GASHI

Hadhkii goor ay tahay, nin odaya oo baahi iyo daal la tiicaya ayaa ku soo baxaya reer jees ah oo meel tuulo ah deggan. Aqalkii ugu soo horreeyay kolka uu irridiisa hore ku beeganyahay ayuu u dhawaaqayaa bal in cidi agaha ka dhawdahay.

“waar reerka yaa jooga?”

“cidi reerka ma joogtaa?”

Hadba cid dhanka aqalka kaga soo dhawaaq celisa kolka uu waayo ayuu milicda dhaladiisa saaran xag uu uga dhaqaaqo damcayaa, marka uu dhaqaaqi bido ayuu ku dareen helayaa qof haweenay ah oo guriga afaafkiisa surta kala soo baxaysa.

“waa la joogaa ee maxaa daran?” ayay haweenaydii oo qolqolka u soo baxday tidhi.

“wax daran Alle inooma keeno” ayuu ninkii oo dib u soo tallaabo hakiyay odhanayaa. “nin socoto ah ayaan ahay liibaanto, xalay iyo saakaba tub ku joog ayaan ahaa oo wali ma afurin, bal inuun waxaan afka ku qabto haddii aad karto.”

Kolkii ay ninka afkiisa intaasi ka soo wada baxday haweenaydiina diifta korkiisa ku taal daalacatay waxay u badisay inuu yahay nin dhuldheer ka soo kicitimay, hagoogteedii intay gacanta ku habhabaysay ayay tidhi

“odaygii reerkuna sahanbuu ku maqanyahay, kuraydiina xoolihiibay la arooreen ee hadda bal ii yar kaadi aan haanta goror biyo ah kaaga soo dayee.”

Markay dib isu rogtay ee ay aqalka huluulatay isna ninkii socotada ahaa wuxuu u holladay inuu qorraxda ka hadhgalo geed aan ka fogayn hooskii.

Marwadii martidu ku soo dhacday way ogoyd in biyuhu gabaabsi yihiin oo ay reerka u tashiilaysay laakiin haddana si ayay iskugu hawlaysaa bal inay martida wuxuun horqabto si safraddu uga jabto waxbaba yaanay hammuuntirine.

Laba dhiil oo haanta biyaha ku dhinac teedsanaa ayay marba mid hinjisay oo ay furka ka goysay, ta danbe oo ay ciir inay subag kala baxdo ugu talo gashay  ku ogayd ayay sanka iyo carabka ku dhandhamisay.

“goormay sidaa u gadhoodheen?” ayay hoosta iska waydiisay “ba’a, gadhoodhkaaba kala dhac, kolka waa caano baqay! Sow kuwaa fud iyo faar u kala baxay” duunkeeda ayay hoosta uga dareencelisay.

dhiishii caanaha xumaaday ku  jireen inta ay saabka iyo siddaha isku qabatay oo ay furka ku lingaxday ayay ruxid hadba dhan u garaangarisay si ay caanuhu isku galaan oo ay martida ugu soorto.

“maxaa iiga dana hadduu ku bukoonayo iyo haddii kale, waxaan leeyahay intaasuu Eebbe igu ogyahay” intay uurka sidaa kaga tashatay ayay daymada ku baadhbaadhay weel ay caanaha ugu shubto. “dadka Eebbe kaa saar” ayay hadana nafteedu isku habaaraysaa, intay haantii ay caanaha ka shubaysay salkeeda dib ugu celiso ayay weelkii oo madhan ka hoos qaadaysaa. “miyaanad ceeb ka baqayn? Miyaadan cadaab ka yaabayn?”

Dhito kale oo ay caano daray ah ku jiraan intay afka ka goyso ayay hadhuubkii hoos qabanaysaa, kolay  hilbo solay ah ugu jireen insana intay gacanta haluuliso ayay dhowr farood oo cad ah ka soo saartaysaa hadbana dhanka irridda  qunyar u waydaaranaysaa.

“intaas yar ayaan haddeer ka soo gaadhay, qushiye bal naftuun ku qabo” ayay tidhi kolkii ay soo gaadhay geedkii uu ninku hoos kadaloobay.

“liibaan walaalo liibaan, ruux islaameed oo wanaagsanbaad tahay” ayuu isana yidhi marka uu hadhuubkii iyo dabaq hilib engegan saaranyahay niyadsami uga guddoomay.

“keen qarbadkaa in biyo ah kuugu soo shubee.” ayay marwadii ka codsatay, markii uu u dhiibtayna dib ayay ugu laabatay baradeedii.

Goor uu cadahii wax ka cunay oo uu dhaydiina ka laacay ayay naagtii oo qarbadkii u soo dhaamisay ku soo noqotay.

“waa ku kaa haddaba.” ayay gabadhii intay qarbadkii u soo fidisay si ay iyana hadhuubka iyo dabaqa aqalka ugu celiso.

“janno gal walaalo” ituu yidhi ayuu kor u hinqaday si uu u kaco isagoo dabaqa laba cad oo ku hadhay ka sii dulqaadaya “intanna jid mar ayaan ka sii dhigan doonaa.”

“Eebbe garabkaaga ha galo.” ayay sagootis ugu sii ducaynaysaa iyadoo dhan ka faraxan dhan kalana ka qoommamoon.

“gooraan abaalkaa gudi mooyi?” ayuu maqashiinayaa inta aanu dhaqaaqin isagoo qarbadka lingaxa u giijinaya. “abaalkaad gali, gashi kuu yaal. Gurracaad fali, godob kuu maqan.” ayuu haddana sii raaciyay inta aanu ka dhursugin jawaabteeda.

Qoftii dumarka ahayd iyadoon wali si dhaba u helin meesha ay weedha danbe u dhacayso ayay malahiisii hore ka jawaabaysaa.

“waxba dan ha ka galin abaal gudkayga, waa ii hor Alle iyo habeen aakhiro” ayay tidhi, intay neefqaadasho ku hakatay ayay u sii raacisay “gashi hor Alle ah haddaad rabi inaad guddo, adba goorteeduun abaal u gal ruux u baahi badan.”

Inta uu ninkii mada la ruxay oo uu sii nabaadiineeyay ayuu markale toobiyihii cagta saaray dabadeedna jidkii la libdhay. Marwadiina hoygeedii ayay iskaga laabatay oo cabbaar ayay maankeeda ku sii dhex rogrogtay weedhii ay saari la’ayd. ‘Abaalkaad gali, gashi kuu yaal. Gurracaad fali, godob kuu maqan.’

Cir guduudanihii danbe, waxa guriga soo gaadhay odaygii reerka oo sahan dheer ku maqnaa. Afadiisii kolkii ay idhana ka qaaddayba waxay jaahiisa ka bogotay daal iyo diif badan. Marka uu darmadiisii salka la helayba wuxuu bilaabay sheeko dheer oo sahankiisii ku saabsan.

“casarkii dheeraa anoo harraad dartii asqaysan oo kulka daran dundumo hoosteed kaga gabbanaya oo socon kari la’ ayuu nin duco qaba ahi ii baxay, Kow dheh.”

“koow.”

“ducaysanahii markuu ishayda arkayba wuxuu igu qabtay naas biyo ah oo uu sitay, wuxuuna ii sheegay inuu safar dhuldheer ku yahay, kow dheh.”

“haye.” Ayay tidhi ooridii oo malaheeda ka soo dhex heshay ninka uu saygeedu ka sheekaynayo.

“adaa iiga baahi badan ee sahayo hilibka ayuu igu yidhi, duca qabahaa la’aantii caawa aqalka uma soo hoyden.”ayuu xaajigii ugu galad naqay ninkii uu ka sheekaynayay.

Afadii oo haddeer si wayn nafteeda uga qoommamoon falkeedii hore ee ay ninka socotada ah caanaha baqay ku siin rabtay ayaa irkatay udub dhexaadkii aqalkeeda siba iyadoo miciinsi uga dayaysa. ammintaas ayay maankeeda u dhacday dhuuxa hoose ee weedhii fahankeedu ka kala dhinnaa.

“Abaalkaad gali, gashi kuu yaal. Gurracaad fali, godob kuu maqan.”

Dhammaad.

Dhamme Maxamuud Axmed.
abdirahman431@hotmail.com

4 thoughts on “GASHI

  1. Pingback: GASHI | galow1so

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s