‘ADDUUNYOOY, I HODA!

Image

Foodhida, orta iyo sawaxanka  waa carraabaha geelal horwayn oo casar-gaaban oo liiq ah, kolka iftiinka qorraxdu gabo kulka falladhaha daran ee uu xilli kaliileed  ku liishaamaysay  sibraha wada godan ee habeedda udgooni ka soo siniinayso. Maalin dheerayd oo aroor biyo cab oo ceelal jiidda ka durugsan laga soo dar qaaday ka dib, geelashu waxay hadda kaabiga ku hayaan xeryahoodii oo madaxa kaynta ku yaal, meeshu waa hawd iyo carro jiq iyo geed ah oo geelasha xilliga biyahu fogaadaan caleen u leh, jiiddu waa geel iyo rag iyo bahal.

Marka biyuhu gaabtaan ceelashu waa dhul kaa dheer cir kaa dheer, waase dhul ha iska khatar badnaadee geela aan dulin gala u lahay, sidoo kale caleen iyo baad waa dhul hodan ku ah, si walba oo kaliishu u darantahay waa hoyga kaliya ee geelu ku xasilo.

Laba geel jire ayaa geela faro dhaafay hareeraha kaga jira, Guhaad oo doobka ugu wayn ah ayaa tirada ku saddexeeya, cabbaar yar ayuu geelasha ka danbeeyaa, isagoo waranka dhulka jiidaya ayuu hadba danqashada ka dhawryaa suulkiisa dhiiga leh oo socdaalkii dheeraa ee aroorka ahaa ku soo dalooshamay, waxa uu se guhaad maankiisu ku illawsanyahay xanuunkeeda halaha cokan ee baarkooda siman iyo feedhahooda dhaansan sii dhiibinaya.

Sheed aan durugsanayn ayuu Guhaad ka halacsanayaa muuqa wax ruux u eg oo geed wayn oo galool ah hoostiisa hareer jaaga. Guhaad dawgii uu hayay ayuu uga leexanayaa hadba isagoo xagii geedka aadaya. Muuqii hummaagga kaga jiray ayaa si qumman ugu muuqanaya hadba markii intii hore uga soo dhawaan jirsado.

Geelii wuxuu ku sii libdhayaa kaynta, aydana waxa soo daboolaysa jabaq la’aan,  gudcur soo maqan ayaa durba darafyada mugdigiisa soo galiyay dhirta badan ee jiqda ah. Isla kolka jaleecadiisu ka soo dhamaato geela kaynta ku sii libdhaya, Guhaad wuxuu u soo dhawaanayayaa ninkii oo hadda ula muuqda wadaad waddo ku joog ah. Waysada, masallaha iyo kitaabka galka ku khabbaysan ayuu taa isku moodsiinayaa. 

“maxaad sheegtay?” ayuu Guhaad ninkii ku bariidinayaa.

Wadaadkii oo masalahii uu ku tukanayay ku fadhiya oo wali kor u la dhaygagsan wiilka gaashaan qaadka ee waranka jiidaya, wiilka da’a ahaan ka yar, wadaadku  cabbaar ayuu aammusnaanayaa.  “ceeb la’aan” ayuu ugu danbaysii ku  jawaab celinayaa,  isagoo jabaqla’aanta durbaba dareen dhiilo ka qaba. “sow nabad maaha adeer?”, ayuu wadaadkii bariido kale u soo celinayaa Guhaad, isagoo hadba  indhaha si xoogan ugu haya warankiisa dhulka ku qotonsan.

Guhaad muu jawaab celin, wuxuu maanka iska waydiinayaa cidda uu ninkani yahay iyo meesha uu ka yimid. “Xageed u socotaa?” ayuu Guhaad waydiinayaa ninkii, isagoo hadba turuqyadiisa malmalaasan kala bixbixinaya sida libaax hanjabaya.

“Adeer reerka ceelasha koonfur bari ka xiga ayaan u socdaa,’’ ayuu Guhaad ninkii u sheegayaa, “intaan maqrib la tukan ayaan halkaa ka gaadh leeyahay, ee nabadeey.’’ ayuu wadaadkii oo waranka gabanka ka baqasho qabaa odhanayaa, wuxuu u hollanayaa carraabe.

Guhaad ogaal la’aan ayuu murjinkiisa cabbaar dhulka la dhacayay, wuxuu ku maahsanyahay reerka uu ninku sheegay, waa qolo ay muddo dheer is hayeen oo colaad riiq dheeraatay ka soo kala dhex dhacday. madaxiisa waxa hadba soo galaysa dhagar. Sidii uu ninka qoladiisa u maqlayba kashiisa caano galeenka ah waxa ka soo buuxsamay aano iyo aarsi. Warankiisu wuxuu u cartamayaa utun raagtay oo muddo dheer dakano qabiil xinjirihiisa dhulka ku gororisay, Taasoo inan rag dhammaantii ka dhigtay meel xun joog iyo mar xun joog.

“hadaan ku dilo ayaa iga kaa celinaya?’’ ayuu Guhaad oo warankiisa ku soo fiiqaya wadaadku waydiimayaa.

‘’waar waxba ha I yeelin walaalo.’’ ayuu wadaadkii ku cattaabayaa, isagoo baqasho awgeed gawsaha isla dhacaya oo u guranaya xagga jirrida geedka.

“waar haddaad I disho cid uunbaa ku ogaan oo dhagarqabe dhulku ma qariyo ee  walaaloow maanta I bixi’’ ayuu wadaadkii si dad iyo si dugaagba ugu baryootamayaa.

Guhaad waxa maankiisu soo ceelinayaa “Cid uunbaa ina ogaan.”

“yaa ku ogaan wadaad xume, laangaaba ayaad tahay” inta uu kor ugu dhawaaqo ayuu warankiisa hinjinayaa oo uu ridmo u liishaamayaa.

Xerowgii oo naftiisa iyo Guhaadba quus ka taagan ayaa u qayshanaya ciddii kale ahayd eek u soo hadhay maankiisa. “yaa Saatir…”. Ayuu wadaadkii baryo cusub oo aan Guhaad af aqoon ku bilaabayaa.

“yaa Saatir, sallimnii minal balaa, yaa Saatir… sakhirnii minal shidaa, yaa Saatir…sahilnii minal jarbaa…”

Guhaad oo wali  saari la’ cidda aan isaga ahay ee uu wadaadku u qayshanayo, kolka dhawaaqu afkiisa ka soo wada dhammaaday. “saatirku ma reerihiinnaa!?”  iyo waxa is xigay eeb haleeshay halbowlaha wadaadka oo kala dhex xushay uurkujirtiisa. Iyadoon haddiisu ku simin wakhti uu ku soo dhawaaq celiyo ayuu sida neef la bireeyay guhaad hortiisa ugu qudh baxay.

Guhaad intuu warankiisii baallaha caddaa kor uga soo hinjiyo ayuu raqdiisii uga tallaabsanayaa haadka, kalidii ayuu waaqla’a ka dhaqaaqayaa, shaacii ifku goor hore ka god galay, oo nabada caleenteedii dhacday. Guhaad oo warankii jiidaya ayaa marinkii geelu ka fulay afka saaraya oo ka daba fulaya, wuxuu ku kala dhex libdhayaa kaynta jiqda ah uu mugdiga soo wada daboolay.

 

 

Hal gu’ ka dib galab baastaa  goor barqo kulul ah, xilli uu geelu kobahiisii aad ugu  bariistay ayaa Guhaad iyo labadii geel jire xeryaha  afka ka qaadayaan. Sidii qorshu ahaa, geelu wuxuu durba ku fidayaa kaynta oo ku kala foofayaan dhirta baadka leh illaa intuu kaga xasilayo caleenta.

 Guhaad kohasho habeenno badan uu qabay ayuu  xasuusteeda la hadhgali la’yahay.  Geela inta uu labada geeljire ku dhaafo ayuu kaynta dhan ka xulayaa isagoo laadlaadsanaya waranka baallaha cadd ee samayda dheer. Markuu geed wayn oo galool ah soo gaadho ayuu xawaariha talaabada hakinayaa isagoo aad moodo inuu xaga geedka u soo qaabilayo. Markuu jirrida geedka in yar u soo jirsadaba wuxuu ku baraarugaa jabaqda lafta jabtay ee jaantiisa midig ku istaagtay, wuxuu uga naxay sidii isagoo cuqubo huruday geedka hoostiisa ka toosiyay. Lafo gaboobay oo carradu badi aastay, hadhaaga qalfoof ay ka sii muuqdaan lafta madaxa iyo feedhaha ayuu Guhaad oo waranka jiidayaa hadba dhinac ka istaagayaa sidii uu xasuusanayo waxii meesha ka dhacay kal hore.

“kute cid uun baa ku ogaan” ayuu Guhaad isagoon wali hubin naftiisa iyo qalfoofka kuu la hadlayo kor isu maqashiinayaa. “mee Saatirkii aad qayshanaysay?” ayuu haddana su’aalayaa hadba isagoo lafaha dhan ka joogsanaya oo murjinka uu sitto hadba dhan kaga madiidaya.  Guhaad oo lafaha cadcad ee uu waranka la dhacayo ka jawaab la’ ayaa dareemaya laf yar oo ka soo falliidhanta madaxa qalfoofku inay ka sartay addinka midig ee lugta.

Waa abbaaraha cawaysnimadii, ilayska dayax buuxa ayaa dharaareeyay jiidda iyo xeryaha geelashu ku jiraan. Guhaad iyo laba geeljire ayaa xoorkii irmaanta laga soo haaneeday ku dhamaya ardaa oog badani ka baxayso oo xeryaha kaabigooda ah. Hanbada caano daray hadhuub uu ka durduurtay ayuu Guhaad dhan iskaga tiirinayaa, warankiisii oo barbar yaalay ayuu isna muska ku xasaynayaa oo isku diyaarinayaa inuu dhacadiid u jiifsado. Si ku kadiso ah ayuu Guhaad lugtiisa midig uga dareemayaa kaar iyo xanuun, nabarkii barqadii laf falliidha qalfoofku ka sartay hadba waxa ku sii biiraya garaaca iyo xummad.  

Mar dayaxa la moodo inuu intiisii ka sii waynaaday, habeenkuna ka sii dharaaroobay, saq dhexe goor boogtii kurbanaysay u wada fidday xubnaha jidhka idilkood, guhaad wuxuu ardaaga la baxaa dagayaa kaarka ba’an ee boggiisa laga shidayo, wuxuu xammili la’yahay xanuunka sida hadba uu jiif iyo jooq u qaban la’yahay, wuxuuba aburta u saydhayaa sida awr qoodha. Labadii geeljirena talaa ku caddaatay oo farahay kala haadeen.  

Marka adkaysigu Guhaad ka soo dhammaado, dhinbiilaha shidanini beerkiisa ku sii kordhaan waxa ku jujuubmaya nafta oo naqaska ayaa ku adkaanaya. Guhaad isagoo dhinacana qaban la’ ardaaga dhexdiisa waxa ku soo dhacayasa waddo uu xanuunka daran ku soo afjaro. Wuxuu u hollanayaa jilba joogsi dirqi ah oo uu haabanayaa samayda waran ku xasaysan oodda mus ardaaga.  Marka gacantiisu haleesho murjinka wuxuu u soo gundhinayaa gadaal eebo baallo cad oo kala saafaysa boggiisii dhinbiilaha shidnaa ku jireen. Wuxuu neefsanaya af taakadii caarada yuuban ee haldhaglaha naftiisa kala badhay, xinjiro dhiig ah ayuu neefta soo raacinayaa isagoo hor hore u wada diidaya.

Labadii geel jire oo midkood qaylo doon tagay ayaa kii kale Guhaad madaxa ciidda uga celinaya oo  gondahiisa ku gunaanadaya.

“awowgaa la cadaab,” ayuu geeljirihii oo Guhaad sida xilka leh ee wax uga dhaceen ka waynaatay ku murugoonayaa. “waar maxaad haddaada u goysay?”

“ gacantaan naf kale ku gooyay show naftaydaan ku gooyay!” ayuu Guhaad oo afka ka dhiig baxayaa isku ciilayaa, cod sii liiqmaya. “wuxuu u qayshanayay Saatir, wuxuu ku celcelinayay cid uunbaa ku ogaan inaad I dishay.” Ayuu ku sii darayaa isagoo indhahiisu cirka ku faruur xidhanyahiin.

“Saatir waa Ilaahay” ayuu geeljirkii hoos ugu sheegayaa. “ninkaad cidladaa ceebtaa ma sheegtada ah ku dhex dishay isba waa ka markhaati kacay” ayuu hadana ku sii darayaa isagoo Guhaad dhanka qiblada u aaddinaya.

Guhaad umay ekay wakhti kale oo uu sii ahaado. Waxa uga ekayd inuu yidhaahdo. “adduunyooy I hoda, maalinba ninbay hoddaa.” Waxa sii gurmaysay intii ugu danbay haddiisa markii neeftii sanbabadiisa ka soo wada fuurtay.

Markay gurmadkii soo gaadheen ardaagii, waxay warsadeen sida wax u dhaceen. “waxaan cilmi dhagood ku maqli jiray,” ayuu hadalkii ku bilaabay geeljirihii goobjooga ahaa. “Ilaahay gaf aad ka gashay waa kaa dhaafaa, mid aad addoonkiisa ka gashayse maya.”  Wax yar ka hor intii aan Guhaad lagaga soo dul dhaqaaqin xabaal dhawr suxula oo looga qodqoday kaynta badhtankeeda geed galool ah oo wayn hoostii wuxuu geeljirkii hadal ku soo jarayaa. “haddeedba,  ruuxowna waran aad ogtahay inuu kugu soo noqon doono ha riddayn!”

                                   

                                                                     DHAMMAAD

Dhamme Maxamuud Axmed

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s