dirir yihiin oo fursad uu Raamoole kaga dhibco qaato maanta helay ayaa soo kala dhex galay
“eeyaa Qableeya, kani waa laangaab xume anaa maanta kharaskiisa ka damiinee waxba ha waydiinin,   oo mirqaanka ha nagaga ciyaarine naga dhaaf, aanu kaa qayilnee”.
mid kalaa isna sheekadii u soo gabgabeeyay.
“abti hadaba caadi iska dhiga oo mirqaamaka u yeedha, maanta waa sidee sheeko xumaad nagu bilowdeene.

Saacadahan oo kale waa nabi siraata, soohdimaha waalida iyo kuwa miyir qabka ayaa iskaga ekaada, wuxuu noqdaa dood yaqaan aan kaftan reer magaal lagaga lib qaadin, qodabkasta oo la soo qaadana wuxuu ka yaqaan cidbi kama taqaan. Fadhi ku dirinamadu waa shaqada uu ugu khibrada badanyahay, kala badh noloshiisa ayuu hawshan hayay, intaaba su’aalo aan la waydiin ayuu ka jawaabayay, maaraynta mushkilado aan waxba ka galin ayuu ku dhammaaday. Sxbkii Bulbul ayaa intuu dhankiisii u soo jiqilsaday ku yidhi:
Bulbul: “wax la yidhi siyaasigiinii waynaa ayaa dalkii ka dagay oo odayaashiinii la kulmaya, ma dawlad goboleed ayuu samaynayaa?
muu odhan anaka oo ayo ah? Waayo wuu yaqaan cidda laga hadlayo, waa luuqaduu isba ku hadlo.
Raamoole: “oo halkeed ka warkaa ka soo akhriday?
Bulbul: “dee wabsitekiinii xumaa ayaa saaka qorayay?
Raamoole: “haayoo qurbo joogtayadii ayaa lacag baryahaaba soo dirayay oo dawlada aan dhisanayo ayaaban wasiir la iiga qalqaalinyaa”
Bulbul: “oo adeer dowladnimada reer laangaabana miyay gaydaa?
Raamoole: “ adeer idinkuba sowdinka dawlada samaystay? Yaa idinka laangaabsan, saasaad waliba rabtaan inaad gobtaydii vise ka qaadataan…”

Iyaga oo dood jaantaar rogan ah qolaba dhan ka soo eryayso ayay sawaxan, mashxarad iyo buuq aanay hore u maqli jirin dareemeen,  hadda uunbuu shaacu wada madoobaaday oo wali waa fiid. sawaxanku waxuu ka soo baxayaa guri ka sii jeeda marfashka ay ku qayilayaan, labadan hoy waxa u kula dhexeeya inta geerida iyo nolosha u dhaxaysa. Waa guri nolol ka jirto iyo meel geeridu ka bilaabanto. Waa laba adduun oo isku meel ku wada yaal laakiin mid markuu iftiinku u soo baxdo kan kale uu ka damo.

iyada oo sheekadoodii socota ayay hoos waxan ku soo kordhay isku wada waydiiyeen, xertii mirqaamaysay mid ka mida ayaa waydiiyay.
“waar waa maxay waxan oo qaylo ahi, ma caruurtii yaryar ee jirrida ahayd ayaa is laynaya, yakhii marqaankii ayay nooga cayaareen?
“maya ee aroos ayaa cawada xaafada ka jira” ayuu Bulbul ugu jawaabay.
saaxiibkii cali Raamoole oo la socday jawaabta, ayaa saaxiibkii waydiiyay
“aroosku waa ayyo?
“ma xasuusataa gabadhan jaarkeena ee Xalwo, curadedii ayaa caawa gurigooda lagu aroosayaa”
“Xallwo dee?  taasi teebay ahayd? Ayuu Bulbul hadana ku celiyay.
xusuustiisu way garanaysaa heblaayada uu Bulbul u jeedo, kaskiisa ayaase is diidsiinaya qofka laga hadlayo inanteeda! Mar kale ayuu su’aal kula laabanayaa Saaxiibkii
Raamoole: “waar heblaayadu teebay ahayd aynu awal jaarka ahay?
Bulbul: “waar caawa shaw waad mirqaantay, Xalwo Barre inanteedii weeye tan la aroosayaa”
­wuxuu is diidsiinayaa aqbalaaddeeda, laakiin xaqiiqada ayaa ka xoog badan, hadal danbe sxbkii uma celinayo, sheekadii iyo doodii uu markii hore u dhag raaricinayayna wuxuu kaga baxay naf-la-hadal dheer oo aamusnaan ah. Sidii nin suuxdimo galay ayuu isla baxay! Maankiisu wuxuu siinayaa sawiro aanu jeclaysanayn oo cajaladda noloshiisa duubta dib ugu celinaya, dhacdooyin,  maalmo  iyo sanaddo gudbay ayaa sida hillaaca u soo hormaraya, waxa isasoo daba galaya xusuuso xidhiidha oo dareenkiisa hoose holac ku shidaya.

wuxuu maskaxdiisa ka soo dhexhelayaa sawir qurux badan oo gabadh caruusad taashkii caddaa ku labisani ka dhex dhoolo cadaynayso, suuraddu sideeda ayay ahaataa si walba oo dadka ku jraa isku baddalaan. Wali waxa u muuqata wajigeedii labeenta lahaa, ilkaheedii cadcaddaa iyo indhaheedii cawsha u ekaa, sawirkan xusuusta maskaxiisa ayaa qaadday habbeenkaa quruxda badnaa, isaguba wuu qurux badnaa, intan ka xooganaa, timo wada madow iyo food sujuudda u joogta ayuu lahaa, wuxuu ku dhoollo cadaynayaa gabadhan quruxda badan ee la galbinayo, isagoo wali xusuustiisii dhexmushaaxayaa ayuu sidii habeenkaas oo kale iskaga dhoolo caddaynayaa markale,  marka ay dabnihiisu kala durkaanba wuu sii foolxumaanayaa, waxa muuqanaya ilko wada caasaaday, cirrid googo’ay, iyo daaman hoos u wada godmay!
“waar waa ku sidee, waar qaadka ha nagu tufinbal, maxaad afka la kala haysaa?
wuxuu ku baraarugayaa dhawaaqa saaxiibkii Bulbul, intuu hareeraha iska eego ayuu afkiisa qashuushka dadka kala gabbanayaa. Awalba markuu qoslayo afka ayuu gacanta kula ordaa, si aan looga yaacin foolxumadiisa.
“waar ma xusuusbaad ku maqnayd? Miyaadan dhagaysanayn ninkan mujaahidkiinnii wax ka sheegaya…?
ayuu Bulbul su’aalayaa, isaga oon jawaabin ayay maskaxdiisu boqolaal su’aalood ku soo furaysaa, naftiisa ayaa hoos ula hadlaysa, waayihiisa ayay hoos uga kala war qaadanayaan, giraanta xusuus nololeedkiisa ayuu markale dib u daarayaaa, waxay kaga go’aysaa meel dhexe.

Waxa hareer tuban arday wada faraxsan sidiisa oo kale, Wuxuu labbisanyahay dharkii qalin jabinta,  waa maalinkii uu dhammaystay waxbarashiisii sare ee kulliyada farsamooyinka Gacanta, waxa dhagahiisa ku soo dhacaya  hadalka masuul ka tirsan dugsigooda, erayadiisii ayaa wali maskaxdiisa si cad ugu sii dhaggan:
“…waxaad tahiin ubaxii wadankan, aadna waa u  nasiib badantihiin, deeqdan waxbarasho eed dhammayseen maanta waxa idiin fidiyay waddanka, tacabka xoolahii ummada ayaad tahiin ee ha khasaarinina, nafahiina kaliya inaad wax u tartaan wax la idiinma barin, waxa la idiin baray dadka iyo dalka inaan tamartiina iyo waxtarkiina galisaan…” khudbadii dheerayd ee masuulka ayuu ku nagaaday xusuusteeda, maalinkaas dhiirri iyo dardargalin ayay u ahayd, maantase waa u niyad jabin iyo bahdil, markale ayay noloshiisu hadana sida darmada isku soo duubduubtay, wuxuu ka dhextoosay duni ba’day oo isku cayn iyo bayd go’day, dagaaladii sokeeye ee soomaaliya ayay cajaladu kaga go’day, sidii qof walba naftiisa ula baxsaday ayuu isna kalidii firdhad ku soo galay Kenya, xero qoxooti ayuu iska diiwaan galiyay, sharci nabadgaloyo doon ah ayuu illaa maalinkaas wadanka ku joogaa.

Caruusadii quruxda badnayd ayaa xusuustiisii markale kusoo laabatay, goobtuu ku bartay ayuu maanka ka suureeyay, waa halkii ay markii ugu horraysay ku kulmeen, way qoslaysay, dhoollo caddaynaysay ooy faraxsanayd, saxiibkii oo garabtaagan ayaa magaceeda oo saddexan u sheegay, waa marwo cusub, way inala soo jaartay ayuu ku yidhi, isna nolosha u bilaabmaysa ayuu ka fakaray, gabadh sidaas u qurux badan in ay afadiisa noqoto ayuu haddan ku hammiyay, labadooduba waxay hortaaganyahiin maqaaxi yar oo jaad, Caleen garaabo ayaa sida qashinka hortuulan, islaan buuran ayaa horfadhida oo shaah iyo miiroo ku gadaysa. Waa markii ugu horaysay ee uu goobtan yimaaddo, saaxiibkii ayaa meeshan ku soo casuumay inay bal maanta uun wada fadhiistaan.

Marka ay caruusadii cusbayd ku libidhay aqalkeedii cusbaa ayay labaduba gudaha maqaaxida u galeen oo ay iyaguna goob cusub oo kale ku libdheen. Gabadhii nolosha cusub kaga sii qarsoomaysay ayuu caawa dib  magaceedii u soo xasuustay, maya dib ayaa loo soo xasuusiyay.  Xalwo Barre Xaashi ayuu si hakad la’aan ah madaxiisu u soo tuuray. Waxbaa la hadlay,  haatuf aanu arkin ayaa wax u sheegay, “gabadha caawa nolosha cusub galaysaa waa curadii Xalwo Barre!
“Oo maanta waa imisa jir fanto dishaydu? Haatufkii ayuu su’aal u celiyay,
“hubaal waa gashaanti labaatan jira?“  jaawab ahaan ayuu u helay.
haa, waa labaatan sano jir maanta gabadhaasi, adiguna qolkan iyo caleentan ayaad isku labaatan jirsateen!!!
“ma labaatan sano?” intuu kor u dhawaaqay ayuu su’aashaas marfashkii kala dhex kacay isaga oo soo aakhiro toosay,
haa iyo maya cidna uguma jawaabin, cidba haa iyo mayadiisa dan kama galin, waayo Saacadanba wuxuu ku biiray dadka aan cidiba u jawaabin, xiskiisii ayuu ku dheelay. Isaga oo dadku ku sheegayaan inuu waashay ayuu  darbiyada wasakhda badan dhexdooda ku dibjiray,  Ayyaha iyo bisadaha ayuu wali waydiinayaa su’aashii uu dadka kala quustay, Jawaabtuna wali waa sideedii uun.

Noolaha ifku wuxuu horay uuga marag-kacay in dadku laba koox yahay; kuwa dhintay iyaga oo nool, iyo kuwa nool iyaga oo dhintay. Isaguna waxa uu ka markhaati-kacay in koox saddexaad jirto; kuwa aan noolayn, iyaga oon dhiman.

Dhammaad.

Dhamme Maxamuud Axmed
Abdirahman431@hotmail.com

FG: Qormadan waxay markii ugu horraysay ku soo baxay biiraalaha Weedhsan ee muddaalaha ah,’Weedhsan Magazine’. tirsigiisii 5aad, July, 2012. http://www.weedhsan.com.

4 thoughts on “MA NOOLE AAN DHIMAN! (sheeko gaaban)

  1. Pingback: MA NOOLE AAN DHIMAN! (Sheeko gaaban) | Kadib waxii dhacay, kadib waxii dhumay, isbadaldoon waa lama huraan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s