Archive | December 16, 2013

BAADIDII INA-GEEDDI

I: Isku day Hungo

Ina geeddiyow, jaanqaadkaagii ugu horreeyay ogaalkaaga, oogtii hore ee ilayska bildhaantu fayday baalashii gudcurka, habeenkii ka horreeyay sow Ina geeddiyow kumaad dhalan beesha oo guul ah, adoo abaydina gurgurshaa korkii sow kumaad saanqaadin. ogaalkaaga Ina geeddiyow inta badan ka dib wacaalaha mar uun qudhiyaata sow dhab umaad dareemin jiritaankaaga iyo dhabnimada qofnimaddaada, xilli uun si uun meeshaa aad joogtay.

Fikraddii ugu horraysay markay maankaaga ku soo dhalatay sowtii kaaga dhignayd iyadooba culayska adduunku korkaaga sida buuro ugu soo dul dhacay, waayo arrinkaasi wuxuu kugu jarribayay raadraaca baaddidaada, ogaalka naftaada iyo qeexista jiritaankaaga.

Haanta waxaad haddeerto u biyaysatay waa dhuyaal iyo kudaal hor leh, isku tab ayaad caqligaaga iyo jidhkaagaba ugu dhex hayaantay adiga oo qaadaya dhabbo hortaa qornayd iyo jid waligiiba dhignaa. Xaaladaahaasi marna rabitaankaaga qofnimo kama aysan imaan waxa aad se naftaada ka dhaadhicinaysay inaad xaqiiqada ku raadjoogto adigoo baadi goob u ah Runnimadaada. Ina geeddiyow, geeddigaagii ugu horreeyay ee xaqiiqo raadinta sow ilayskii ilbaxnimada ee hir shishe kaaga binniixayay ufo ku kacay hoosta kama damin, iskudaygaagii ugu horreeyayna sow kolkaas kumuu hoorin hungoow.

II: Beegsiga xag aan la aqoon

Ka yar dib kolkii aad tallaabooyin door ah u qaadday xaggii hummaagga iyo dhankii majhuulka, waxaad hadba u baahatay rafiiq kugu weheliya u doolka jiho aan cidi aqoon. Waxase haddana yaqiinsatay in rafiiqa kaliya ee aad garabkaaga ka heli kartaa yahay dareenka shidan ee kashaada ka dhex guuxaya iyo weydiimaha calculus ee iyagu sidaada rafiiq la’ida ah ee raadinaya jawaabo ay weheshadaan.

Wixii koowaad ee rafiiqaagu ku warsaday bal in uun inaad u sugto ahaanshehaaga, midkee geeddi socodka xaaladda noloshaadu: ma bilowga wax dhammaad ah mise dhammaadka wax bilow ah?

Ina geeddiyow, abbaarta yoolkaagu halkaas ayuu ka duulayay, waxaadna uga sii anbebaxday socdaalkaagii xag aan la aqoon. Waxa markan kuu saad noqday shaki iyo weydiimo badan oo xad dhaaf kuugu abuurmaya, hiraal iyo hungoow ayaa ahaa waxaad ka sidatay keli ah sahay.

III: Hawkarkii Geeddiga

Inyar ka dib waxa kuu baxay dhalanteed meel fog kaaga hiray, markaas waxaad is tidhi: “malahay waaba tan noloshaan aragtideeda rabay.” Waxa aad u jaciiratay xaggeedii iyada oo rejaddaadu tahay inaad mar kaliya uun soo taabato xaqiiqda kuna soo taabto ruuxdaada kaleed. Hawkar iyo hungow kale ka dibna waxaad naftaada ku lahayd “Alla dhawaan markaan ka arkaayo meel dhaw!”.

Socdaakii ayaad sii wadatay iyada oo hammiga laabtu kugu sii kordhinaayo murugooyin xidhiidh ah. Rafiiqa kaliya ee safarka kugu weheliya waaxuu kuula muuqday cadawgaa, kadib markuu ku cusleeyay maankaaga xaddidan waydiimo aan dacal lahayn. Bal se waxba umaad baajin geeddigaagii, waxaad naftaada ku dhiirrinaysay “dhibaatooyinka adduunku ku hayo qofka xorta waxa ugu weyn ka maarmi waaga iyo la saaxiib noqoshada cadaw kuu lid ah”.

Werwerka iyo dhibaatada wax baa kugu sii kordhinaaya, weydiimaha laabtaada ku sii cuslaanaya ee ka firdhaya dhibaatooyinkii mugga waynaa ee aad barbilowgii hayaankaba la kulantay. Dabadeed su’aal weyn madaxu muxuu kula daalay “geeddiyahow jirrabidda daran bilowgiiba i baday, maxaan ka fishaa qaddarkaaga dahsoon een xogta timaaddadiisa la heli karin.”

IV: Fikrad hordhac ah

Goortii uu gabbal madoobi kuu dumay habeenkaas Ina geeddiyow, adii guuraha mirtoo gudcurgaamura ah ku jira, sawdigii aad u jilbo dhigtay gar adiga oo nolosha amraya inay daaha iska fayddo. Waxa iskaa tusiyay horraantiiba maangalnimada in xaqiiqada noloshaadu ku daba dhuumaalaysanayso laba toob midba kal, madow ama caddaan marba hal, guul ama guuldarro hadba si.

Maad helin waxba jawaab, hadda waxbaba tibaaxa. Waad ku hungowday garrankii iyo amarkii is sarraysiinta ahaa. Haddii laga tagi waayo; jabaq celinta buuraha dherreran iyo badaha dhigani kaaga soo celinayaan codkaagii murugada hadhaysnaa iyo laabtaadii hurgumada cuslayd. Uurkaagu sow habda ma bukoon, haddeedna aramidii saw kaama keenin arartii aan uunka oo iska dhan kula hadashay.

Uunyahow ballaadhani
Arrinyahow la yaabkii
Abuuryahay hagoogani
Ammuurtaada baadhoo
Arrinkeeda waayoo
Alif dhigan ka doontoo
Aroorkeeda seegoo
Araggay ku fiirshoo
Iyadana dayooboo
Waxaan eegga sugayaa
Arooryada baryaysee
Eedaanka diiggee
Oogtiyo jarmaaddii
Marinkii abbaaree
Jarahii asqawgiyo
Anbadkii hallawgiyo
Umalkii hayaankiyo
Hay aroorin beenbeen.

V: Maalinkii noloshaada

Waaga baragiisa kolka kaahii cadceeddu diillin gaaban kaaga soo dillaacay ee ay dhaayahaagu ku furmeen wacdaro hor leh waxaad naftaada ku qancisay in nolosha aay nafteedu macne u raadinayso lafaheeda. Malahaaga baaxadda uunkoo dhammiba waa raadcada runta wayn. Marka maad aamintay in aad tahay lahayste geed ugu xidhan adduun qudhadiisu cid kale u maxbuusa.

Badhtamaha dheelliga heeryada meel ka dayga xaqiiqada; waxaad fasiraad ka heshay dareenka kugu dhiirrigalinaya inaad horey uga sii socotid waddo murugo iyo tiiraanyo magan u tahay hillaaddeeda. Waxba jawaab kamaad helin marlayba, bal se aammuskeeda dheer kuu sheege wax. Mindhaa xaqiiqdu way ka baxsan tahay soohdimaha meesha iyo wakhtiga ee dabarka adag kugu tigtigay.

Hal cabbaar ah ayaad ku hammiday, waxaad dhugmo u suuraysay dhabta iyo dhalanteedka, malaha awaalaha kugu gedaamani waa indhosarcaad wadar ahaantood aan lahayd sal sugan. Runta noloshu miyaa riyo maalmeed aad ku gasho soo jeed.

Dhaaxaad haddeer isku dayday inaad dhegta u raariciso codka ka soo baxaya sadrigaaga hoose. Hal dheeri waxaad ku heshay in dhawaaq wax ka badani ay dhegtaada ku soo dhacayaan. Markaad dhugatay waxaad soo cugatay weydiin culus. “Maxay waaye awoodaha isku lidka ah ee uurkayga ku dhex legdamayaa, mooggee ma khayrka iyo sharka mid mar ii hoggaaminaa, mise aqoonta ilbaxa iyo dabarka jahliga ayuu midba huri la’ayahay hanashaday?

VI: Bildhaantii gebagebada

Waxaad ogaatay misna ahaatay noole aan saadaalin karin wacaasha timaaddadu ula soo maqan tahay marlabay samaan iyo xumaan midka u soo qarsoon. Socdaalkaad wali tooraynaysaa, heeryo weydiimo ah dhako faar kugu waa ladheen, waxaad se adoo u harraad qaba runta aad isa soo dul taagtay haro biyo galeen. Galshadii ceegaagtay waxay hortaada ku sawirtay dhalanteed u eg muuqaalkaaga. Biyahii aad ku harraad bixi rabtay wuxuu ku tusiyay sawirka dhabta ah ee xaqiiqada, markaas waxa aad cabbaar isku sii dhugatay adigoo ah sidii ruux markii ugu horraysay dhaayaha isa saaray. Haa markii ugu horraysay ee aad muuqaalkaaga indho saarto.

Waa aad qososhay misana ma aad qoslin! Dheeldheel miyaadan ugu boganayn xosol digasho iyo deexasho jirahan baafinaya naftiisa, raadcaynaya qofnimadiisa, ayaankee dheegga xaqiiqdaadu u yeeshay isla muuqaaga?! Arkee haddii qof laga dhigi lahaa tiiraanyada duunkaaga, noqon lahaydaa mindhaa isla qaabkaaga? Muuqa xaqiiqdaada.

Gundhicii idil dhibaatooyin, yaqiinsatayaa intay xaqiiqduba tahay isla abuurtaada, samayskaaga iyo awoodahaaga. Shidaal qaadashada ruuxdaadu waa quus ama murugo. Ina geeddiyow sow kalkaas danbeetada geeddiga jidkaagu hubaashii kuma dhammaado uun jahwareer iyo anbad, ka gadaale yar taako kolkaad u jirsatay gaadhista xaqiiqada hubaasha la’ ee aan asalkeeda wayniba jirin.

Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed
abdirahman431@hotmail.com