UBIXII REJADA

[Sheeko Gaaban oo male-awaal Ah, salkna ku haysa dhacdo nololeed oo xaqiiq ah]

Magacaygu waa Ubax. Da’daydu waxay madaxa la gelaysaa 15 gu’. Ma lihi magac labaad, saddexaad ama abtirsiimo isir midna. Ma lihi qabiil, qolo iyo qaran toonna. Diin iyo ma aqaanno waxba. Waa ani iyo duni iyo keli! Maan doorannin laakiin waxaan is arkay uun anigoo nolosha ifka dhex jooga, manay ahay goob iyo goor layga soo dhoweeyay.

Markii aan uurka hooyaday gelayay, aabbahay kamuu raalli ahayn. Sidaas darteed, wuu iga dhaartay markii uu maqlay warkii bushaaradayda, waxaanu wacad ku maray in haddii ay hooyaday sheegato uu na wada dili doono. Inkasta oo aan guriga ayeyday ku dhashay, malaha kama aan qiime badnayn dheg ubax ah oo ku dul curatay xayaabkii wejhadda gurigaas ku yaallay. Malaa waa sababta magaca Ubax la iigu bixiyay.

Anigoo mujo ah ayay hooyaday naaska iga goysay. Markii ay u adkaysan weyday dhegxumadii, xantii iyo caydii dadka ayay arag iyo urba igala fogaatay. Waxa aan mar dambe ogaaday inay firxadkeeda ugu war dambaysay magaalo-xeebeed ay doon ka raacday. Maalintaas kaddib waxa dhulka iga qaadday ayeyday. Waxay ahayd qofkii labaad ee keli ahaa noloshayda ee indho naxariis igu soo eegay. Ta hore waxay ahayd hooyaday, laakiin hooyaday noloshayda iyo teedaba waxay uga firxatay kolkii ay xammili weyday gudashada culayska waajibkeeda nololeed.

Ayeyday inkasta oo ay hooyaday indho cadow ku fiirisay, haddana aniga mar walba waxay i dareensiin jirtay inaan ahay dembiile garawshiiyo u baahan. Mararka qaarkood ayay habaryartay ku qasbi jirtay inay i naasnuujiso. Illeen wanaag kuuma waaree, ayeydayna aniga oo raad-dhaqaajis ah ayay iyada oo aad u cimri badatay geeriyootay. Waxa i kafaaloqaadday habaryartay keli ahayd. Nolosha wax rixin ii lahaa ayay qudhi ahayd. Inkasta oo aanay badnayn, mararka qaar ayay ficil iigu muujin jirtay waxa qalbigeeda iiga buuxa. Waxaan ula muuqan jiray waslad ku dheeraad ah dunida, anigu se waxaan aaminsanaa inay jiraan mar walba sababo maangal ah oo uu Ilaahay abuuristayda ka lahaa.

Waxaan ka soo toosi jiray gurigii weynaa ee fiillada ahaa ee habaryartay. Dadka noloshayda guudka ka daawada sida asxaabtayda xaafadaha jaarku, waxay u haysteen inaan ina-boqor ahay. Daarta aan ka soo tooso iyo cunnada saddexda wakhti ayay u haysteen inaan badhaadhe adduun iigu idil yahay. Waxay moogganaayeen in kashaydu engegnayd. Waxay moogganaayeen in nuxurka noloshu yahay jacaylka, daryeelka, naxariista, qaddarinta iyo gacaltooyada. Maan garan karayn sababta ay waxa dhacayaa u dhacayeen. Laakiin waxaan arkayay jaho-wareerka dadka, waxaanan maqlayay gariirka gantaalaha hubka. Maalinba maalin ayay ka soo xumaanaysay. Maalinba maalin ayay ka soo dhowaanaysay, illaa maalinkii dambe aan maqlayay dhawaaqa qarshinka rasaasta oo sida dhibaca dhagaxyaalaha dhegahayga uga sii guuxaya. Maan fahmi karin sababta dadkii waaweynaa ee afka isku garan jiray iskugu fahmi waayeen ugana door bideen isdilka.

Xayaabkii ubaxa lahaa ee gurigayaga ka hor beernaa ayaa qaadhay, kogay, dabadeed qallalay. Maalintaas ayaa caleentii guudkayga saarnayd soo dhacday. Aniga iyo ubixii xayaabkaba waxa gelelefay damac-beenoodyadii baaddilka ahaa ee qawlaysato ku diriraysay saami-qaybsiga xukun oo burburinayay wixii ay wada lahaayeen.

Firxadkii qaxa iyo badbaado-raadiska oon ku weheliyay habaryartay iyo qoyskeeda ayaan kama dambaystii cidhibdhigannay xerada qaxoontiga ee Nick Valley. Wuxu ahaa daadduun ka soo bilowday geeska Africa oo ku dhammaaday bariga Africa. Ammaankayaga iyo noloshaydaba waa la qaabbilay. Waxaannu iska wada ahayn qaadaa dhereg. Waxay ahayd nolol iska geeri ah iyo geeri iska nolol ah. Waxay doorasho-la’aantayadu nagu qasbaysay inaannu ku wada badhaadhno wixii Alle noo wada calfo.

Inkasta oo ay noloshu adkayd, habaryartayna aanay aad ii jeclayn, waxaan u muuqday qof nolosha wax uga soo bilaabmayaan. Wax baan malayn jiray, wax baan sababayn jiray, wax baan aamini jiray, waxna waan ka wada baran jiray. Habaryartay ayaan la ducaysan jiray. Ilaahay ayaan la baryi jiray. Waxay ii sheegtay in Ilaahay samada joogo, kolkaasaan kor eegi jiray. Waxaan weydiiyay inuu Ilaahay i jecel yahay. Waxay ii sheegtay inuu Ilaahay qof walba jecel yahay, xataa kuwa neceb ee dembi-falayaasha ah, weli wuu sii jecel yahay, uu quudiyo, uu ruuxiyaa, uu neefsiiyo oo uu weliba haddii uu doono jannada geliyo.

Waxaan kor u fiiriyay markii ugu horreysay Ilaahay si addoonnimo ah. Inkasta oo aanan arki karayn haddana waan rumeystay, waxaanan ka rejeeyay inuu daymo naxariis leh igu soo celiyo. Marmar ayaan keligay ducaysan jiray oon si gaar ah Ilaahay ula fiqi jiray. Waan ogsoonaa inuu maqlayo. Mararka qaar aniga oo hiimhiimsanaya oo hoos u ooyaya ayaan Ilaahay weydiin jiray sababta uu aniga noloshan iigu dooray.

Laakiin noloshaydu waxay u ekayd mid lugo badan isku taagaysa. Waxaan la soo kacayay han iyo yuhuun curdin ah oon ku rabo inaan nolosha iyo qorshayaasha wanaagsan ee Ilaahay iigu talogalay ku qaabbilo. Habaryartay ninkeedu sigaarle yar oo uu sameeyay markii uu qaxoontinnimada bilaabay ayuu tukaan u rogay oo dhaqaalaha qoyskiisu iskufilnaan ayuu ku taami rabay. Inkasta oo aanan aad uga weynayn carruurtii uu dhalay, aniga fiiro gaar ah imuu siin jirin. Damac ayaa se ku beernaa. Si uu iila macaamilo ayuu markii horeba garan la’aa. Maalmahan se xodxodasho dheeraad ah ayuu bilaabay. Damaca waalan ee xanuunka ah ayaa illowsiiyay inaan ahay inantiisii uu intaas soo korinayay. Ajar iyo kheyr wixii uu hore ii gashaday ayuu ku burburiyay doonis qalloocda oo aan suurtogal ahayn, kaddibna wuxu yiqiinsaday inaanay sinnaba taasi ugu fuli karin.  Wuxu ii qaaday colaad aanu gar iigu lahayn.

Maalintaas ayuu bilaabay dejinta qorshihii gurigiisa la igaga caydhin lahaa. Wuxu igu wanjalay lacag aanan xadin, habaryartayna si ba’an ayay ka fiirsasho la’aan iigu garaacday. Waxa la iga dhigay tuugo. Laakiin maalinkii u dambeeyay ee guriga habaryartay la iga soo saaro, wuxu kama dambaystii igu masabiday habaryartayna ka dhaadhiciyay inaan cuntada sun ugu dari rabay, sidaas daraaddeed aanan qoyskooda qayb ka sii ahaan karin.

Wixii intaas ka dambeeyay waxaan dayro ku ahaa derbiyada dhaxanta badan ee ku meegaaran guryaha dugsoonka badan. Waa bulsho isma dayato ah oo aan hororka iyo waraabaha ka ceshan aqoon hantideeda baylahda ah. Aniga oo sidaas u dayacan ayaan la kulmay gabadh Soomaaliyeed oo qalbi wanaagsan. Markii aan taxanaha noloshayda uga warramay ayay indhaheeda ilmo buurbuuran oo bayl ahi ka soo butaacday. Waan dareemay inaan ka qalbi adagahay. Iyada oo ilmada iska tiraysa ayaan qalbigeedii jilicda sanaa ku waaniyay inaanu ii ooyin. Waxaan u sheegay duruufaha noloshu inay iga dhigeen geesiyad qalbi adag. Waxa kale oo aan u sheegay inaan ku faraxsanahay xaalad kasta oo aan ku jiro. Waxaan dareemayay inaan saameyn weyn qalbigeeda kaga tegay. Waayo, waxay dib ka mahadisay noloshii bilaa turxaanta ahayd ee ay soo qaadatay, waxaanay qalbigeeda uga mahadcelisay qof kasta oo nolosheeda si uun, maalin uun, ilbidhiqsi uun, u wanaajiyay.

Gabadhu waxay i siisay hoy, hu’ iyo hunguri, weliba intaas iyo in ka badan, in aan ka waayay dad cid kaleba. Waxaan ka helay garawshiiyo iyo gargaar dadnimo oo aan shardi lahayn. Waxay ii noqotay saaxiib iyo wehel iyo ehel. Waxaabay ii ahayd sabab qurux badan oo aan kaga dhuunto xusuusta murugada foosha xun.

Tabantaabada safarkii nololeed ee ay u jeedday ayaa soo galay. Waxay gaadhay xilligii ay iga tegi lahayd. Laakiin waxay si aad ah iigala sii dardaarantay gabdhihii iyo wiilashii Soomaaliyeed ee xaafadda degganaa. Muddo markay ka soo wareegtay ayaa sabab la’aantii la igu nici jiray la igu nacay. Waa la i hiifay oo la iska kay haaraamay. Maalinkii dambana, iyada oo dhegaha la iigu ridayo la igu tilmaamay cad xaaraan ah.

Gabadhii qalbiga wanaagsanayd markii ay garab igu bannaysay, waxay ii ahayd gebagebadii farxaddayda iyo bilowgii werwerka. Marar kale Ilaahay waxaan weydiin jiray sababta waxaas oo dhami iigu dhacayaan. Laakiin kamaan heli jirin jawaab degdeg ah oo i farxad gelisa. Waa maxay dembiga aan Ilaahay ka galabsaday? Mise aniga ayaa dembiga cid kale laga goynayo?

Markii aan u adkaysan waayay xaqdhawr la’aantii iyo xadgudubkii intii aan la noolaa, waxaan go’aansaday inaan xaaladdayda u bandhigo wiil Soomaaliyeed oo xaafadda dukaan ku lahaa. Waan ka adeegan jiray, sidaas darteed, wuu i soo dhoweeyay. Waxaan u sheegay in qoyskaygii aan ka soo baxsaday. Wuxu ahaa wiil bashaash ah oo furfuran, dadka macaamiisha ahina ay ka wada raalli yihiin. Naftayduna waxay iska aamintay inuu i gacanqaban karo. Wuxu i siiyay qol yar oo madbakh ahaan guriga uu deggan yahay uga dambeeya. Furaash qolka dhex yiil intii farta iigu fiiqay ayuu sheegay inuu i martigelin doono in Alla inta aan rabo, wuxuuna ii sheegay inaanan cid dambe oo i dhibta arki doonin. Wuxu i dareensiiyay kalsamaan iyo kalsooni.

Muddo aan badnayn  ayaan qolkii yaraa degganaa, wiilkuna igaga war hayn jiray. Saddexda wakhtiba cunnada wuu ii ogaan jiray. Marmarka qaar nacnac iyo buskud ayuu dukaanka iiga keeni jiray. Wuu ii sheekayn jiray. Walaal iyo wehel noloshayda ku soo biiray ayaan ka dhigtay. Habeen baan weydiiyay sababta uu waxaas oo wanaag ah iigu samaynayo. Waa iska Ilaahay dartiis ayuu meel aan fogayn jawaab ahaan iiga soo qabtay.

Waxay ahayd habeen kale oo dhaxanta dibadda ka dhacaysa ka soo dhex tafayso gidaarrada isku dhow iyo go’a aan isku hoos nabayo. Waan qarwayay oo waxa la igu dhex shidayay riyada. Waxa iga xoog badnaa xusuuso damqasho kulul oo i soo maray. Hiinraaggayga waxa laga maqlayay agagaarka. Goortu waa saqdhexe. Waxaan ku toosay garaac xooggan oo albaabka kaga gariiriyay. Markii aan ka furay albaabkii, wiilkii wuxu iga codsaday inaan ka oggolaado inuu gudaha u soo dhaafo. Waa xilli dambe, laakiin isagu wuxu ahaa qof gurigiisi jooga. Waxaan waraystay xaaladdiisa caafimaad, waayo wuu dhididsanaa, wejigiisana hadh badan ayaa fuushanaa. Kumaan ogeyn inuu qaadka cuno, horena uguma arag isaga oo dakhsiisan. Waxaan dareemayaa inay wax badani qaldan yihiin. Wuxu i qabtay gacanta midig, ta bidixna dib ayuu iigu laabay albaabka. Dhudhunkaygii yaraa ayaa ku dhex cadaadismay gacantiisii tamarta badnayn. Ma garan karayn waxa duunkiisu iga damacsan yahay, wax kasta oo uu dhaca kamaan dhacsan karayn. Muu ahayn qofkiisii. Muu lahayn caadadiisii iyo wacnaantii shalay. Wuxu markan ahaa cadow.

Waxaan is arkay anigoo mar labaad furaashka dul galgalanaya. Awood iga taag badan ayaa dib iigu xejinaysay. Maan qarwayn, waxaan se u qaylinayay miciin. Maan malayn karayn waxa uu labadayda lugood ka dhex raadinayo. Waxaan ahaa 13-jir weli curdin ah. Sida arxad-darrada ah ee uu labadayda bawdo u kala goynayo, dhuuntaydana gadaal ugu ceejinayo ayaa mar kale maankayga ku soo dabbaalay habartii coodcoodhay ee habaryartay aniga oo naqan ii geysay. Islaantii jinka u ekayd ee mindiyaha, muducyada iyo qodxaha sidatay. Waxaan ku xusuustay xanuunka, xoogga iyo qasabka. Waxaan ahaa 13-jir keli ah. Weli iskumaan arkin dhiiggii caadada ee gabadhnimada, manaan lahayn inannimo buuxda, waxaan se ahaa sebi carruur ah. Waxa i dul hoganaysay weynida damaca ina-rag. Damac ogsoonaa maatinimadayda iyo diciifnimadayda. Damac ukasnimadiisa iyo halhaliilka gaadhista kacsi-jabkisu ka indhosaabay xeer kasta oo anshaxa dadnimada iyo garashada suubbani lahayd. Wuxu ogaa inuu ahaa qofka keli ah ee aan u qayshan doono, waayo waxaan ahaa magantiisa. May jirin dhabbo u furan inuu maro, waxa se dammiirxumadiisu ku khasbaysay inuu dawgiisa xoog ku jeexdo, si uu tiisa qudha u gaadho. Qalbigayga ayaa si hoose u ooyayay, waxaanan ka dhaawacmayay niyadda, kana dhiigbaxayay hanka. Afartii qodob ee ay islaantii xumayd igu toshay ayaa si xanuun leh hilbahaygii u kala sarayay. Waxay u ekeyd inaan ku dhex miyir-doorsoomayo oo aan la waalanayo duni ay waallidu caadi ka tahay.

Waxaan mar kale soo miiraabay anoo dhex jiifa adduun foolxun oo aan mar kale jeclaadeen inaan ku soo laabto. Meel cid kasta oo aan u magangalay igu durdurisay. Waxay ahayd xaalad dadnimo ka bax ah. Wuxuu jeexjeexayay qofnimadaydii, mustaqbalkaygii iyo gabadhnimadaydii. Umay muuqan inuu jejebinayo muraayaddii qalbigayga oo aan kabkab, dhabdhab iyo nabnab dambe midna lahayn. Habeenkaas ayaan dareemay shisheeyenimada dhabta ah. Waxaan keliya toyanayay xuquuqdaydii dadnimo. Waxaan is weydiinayay qiimaha jiritaankayga iyo ujeeddada noloshayda. Waxaan ka qoomammoonayay sida aan u miciinsaday nacab ay ka fogaatay badbaadadu.

Waxaan dhab ahaan u hubiyay in ina-rag dhammaantii yahay yey-yo iyo dhurwaayo dhiigmiirad ah oo ka siman rixinjarka iyo magangoysnimada. Waxaan soo miciin biday adduun iskugu baxay dhaylo dubato iyo dhallaan dabato.

Anoo weli furaashka dul wadhan oon xubin qudhi jidhkayga nuuxsan karin, ayaan hal cabbaar ah sugayay inta bidhaantu ii caadbaxayso. Waxaan dareemayay kelinimo iyo hiil la’aan. Maan ogeyn goorta bahalkii i cunayay fakaday, waxaan se mar kale u baqayay baylahnimadayda. Go’ii aan ku jiifay ayaan gacanta dul mariyay, waxaanan toobay dacalka shishe ee marada. Waxaan ka tuujiyay dhiiggaygii oo ku wada baahsanaa calalladayda. Hore umaan aqoon galmo iyo xidhiidh jinsi oo lab iyo dheddig dhex mari kara. Maan kala saari karayn macnaha jujuubka iyo raaxada, manaan malayn karayn waxa ay ka midaysan yihiin ama ay ku kala taggan yihiin. Laakiin waxaan bartay uun inaan ahaa bikrad oo aan lahaa bikro.

Goobtii guuldarrada badnayd ayaan damcay inaan isaga cararo. Ma rabo xusuusta qolkan madow ka dhacday iyo wixii meelo kale igaga dhacay, mana rabo inaan fisho waxa iman doona. Keli ah waxaan rabay inaan soo gebagebeeyo foolxumada. Ma rabo inaan dib u soo eego noloshan iyo cid kasta oo i xusuusin karta. Weli se waxaanan garanayn meel aan uga fakado.

Aniga oo weli si u jahawareersan ayaan albaabkii ballaqnaa dhaafay. Dhaxantii iyo dibaddii waraabe ayaan ka doorbiday intii aan ka dugsan lahaa oo iyagu i dibadgaleeyay. Habeenno badan oo dambe waxaan marti u ahaa guryaha bisaaska, eyda iyo dukhsiga. Waxaan xigtaysanayay xashiiska iyo kuddaafadda dadku iska soo fogeeyaan. Waxaan ahaa qashinkii dadnimada iyo dhimashadii dareenka insaaniyadda.

Malaha Ilaahaygii ayaa ii soo hiiliyay. Waxaaban moodayay inuu iska kay illaaway! Malaha cawadii iyo ayaankii aan lahaa ayaannu is helnay. Saakadu aroorihii hore way ka saxo udgoon tahay, aroortuna saakooyinkii hore way ka dugsoon tahay. Waxaan toosay anoo ku jiifa sariir giigsan oo qurux badan. Anoo garan la’ meesha aan joogo ayaan hadba indhaha la raacayay gidaarrada cadcad iyo nalalka cadcad ee qolkan wada cad. Waxa albaabka soo furtay cid, waxaanan dhakhso u fiiriyay dhinaca irridda, si aan dhaayahayga ugu arko malaa’iigta jannada joogtaa sida ay aadanaha kale uga muuq duwan yihiin. Waxa ii soo muuqday ubax qurux layaab badan. Waxa kale oo aan arkayaa cidda sidda. Waxaan arkayaa dhoollacaddaynta quruxda badan, gadhka cad iyo timaha jilicda san ee cad. Waa qof wada cad oo gashan maryo madmadow, laabtana ku xidhan silsilad weyn oo cad oo leh carrab isku tallaab ah oo cad. Markuu ii soo dhowaaday ayuu wejigiisii iyo gadhkiisii weynaa ee igu soo foorarsanayay iila muuq ekaadeen dad. Waxaan xusuustay habeen dad iskugu kaayo dambaysay. Waan naxay oo baqasho awgeed ayaan dib isugu gundhiyay. Ninkii dhoollaha caddaa wuu ila hadlay. Intuu istaagay ayuu sugay intaan xasilayo. Wuxu ii sheegay inuu yahay cid wanaagsan, inaanu i hadimayn doonin wax i hadimeeyana i tusi doonin. Wuxu igu qanciyay in hoyga Ilaahay la iga soo dhoweynayo. Wuxu ii soo fidiyay ubixii, wuxuuna ii sheegay in Ilaahay igu leeyahay “Soo dhowow!” Waxaad mooddaa inaan hadalkiisa aaminayo. Waxay u eg tahay inuu run ka sheegayo. Waxaan ka dhadhaminayay in ereyadiisa ay ka muuqdaan sifooyinka Ilaahnimadu. Naxariis, qaddarin iyo xubeero ayaa wehelinayay weedhihiisa sida aan filayo. Waxa laga yaabaa inuu dunida Ilaahay masuul uga dhigay, sida uu ii xusayo.

Markii aan kala qalo baxnay, wuxu i weydiiyay magacayga. Ma magacii cadaabta la iiga yeedhi jiray ayaan kuu sheegaa, maankayga ayaan iska weydiiyay. Magac cusub inaan la baxo ayaan daneeyay, waxaan se ku idhi, magacaygu waa Ubax, waa magacii ay hooyaday ii bixisay. Waa waxa keli ah ee isku xidha albaabkii hooyanimo ee aan ifka ka soo galay, geeridaydii hore iyo noloshan dambe. Ma arko sabab aan magacayga u beddelo. Waxaan arkaa sabab kale. Sida ubaxa la igu muuneeyay ee quruxda badani dib ugu soo nooleeyay yididiiladii noloshayda ayaan anna rabaa inaan u ahaado sabab nooleysa naruurada nolosha iyo noolaha oo dhan.

Ninkii wada caddaa wuu ila saaxiibay, ila sheekaystay oo uu ii sheekeeyay. Isaga ayaa ii gaday shaadhkii iyo surwaalkii ugu horreeyay ee la igaga beddelay toobkaygii dhiigga miidhan ahaa. Wuxu ii noqday aabbe i jecel, igana sii jecel cid kasta oo noloshayda soo martay. Wuxu ii sheegay inuu ka yimid Shiinaha fog, laakiin wuxu i tusay oo kale inuu iiga dhow yahay kuwa aannu sinjiga Soomaalinimada wadaagno. Wuxu ii sameeyay hooyo i jecel oo dhabta igu qabata. Waxay ii dabtaa timaha oo laabta ayay igu seexisaa habeenkii kolka aan ku saso riyooyinka xunxun. Waxay i bartay gabdho iyo wiilal walaalahay ah. Iskuma wada muuq ekin. Waxaannu kala wada nahay midabyo iyo qoomam kala wada duwan. Laakiin waxaan ku niyadsamaaday markii ugu horreysay ee aan arko dad walaalo iigu yeedhaya oo igu soo dhoweynaya inaan wax la cuno.

Hooyadan cusubi waxay ii sheegtay in Ilaahay aadanaha oo dhan wada jecel yahay sidii habaryartay. Waxaan u sheegay in habaryartay markaan yaraa i bartay in Ilaahay cirka joogo. Ilaahay wuu dhintay ayay hooyadayda cusubi ii sheegtay. Markii ay aragtay inaan warkeeda ka yaabbanahay waxay igu qancisay in Ilaahay u dhintay dembiga aadanaha ay hooyadii i dihatay ku jirto. Kolkaas ayaan fahmay sababta waxaas oo dhib ahi iigu dhacayaan. Sababta aanu Ilaahay uga soo jawaabi jirin ducooyinkayga.

Ubixii yaraa subax kasta waan waraabiyaa, oo ileyska ayaan qorraxda ayaan u dhigaa si uu u koro. Waan ku faraxsanahay xidhiidhka nololeed ee na dhex yaalla ugu yaraan. Waan dhoollacaddeeyaa maalin kasta. Waxaan halkan ku dareemayaa farxad iyo nolol. Waxaan ku qanacsanahay inaan joogo. Waayo, waa la iga jecel yahay, waa la iga soo dhoweeyaa, waana la iga xusuustaa. Waxa la igu baray inaan wanaajiyo dhaqankayga, asluubtayda, xurmadayda iyo hankayga, waxaanan u badinayaa in farxaddaydani dhab tahay.

Mararka aan guriga Ilaahay debedda uga baxo, waxaan la kulmaa dad ii sawrac eg oo ku nool agahayga. Marka ay ii maleeyaan inaan Soomaaliyad ahay, waxay i weydiiyaan qoladayda iyo halkaan ka imid. Waxaan anna u sheegaa inaan ahay Ereteriyaanad. Waxaan ka cararayaa wax kasta oo magaca Soomaalinimo ii dhoweyn kara. Waxa kale oo aan ku burinayaa malahooda beenoobay. Marmarka ay af Soomaali igula hadlaan, inta aan is dhegomaro ayaan aniga oo fahmaya warkooda ugu jawaabaa af kale. Waxaan ka xishoodaa inaan ku hadlo af la igu yasay inaan ahaado. Marmar, qaarkood ayaa igu casuuma inaan masaajidka u dhow imaaddo, si aan cibaadada ugala qaybqaato dadka ii muuqa eeg. Waan ka aamusaa inta badan. Wejigaygu wuu dhoollacaddeeyaa, laakiin laabtaydu way ka oydaa. Ma rabo inaan dareensiiyo inaan masaajidka necebahay. Ma rabo inaan u sheego in masaajidka ay joogaan dad aanan rabin inaan wejigooda mar dambe arko. Ma rabo inaan kula kulmo wejiyadii noloshayda sidan u qaabdarreeyay.

Laakiin maxay ii weydiinayaan sababta aan kaniisadda u degganahay? Maxaa ka galay sifaha uu baaddariga indhaha yaryari aabbe iigu noqday? Qof aan isba diinta ku dhaqmini muxuu tayda ku falayaa? Imisa magac ayay iga rabaan inaan caabudo? Ma waxay rabaan inaan noqdo waxay iga dhigayaan, mise waxay rabaan inay iga dhigaan waxaan noqday? Ma waxay iga sugayaan inaan soo celiyo jacayl aan la i gelin, mise waxay i siinayaan jacayl aan laga sugaynin inay bixiyaan? Markay weydiinta igu badiyaan waxaan u sheegaa in diintaydu fududdahay. Diintaydu waa wanaagga, naxariista iyo jacaylka dhammaan jiraha uumman ee ifka. Waxaan rabaa inaan ahaado bilowga wanaag kasta iyo dhammaadka xumaan kasta. Waxaan naxariis gelin doonaa noole iyo manoole kasta oo aan naxariis i gelin. Waxaan rabaa inaan dib u waraabiyo quluubta aadanaha ee jacaylka ka arraday, si uu dib ugu fiilo bixiyo guudka ubax kasta. Waxaan arkayaa mustaqbal ifaya oo ii hiraya, mana sii sugi karo rejada gaadhistiisa, welina igamuu gudhin jacaylka wax kasta oo aan jeclaa. Waxaan weli si gaar ah u jecelahay Ilaahaygii hufnaa. Ma jirto cid aan tartan kula jiraa, aniga ayaa se dhabbada geeddigayga hoggaaminaya. Diyaar uma ihi inaan u noolaado si aan cid kale ugu noolaado. waxaan rabaa inaan berri ahaado qof ka fiican maanta, maantana ka fiican shalay. Tani waa aniga, taasina waa sheekada noloshayda. Waa farriin kugu qaan ah, halkanina waa bilowga baraaruggaaga. Waxaan ahay xor!

Dhammad.

Dhamme Maxamuud Axmed
Abdirahman431@hotmail.com
Kampala, Uganda.

14 thoughts on “UBIXII REJADA

  1. Dhamme,

    Sheeko xiiso badan, oo ay “dadnimo” gundhig u tahay baad qortay—inkasta oo aad “diin”, siiba ta Masiixeed, ku bishay dadnimadaas. Guud ahaan, sheekadu waa waayo nololeed oo soo martay Ayaan Daran kale.

    Sida kale, ereyga “Africa” waxaad ka wadday, baan filayaa, “Afrika.”

    Mahadsanid,
    Jidhidhico

    • Mudane Jidhiidhico,

      Aadbaad ugu mahadsantahay dareencelinta sheekada. Haa. sidaas danbe ayaan u waday eraygaas, waan ka ilduufay.

      Mudanaan badan,
      Dhamme.

  2. sheedan waxaad mooda run ee ma aha mal awaaal waa sidaan is idhi waayo mal awaalku malaha xiise badan inkastoo ay ku jiraan qoraale akhrintoodu yara foolxuntaay sida waxan ka soo baxay gurigii ilaahay iyo ilaahay wu dhintay
    mahasanid
    sedik

  3. run ahaanti mr dhame xaqiiqada sheekada wey dhinacyo badan inkasta oo aan dhincac badan dhaliishooda ay jiraan waa mida koobaade sida ka jirta somalia bil xaqiqa wa wax sitoos uuga waramay hadana weli lama quusan sida ka muuqata erayada qaar tusaale ahan ninkan cad ee silsilada wata kana shinaha fog ee ubax gacan sinaya ujedaisa wa maxay marlabad ilahay wuu dhintay macneheeda magaran mahadsanid

    • mahadsanid Mohamed run ahaantii sxb anigaba ka wareersanahay doonista ninkaas laakiin maxaad u malaynaysaa Ubax ujeedkaa ma ku gaadhay, maxayse uhaysaa… ta danbe waxay waxay kuu tibaaxaysaa in diinta laga badalay. mahadsanid

  4. dhamme wiilka sheekadan soo gudbiyey aad baad u mahadsantahay

    laakiin walaal waxaad moodaa in ay sheekadani diinta masiixiga aad u taageertay una muuqato mid masaajidka iyo muslimka ka soo horjeeda sidaa daraadeed waxan ku odhan lahaaa way fiican tahay in aad xor ahaato laakiin inteed xor ahaan kartaa ayaa is waydiin mudan, taas waxan uga jeedaa ma intaa aad islaamnimada kaga gudbikarto

    sheekada waxa ku jirta ILLAHAY WUU DHINTAY taasina ma aha mid dhici karta dhamaan uumiyuhuna waxan aamin sanyihiin in uuna ILLAHAY DHIMAN DOONIN waana hubaal midhkaasi(subxaana allaah )
    walaalahyga qore yaasha iyo akhriste yaashaba waxan ku boorinayaa in illaahy laga baqo
    mahadsanitiin!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  5. Qoraaga sheekadan qoray aad buu umadsanyahay wuxuu ka cabiray maskaxdiisa wax dhici kara waana hubaal in sheekooyin noocan ah iyo qaar kadaranba ay dhaceen laakin mid xasuusnow ubax waxa lagu ciqaabayay dambigii ay aabaheed iyo hooyadeed ay geysteen ,weliba waxaan aad ula sii yaabay waxraabihii ay nafteeda ku aamintay ee bikradeeda jabiyay .
    Tani waxay tusaale iyo wax ku qaadasho utahay sinnada ee iska jira wllyalow waxaana ay maah maah soomali ay tidhaahdaa (INTAANAD FALIN KA FIIRSO)‎ان في ذالك لأيات لقوم يتفكرون

  6. runt waa sheeko aad ii qiira gelisay waana wax xaqiiqdq ku dhow
    waxaan u mahad celinayaa cida isku xil qaantay ee soo gudbisay waxaan ana rajeyn inaan in badan sii gudbiyo
    INSHA ALLAAH

  7. wxn aad wado waan ku fahansaney diinta kirisanka ayaad dadka ku hageysaa waxand kasareysaa tii saxda aheyd wxd ledahey ilaahey wuu dhintey subxanallaah.
    dad kan qarbaa ereyo yar yar kusheegaya ilaahey baadhintey subaxanallaah.
    shirqool weeyaan waxani ee sheeko dhab ah maaha

  8. Waar ninka sheekadan qoray ILLAAHAY ha u toobad keeno waayo waxad moodaa in uu diinkale faafinaayo …sheekadu markii aad NINKA cad soo gaadhay ayay sheeko GAAL isku rogtay

    • QOFKA SHEEKADAN QORAY WAA QOF FAAFINAAYA CHRISTIANITY OO AF SOOMALI QURUX BADAN IYO QORAANIMO KU QALDAAYA DADKA AF SOOMALIGA AKHRIYI KARA. WAXAA DADKA MUSLIMIINTA AH DAA. HADAAD ADIGU GAALOWDAY ALLE HAKU SOO HANUUNIYO.

  9. qoraaga Wa gaal chinees ah oo afsomali garanaya oo Islamnimada iyo islamka cayaya lkn waxaan usheegaya in Nabi Muxammad( scw)uu inoshegay khilafada islamkA iney jebin doonto Europe (rum) eyna Islami doonan kirishtaanka ee intaad nooshahay Islamnimadu qaado ilen qofki gaalnimo kubakhtiyo Wa ahlu naare,adna haisdalinin Ale lama tartami kertide.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s